Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
6 months ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay qaybo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaasi oo diiradda lagu saaray xoojinta nabadda iyo dib u heshiisiinta bulshada, adkeynta geeddi socodka dimuqraadiyeynta, gurmadka abaaraha iyo horumarinta dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa Odayaasha ku bogaadiyey doorkooda taariikhiga ah ee ilaalinta midnimada iyo wadajirka bulshada, xalinta khilaafaadka iyo taageerada dowlad-dhiska dalka, isaga oo adkeeyey muhiimadda wada shaqeynta dowladda iyo hoggaanka dhaqanka si loo xaqiijiyo horumar iyo xasillooni waarta.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Dhankooda, Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada iyo dadaallada joogtada ah ee dowladda Federaalka ay ku bixinayso nabadeynta, dib u heshiisiinta iyo horumarinta deegaanada Koonfur galbeed, iyaga oo muujiyey garab istaagooda qorshayaasha Qaran ee lagu xoojinayo dowladnimada iyo dimuqraadiyadda dalka.

Previous Post

Taliyaha CXDS oo Dalacsiiyay Geesiyaashii Furay Waddada Muhiimka ah Ee Isku Xirta Muqdisho iyo Baydhaba

Next Post

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Next Post
Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay'adda SoDMA

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In