Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ganacsiga Oo Soo Xiray Kulan Wada Tashi Ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ganacsiga Oo Soo Xiray Kulan Wada Tashi Ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, ayaa galabta soo xiray kulan wada-tashi ah oo Wasaaraddu la sameynaysay hay’adaha dawladda ee heer Federaal, Maamul Goballeedyada, Ganacsatada, Maal-gashadaayasha iyo Taageerayaasha caalamiga ah oo laga la tashanaayey xeernidaamiyahii lagu dhaqan-gelinayey sharciga Shirkadaha oo hore loo ansaxiyey bishii Diisember 2019kii.

Agaasimaha oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa u mahadceliyey dhamaan ka soo qeyb-galayaashii barnamaijka, waxaana uu sheegay in kulanku uu ahaa mid u qabsoomay sidii looggu talogalay isla mar ahaantaana ka soo-qeyb-galayaasha barnaamijku ay si wacan uga dhiibteen talooyinkooda ku aadan xeernidaamiyaha.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Kulankan wada-tashiga ah, ayaa ujeedkiisu ahaa sidii ka qeyb-galayaasha kulanku ay uga talo-bixin lahaayeen Xeerkan, iyaga oo u eegaya shuruucda iyo xeerarka shirkadaha ee Aduunka si sharcigani u noqdo mid casri ah oo la jaan qaadaya kuwa ka dhisan dunida iyo waliba dhiiri-gelinta iyo soo-jiidashada ganacsi iyo maalgashi si shirkaduhu u helaan kalsooni ay wadanka ugu aamini karaan hantidooda.

Xeernidaamiyahan oo Wasaaradda iyo Xafiiska sharciyaqaanada ee Muqdisho ka soo shaqeeyeen sidoo kalena taageero ka helayey Baanka Aduunka iyo hay’adda IFC, ayaa marka uu ka gudbo la-tashiyada, waxa uu ku soo bixi doonaa Wareegto heer Wasiir ah, waxaana loo adeegsan doonaa dhaqan-gelinta sharciga shirkadaha oo ahmiyad weyn u leh ganacsiga iyo maal-gashiga dalka.

Previous Post

Maxkamad Ku Taala Kenya Oo Dambi Ku Heshay Labo Eedeysane

Next Post

Musharaxiinta Xilka Madaxweyne Ku Xigeenka Mareykanka oo Xalay Dood adag yeeshay

Next Post
Musharaxiinta Xilka Madaxweyne Ku Xigeenka Mareykanka oo Xalay Dood adag yeeshay

Musharaxiinta Xilka Madaxweyne Ku Xigeenka Mareykanka oo Xalay Dood adag yeeshay

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In