Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Afar caruur ah oo laga helay keymaha Colombia 40 cisho kadib

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 years ago
in Wararka
0
Afar caruur ah oo laga helay keymaha Colombia 40 cisho kadib
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Afar carruur ah ayaa nolol lagu helay ,iyagoo jooga kaymaha Colombia in ka badan shan toddobaad, ka dib markii ay burburtay diyaaradii ay la socdeen oo sidday illaa 7 ruux sida uu sheegay madaxweynaha Colombia Gustavo Petro.

Ciidamada ayaa Jimcihii soo badbaadiyay carruurtaan oo ku sugnaa meel u dhow xuduudka u dhexeeya gobollada Caqueta ee Colombia iyo Guaviare, oo u dhow halka ay diyaaradda yar ku burburtay.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026

Diyaaradda oo nooceedu ahaa Cessna 206 – ayaa siday toddobo qof ,waxaana diyaaradaasi la waayey ama ugu war dambeysay 1-dii May ,kadib kolkii ay ku timid cilad xagga mishiinka ah.

.Saddex qof oo waaweyn oo uu ku jiro duuliyihii diyaaradda iyo hooyada dhashay carruurta ayaa ku dhintay shilka diyaaradda, waxaana meydadkooda laga helay diyaaradda gudaheeda.

Afarta carruur ah ayaa da’dooda lagu  kala sheegay 13, 9 , 4 iyo sidoo kale ilmo jira 12 bilood,waxaana saaka aroortii ay la geeyay caasimadda Bogota  si loogu daweeyo.

Narcizo Mucutuy, oo ah awoowaha caruurtaasi, ayaa saxaafadda u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay nolosha caruurtiisa,wuxuuna u mahadceliyay ciidamada Kolombiya.

Madaxweynaha Colombia  Petro ayaa farriin uu soo dhigay Twitter-ka ku yidhi “badbaadinta caruurtaasi farxad ayeey u tahay dalka oo dhan”

Previous Post

Taliska ciidanka Booliska oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay weerarkii Hoteel Pearl ee Liido

Next Post

Agaasime Caydaruus Cabdulle oo kulan la qaatay teemka Barnaamijka Xasalinta 

Next Post
Agaasime Caydaruus Cabdulle oo kulan la qaatay teemka Barnaamijka Xasalinta 

Agaasime Caydaruus Cabdulle oo kulan la qaatay teemka Barnaamijka Xasalinta 

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
0

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’ud Aweys Jaamac, ayaa ka...

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan, ayaa booqday xarunta Hay’adda...

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

January 23, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in go’aanka dowladda ee...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

January 23, 2026
0

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In