Saturday, January 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Guud ee Hay’adda socdaalka Soomaaliya oo Norway kula kulmay Madaxda Laanta Socdaalka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Guud ee Hay’adda socdaalka Soomaaliya oo Norway kula kulmay Madaxda Laanta Socdaalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Gaanshaanle Sare Maxamed Aadan Koofi oo socdaal  ku maraya dalalka Finland, Norway iyo Belgium  ayaa magaalada Oslo ee caasimadda  Norway  kulamo kala duwan kula qaatey madaxda iyo saraakiisha laanta  socdaalka Norway ee UDI, Taliska guud ee  booliiska, Xaruunta bixinta kaararka  Aqoonsiga,  Wasaaradda Caddaaladda iyo Wasaaradda arrimaha dibadda  Norway,

Kulamadaas ayaa diiradda  lagu saaray  iskaashi laga yeesho arrimaha socdaalka , is-dhaafsiga xogta iyo Khibradaha, aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliga.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

January 24, 2026
Xildhibaannada Golaha Shacabka JFS oo maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Macdanta

Xildhibaannada Golaha Shacabka JFS oo maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Macdanta

January 24, 2026

Agaasimaha iyo wafdigiisa oo ka kooban 5-xubnood ayaa madaxda ugu muhiimsan oo ay la kulmeen waxaa kamid ahaa Taliyaha guud ee Booliska Norway, Agaasinka UDI iyo madaxda sare ee Wasaaradaha Amniga, Cadaaladda iyo arrimaha dibadda oo ay isdhaafsadeen khibrado iyo xog badan oo ku saabsan dhinaca wadashaqeeynta.

Wefdiga uu hogaaminayo Agaasime koofi ayaa booqday xarunta UDI, xarunta Booliiska magaalada Oslo, iyo xarunta kaararka aqoonsiga.

Agaasimaha guud ee Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Koofi iyo  la-taliyihiisa Mahad Axmed Cabdi ayaa sidoo kale ka qeybgaley xaflad lagu  soo gabagabeynayey tababaro iyo aqoon isweydaarsi muddo todobaad ah magaalada Oslo  uga socday saraakiil ka tirsan Hay’adda socdaalka Soomaaliya.

Norway oo hor-muud u ah wadamada Soomaaliya kala shaqeeya arrimaha socdaalka ayaa dhowaan ku dhawaaqi doona dhameystirka heshiis ku saabsan oggolaansha dukuumentiyada safarka ee Soomaaliya, iyadoo horay ay Norway u ogolaatey baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaaliya.

By:-Mohamed Abdulkadir Dahir MCD

 

 

Previous Post

WHO oo ka war-bixisay fatahaadda ka dhacday Soomaaliya

Next Post

Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray kulan ku saabsanaa is cafinta bulshada “SAWIRRO”

Next Post
Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray kulan ku saabsanaa is cafinta bulshada “SAWIRRO”

Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray kulan ku saabsanaa is cafinta bulshada "SAWIRRO"

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO(PAKISTAN):-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh), iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar...

Xildhibaannada Golaha Shacabka JFS oo maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Macdanta

Xildhibaannada Golaha Shacabka JFS oo maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Macdanta

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan rasmi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho. Kulanka maanta ayaa...

Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland oo sii xoojiyay hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta

Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland oo sii xoojiyay hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland ayaa sii wada howlgallo ballaaran oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay wadada Cabdiqaasim ee degmada Hodan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay wadada Cabdiqaasim ee degmada Hodan

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Sabtida maanta ah dhagax-dhigay dhismaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In