Saturday, March 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Adoon fahmin ha fal-celin! Faallo

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Adoon fahmin ha fal-celin! Faallo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 14, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Qaadaysa Tallaabo Muhiim ah oo ay Kaga Mid Noqonayso Silsiladaha Caalamiga ah ee Macdanta Muhiimka ah

March 13, 2026

Waa dabiici weeyna wanaagsantahay mararka qaar in Bulshadu noqoto mid Indhaheedu furanyihiin oo lasocota dhaqdhaqaaqyada Ku xeeran mustaqbalkooda, laakiin waa in ay ahaataa mid miisaaman kuna salaysan xaqiiqo iyo xikmad, sidoo kalana waa in foojignaantaas ay noqoto labo dhinacle xumaanta iyo wanaagga isku si u odorosta waa haddii aragtidaasi ay ka imaanayso maskax dhexdhexaad ah oo aan dhinac lasafnayn afkaaro isdiidan.

Arartaan waxaan usoo qaatay iguna dhaliyay dhaqan aad usoo badanaya soona taagnaa sanadihii danbe kaas oo Ku qotoma ka falcelinta dhaqdhaqaaqyada Dawladeed ee dalka ka socda.

Mararka qaar waxeey umuuqataa in ay jiraan xoogag sugaya oo Dhufays igu jira meel uun ay Ka dhaleecayn karaan tilaabo kasta oo magac Dawladeed lagu qaado.

Meesha aan usocdo maaha Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku jira loolanka Siyaasadeed oo iyaga laftooda ay tahay in ay lahaadaan halbeeg, hase ahaatee cidda ay tahay in miisaanka xajiso waa Shacabka, gaar ahaan aqoonyahanka aan Ka tirsanayn dhinac Siyaasadeed.

Iswaydiintu waa maxaad ku salaynaysaa falcelintaada marka aad maqasho talaabo Dawladdu qaaday?

keebaa kuu ah cabir oo sida uu u yiri aad rumaysanaysaa?

Adigu xog-ogaal maka tahay sheekada, aqoonse ma uleedahay?

Qof ahaan door makaaga banaanyahay sheekada?

Su’aalahaan iyo kuwa kale adigoon iswaydiin ha jawaabin sabab la’aan.

Arin kale oo mudan dul-istaag ayaa ah sida markasta ay igu muuqato in qiimayntu ugu liicdo dhanka Dawladnimada, tusaale sida ay dad badani ugu xiiso qabaan buunbuuninta dhaliisha uguma xiiso qabaan buunbuuninta amaanta, waana su’aal mudan in aan udirno Maskaxdeenna.

micnuhu muxuu noqon karaaa? ma jacayl loo qabaa dhaleecaynta mise waa fahamyaraan?

Isku soo duub, taladaydu waxeey tahay Bulshooy waa in aan yeelanaa calaamadahaan.

1- noqo qof wax qiimeeya.

2- Noqo qof leh qiimayn shaqsi ah.

3- noqo qof maskaxdiisa Xor u ah.

4- Noqo qof ujanjeera wanaagga.

5- ha noqon qof qaylo raac ah.

6- ha noqon qof xambaara afkaaro uusan ogayn.

7- Kala saar xaqiiqda iyo xamaasadda.

Mahadsanidiin.

W/Q, Cabdiraxmaan Yusuf Cadaala.

Previous Post

Shir looga hadlayo arrimaha Deegaanka iyo Beeraha Soomaaliya oo ka furmay Mareykanka

Next Post

Dhaqanka dad qalatada ah ee Al-Shabaab Diinta Islmaanka raad kuma laha.

Next Post
Dhaqanka dad qalatada ah ee Al-Shabaab Diinta Islmaanka raad kuma laha.

Dhaqanka dad qalatada ah ee Al-Shabaab Diinta Islmaanka raad kuma laha.

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 14, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Qaadaysa Tallaabo Muhiim ah oo ay Kaga Mid Noqonayso Silsiladaha Caalamiga ah ee Macdanta Muhiimka ah

March 13, 2026
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo loo marayo Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta, ayaa saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) oo ku saabsan...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo khadka telefonka kula hadlay dhiggiisa Dalka Qatar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo khadka telefonka kula hadlay dhiggiisa Dalka Qatar

March 13, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka...

Wasiirka Xuquuqul Insaanka XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan looga hadlayay Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

Wasiirka Xuquuqul Insaanka XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan looga hadlayay Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

March 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In