Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Adoon fahmin ha fal-celin! Faallo

caqiil by caqiil
June 23, 2018
in Wararka
0
Adoon fahmin ha fal-celin! Faallo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Waa dabiici weeyna wanaagsantahay mararka qaar in Bulshadu noqoto mid Indhaheedu furanyihiin oo lasocota dhaqdhaqaaqyada Ku xeeran mustaqbalkooda, laakiin waa in ay ahaataa mid miisaaman kuna salaysan xaqiiqo iyo xikmad, sidoo kalana waa in foojignaantaas ay noqoto labo dhinacle xumaanta iyo wanaagga isku si u odorosta waa haddii aragtidaasi ay ka imaanayso maskax dhexdhexaad ah oo aan dhinac lasafnayn afkaaro isdiidan.

Arartaan waxaan usoo qaatay iguna dhaliyay dhaqan aad usoo badanaya soona taagnaa sanadihii danbe kaas oo Ku qotoma ka falcelinta dhaqdhaqaaqyada Dawladeed ee dalka ka socda.

Mararka qaar waxeey umuuqataa in ay jiraan xoogag sugaya oo Dhufays igu jira meel uun ay Ka dhaleecayn karaan tilaabo kasta oo magac Dawladeed lagu qaado.

Meesha aan usocdo maaha Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku jira loolanka Siyaasadeed oo iyaga laftooda ay tahay in ay lahaadaan halbeeg, hase ahaatee cidda ay tahay in miisaanka xajiso waa Shacabka, gaar ahaan aqoonyahanka aan Ka tirsanayn dhinac Siyaasadeed.

Iswaydiintu waa maxaad ku salaynaysaa falcelintaada marka aad maqasho talaabo Dawladdu qaaday?

keebaa kuu ah cabir oo sida uu u yiri aad rumaysanaysaa?

Adigu xog-ogaal maka tahay sheekada, aqoonse ma uleedahay?

Qof ahaan door makaaga banaanyahay sheekada?

Su’aalahaan iyo kuwa kale adigoon iswaydiin ha jawaabin sabab la’aan.

Arin kale oo mudan dul-istaag ayaa ah sida markasta ay igu muuqato in qiimayntu ugu liicdo dhanka Dawladnimada, tusaale sida ay dad badani ugu xiiso qabaan buunbuuninta dhaliisha uguma xiiso qabaan buunbuuninta amaanta, waana su’aal mudan in aan udirno Maskaxdeenna.

micnuhu muxuu noqon karaaa? ma jacayl loo qabaa dhaleecaynta mise waa fahamyaraan?

Isku soo duub, taladaydu waxeey tahay Bulshooy waa in aan yeelanaa calaamadahaan.

1- noqo qof wax qiimeeya.

2- Noqo qof leh qiimayn shaqsi ah.

3- noqo qof maskaxdiisa Xor u ah.

4- Noqo qof ujanjeera wanaagga.

5- ha noqon qof qaylo raac ah.

6- ha noqon qof xambaara afkaaro uusan ogayn.

7- Kala saar xaqiiqda iyo xamaasadda.

Mahadsanidiin.

W/Q, Cabdiraxmaan Yusuf Cadaala.

Previous Post

Shir looga hadlayo arrimaha Deegaanka iyo Beeraha Soomaaliya oo ka furmay Mareykanka

Next Post

Dhaqanka dad qalatada ah ee Al-Shabaab Diinta Islmaanka raad kuma laha.

Next Post
Dhaqanka dad qalatada ah ee Al-Shabaab Diinta Islmaanka raad kuma laha.

Dhaqanka dad qalatada ah ee Al-Shabaab Diinta Islmaanka raad kuma laha.

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In