Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha cusub ee Telefishinka Qaranka oo xilka kala wareegay agaasimihii hore”SAWIRRO”

admin by admin
5 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha cusub ee Telefishinka Qaranka oo xilka kala wareegay agaasimihii hore”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabaddan oo ay ka soo qeyb galeen Wasiirka warfaafinta XFS, agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta,agaasimaha guud ee wasaaradda haweenka,agaasimaha hab-maamuuska Madaxtooyadda Qaranka,agaasimaha shaqaalaha iyo tababarada warfaafinta,agaasimaha warfaafinta gobolka Banaadir,ururada saxaafadda iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa xilka kula kala wareegayay agaasimaha cusub ee Telefishinka Qaranka iyo agaasimihii hore.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta wasaaradda warfaafinta ayaa ugu horreyn waxaa ka hadlay  Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Soomaaliya  mudane C/naasir Xuseen wuxuuna sheegay in agaasimaha cusub iyo agaasimihii hore ay yihiin dad uu ku tuhmayo karti iyo aqoon.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Agaasimihii hore ee Telefishinka, Faarax Salaad Dharaar ayaa sheegay in wax badan ay u qabsoomeen muddadii uu joogay xafiiska, isagoo agaasimaha cusub u rajeeyay in uu alle ku guuleeyo mas’uuliyadda.

Agaasimaha cusub ee Telefishinka Qaranka mudane, Sharmaake Maxamed Warsame ayaa agaasimihii hore uga mahadceliyay dadaalladiisi uu Qaranka ugu soo shaqeeyay, wuxuuna tilmaamay inuu halkaas kasii wadi doono shaqada loo igmaday.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane, Cismaan Abuukar Dubbe ayaa agaasimihii hore ee Telefishinka ku boggaadiyay shaqadi uu qabtay muddadii uu joogay,isagoo agaasimaha cusub iyo ku xigeenkiisa u rajeeyay in Alle ku guuleeyo howsha loo igmaday  ee ah in ay Qaranka u adeegaan.

Previous Post

Xafiiska SOMINVEST ee wasaaradda Qorsheynta XFS oo ku biiray Ururka Hay’adaha Dhiirigelinta Maalgashiga Adduunka

Next Post

Ethiopia oo sheegtay in weerar hoobiyeyaal ah lagu qaaday garoomo ku yaala Ismaamulka Amxaarada

Next Post
Ethiopia oo sheegtay in weerar hoobiyeyaal ah lagu qaaday garoomo ku yaala Ismaamulka Amxaarada

Ethiopia oo sheegtay in weerar hoobiyeyaal ah lagu qaaday garoomo ku yaala Ismaamulka Amxaarada

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In