Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banadir Dr Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud ayaa maanta la kulmay Agaasimaha Guud ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay in kor loo qaado wada shaqeynta ka dhexeeysa Waaxda caafimaadka Gobolka iyo hay’adda caafimaadka Adduunka.
Waxaa la isku afgartey in la hubiyo hufnaanta Howlaha mashaariicda ee la xariirta Arimaha caafimaadka sidoo kale labada Agaasime ayaa isku raacay in laga wada shaqeeyo hubinta iyo tayada adeega caafimadka Gobolka Banaadir.