Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Asad Yusuf Qanyare oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda, ayaa kulan la qaatay madax ka socotay Hay’adda UNICEF ee Caruurta iyo waxbarashada Qaramada Midoobay uqaabilsan Xafiiskeeda Soomaaliya.
Kulanka waxaa xooga lagu saaray xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa dhinacyada ay khusayso Mashaariicda heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleedba ee u-Adkeysiga masiibooyinka, Isla markaana si wadajir ah loo sameeyo kormeer iyo Qiimeyn tasoo xaqiijnayso dhaqan-galka u leeyahay Waddanka Mashruucan.