Friday, December 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

AFRICOM iyo Danab oo duqeyn ka dhan ah argagixisada fuliyey Hiiraan

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
Horjoogayaal katirsan Al-shabaab oo lagu dilay duqeeyn kadhacday Gobolka Shabeelaha hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Mareykanka ayaa xubno ka tirsan argagixisada Al-Shabaab la beegsaday duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday deegaanka Dudubley oo gobolka Hiiraan.

Taliska ciidmada Mareykanka ee AFRICOM ayaa shaaciyey in ayagoo kaashanaya ciidamada dowladda Soomaaliya ay qaadeen weerar dhanka cirka ah oo ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab.

Related posts

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka hor-dhaca ah ee AFRICOM weerarkaas ay fuliyeen ciidamada huwanta ah ayaa deegaanka Dudubley ka dhacay 22-kii Bishan Febraayo.

“Qiimaynta khasaaraha dagaalka ayaa wali la sugayaa. Qiimeynta bilowga ah ee taliska ayaa ah in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay duqeyntan,” ayaa lagu yiri qoraalka Taliska AFRICOM.

Bayaankan ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Maraykanka loo fasaxay inay fuliyaan weeraro lagu taageerayo ciidamada Soomaaliya ee la howlgala kuwa Mareykanka, sida uu dhigayo oggolaashihii Isticmaalka Ciidanka Milatariga Mareykanka ee 2001-dii.

Bayaanka AFRICOM ayaa lagu yiri, “Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ee Afrika ayaa qaadaya tillaabo weyn oo looga hortagayo khasaaraha soo gaara dadka rayidka ah. Dadaalladan ayaa ka duwan weerarada aan loo meel dayin ee ay al-Shabaab si joogto ah u geysato dadka rayidka ah.”

Previous Post

Sawirro: Booliska Ukraine oo soo bandhigay tirada dhimashada iyo dad nolosha lagu la’yahay

Next Post

Soomaaliya Iyo Masar oo heshiis kala Saxiixday “SAWIRRO”

Next Post
Soomaaliya Iyo Masar oo heshiis kala Saxiixday “SAWIRRO”

Soomaaliya Iyo Masar oo heshiis kala Saxiixday “SAWIRRO”

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

December 19, 2025
0

Muqdisho(SONNA):-Booliska Soomaaliya oo diyaargarow ugu jira Xuska Sanad Guurada 82-aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Taliyaha Ciidanka...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

December 18, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta tababar usoo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In