Munaasabad kooban oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada iyo Wasiirada Arimaha Gudaha, Hawlaha Guud, Biyaha & Tamarta, Guddoomiyaha Guddiga Shaqada iyo Shaqaalaha iyo masuuliyiinta waaxyaha kala duwan ee Madaxtooyada qaar kamid ah.
Mudane Maxamuud Sayid, Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland ku amaanay uguna mahadceliyey Agaasimihii hore Abshir Muxumed Colow shaqada wanaagsan ee uu qabtay mudadii dheerayd ee uu xilka hayey.
Agaasimahii hore Abshir muxumed Colow ayaa mudo gaareysa sideed sano ahaa Agaasimaha Madaxtooyada, isagoo xilligaas ka horna ahaa xoghayaha qaaska ee Madaxweynaha Jubbaland. Taas ayaa ka dhigaysa Abshir, shakhsi rug cadaa ah oo usoo adeegay dadka iyo dowlad Goboleedka Jubbaland tan iyo intii la aasaasay Jubbaland.
Abshir Muxumed Colow ayaa si guud ugu mahad celiyay dhamaan mas’uuliyiinta iyo hay’adaha kala duwan ee Jubbaland ee ay soo wada shaqeeyeen, shaqaalaha Madaxtooyada iyo howlwadeenada kala duwan sidii ay usoo garab istaageen iyo shaqo wanaagii ay u muujiyeen. Sidoo kale, Agaasimahii hore ee Madaxtooyada ayaa si gaar ah ugu mahad celiyay Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ku aaminay shaqadan aadka u weyn isla markana fursad u siiyay inuu shacabka reer Jubbaland ugu adeego aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa.
Agaasimaha Cusub Khaliif Yusuf Maxamed ayaa sheegay in uu makhraati ka yahay dadaalka shaqaalaha iyo howlwadeenada Madaxtooyada isla markana uu rajaynayo in shaqada socota ay noqoto mid guulaysata oo si wadajir ah looga shaqeeyo ajandayaasha Wlwaa weyn ee horyaala Madaxtooyada Jubbaland.
Agaasimaha cusub ayaa sidoo kale ugu mahad celiyay Agaasimahii hore ee Madaxtooyada Abshir Muxumed Colow shaqadii baaxada lahayd ee uu ka soo qabtay Madaxtooyada oo uu kasoo bilaabay meel hoose, taas oo maantana joogta meel lagu faani karo.