Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqada oo maanta la wareegay xilkiisa

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqada oo maanta la wareegay xilkiisa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xil Biixi Iimaan Cige, iyo Wasiiru dawlaha Wasaaradda Xil Yusuf Maxamed Adan,ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay Kusimaha Agaasimaha Guud mudane Cabdikariim Cumar Cabdiraxmaan Iyo Agaasimaha Guud Mudane Yuusuf Xasan Isaaq, ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Munaasabadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirdda Wasaaradda, Agaasime waaxeedyaha, Lataliya yaasha, Shaqaalaha Wasaarada shaqada iyo marti sharaf ka socota hay’adaha dawladda.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026

Wasiirka, ayaa soo dhaweeyaAgaasimaha a guud sidoo kale u mahadceliyay ku simaha Agaasimaha guud iyo Agaasime waaxeed yada Wasaaradda hawlihii ay qabteen mudadii uu hayay xilka kusimaha Agaasimaha Guud ee wasaaradda.

Sidoo kale,Wasiiru-dawlaha  dowlaha Wasaaraddaa, Xil Yuusuf Maxamed Aadan oo isna hadal kooban ka jeediyay ayaa agaasimaha cusub iyo agaasimaha waaxeedyada wasaaradda ku booriyey howlaha horyaala wasaaradda in ay wadashaqeyn guud ka yeeshaan iskuna garab siiyaan hawlaha Wasaraddaa.

Mudane Yuusuf Xasan Isaaq Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa Dhammaan Masuuliyiinta Wasaaradda uga mahad-naqay soo dhawaynta ay u sameeyeen iyo Xafladda Xil-wareejinta. Waxa uu ka waramay hanaanka shaqo uu la yeelan doono dhamaan masuuliyiinta wasaarada iyo shaqaalaha in ay noqon doonto mid daah furan oo ku dhisan wada tashi.

Ugu dambayntii, Wasiir Biixi waxa uu sharraxaad dheer ka bixiyey hawlaha baaxadda leh ee horyaalla Wasaaradda oo ay ugu horreeyaan tayeynta shaqaalaha dawladda, u adeegidda arrimaha bulshada, shaqo abuurka iyo suuqa shaqada iyo kor u qadidda barnaamijyada horumarinta farsamada iyo tababarada xirfadeed (TVET) iyo Siyaasadaha iyo Shuruucda shaqada oo meel wanaagsan mareysa.

Wuxuu si rasmi ah u amray in lala shaqeeyo Mudane Yuusuf Xasan Isxaaq, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.




Previous Post

Guddoomiye Sh. Aaadan oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Marxuumad Dhaqan Aadan oo ah Hooyada Xildhibaan Yuusuf

Next Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay wafdi ka socday Bisha Cas Turkiga

Next Post
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay wafdi ka socday Bisha Cas Turkiga

Guddoomiyaha Hay'adda SoDMA oo qaabilay wafdi ka socday Bisha Cas Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In