Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, ayaa maanta furay tobabar aqoon kororsi ah oo ku saabsan Qaab -dhismeedka barnaamijka Wada-hadalka Ganacsatada iyo Dawladda oo ay ka faaโideysanayeen saraakiil ka socotay Wasaaradda sidoo kale na ay hir-gelinaysay hayโadda DAI.
Barnaamijkan wada-hadalka Ganacsatada iyo Dawladda, ayaa qeyb ka ah mashruuc lagu horumarinayo ganacsatada oo uu maal-gelinayo Midowga Yurub, waxaana uu ahmiyad u leeyahay dawlad wanaaga iyo siddii iskaashi wada-jir ah loogga yeelan lahaa arrimaha horumarka ee dalka.
Sidoo kale, wuxu taageerayaa sidii loo abuuri lahaa deegaan habboon oo ay ku ganacsan karaan Ganacsatada dalka, iyada oo uu soo jiidaanayo Maal-gashadeyaasha, gaar ahaan dhinacyada shuruucda, siyaadaha, dib-u-haynta hayโadaha dawladda