Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo abaalmarino guddoonsiiyay fanaaniin guuleystay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo abaalmarino guddoonsiiyay fanaaniin guuleystay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan ay yeesheen Golaha Abwaannada Soomaaliyeed oo lagu qiimeeynayay heesaha Fanaaniinta Da’da yar ee Soomaaliga ayaa xalay lagu qabtay Xarunta Akadeemiyada Cilmiga,  Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, xubno ka tirsan Golaha Abwaanada Soomaaliyeed, Qaar kamid ah Fanaaniinta Soomaaliyeed, Miyuusikyahanno, Khuburro ka tirsan Fanka Soomaaliyeed iyo martisharaf kala gedisan oo lagu casuumay kulanka.

Intii uu kulanka socday Golaha Abwaanada Soomaaliyeed waxa ay qiimeeyn ku sameeyeen gaar ahaan Fanaaniinta da’da yar kuwaasi oo ay kamid yihiin Khadar Keyow iyo Sacdiya Siman kadib markii ay halkaasi iyaga iyo fanaaniin kale ay kusoo bandhigeen heeso kala duwan oo ay dhageysteen dadkii kasoo qayb galay kulankaasi.

Khadar Keyow iyo Sacdiyo Siman ayaa ku guuleeystay in loo aqoonsado fanaaniinta sanadka 2018-ka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradad Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala oo halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa isagoo ku hadlayay afka Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo safar shaqo ku maqan ku aammaanay Golaha Abwaanada Soomaaliyeed iyo dadkii kasoo shaqeeyay in ay maskaxdooda geliyaan taabagelinta howshan.

Khadar Keyow iyo Sacdiyo Siman ayaa lagu guddoonsiiyay abaal marino ka turjumaysa guusha qiimeynta kadib, Khadar Keyow oo hadal ka jeediyay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qiimeeynta la sameeyay, isagoo u mahadceliyay Guddiga shaqada hagar la’aaneed ay qabteen iyo si lamid ah dadkii gacan ku siiyay inuu noqdo fanan ku heesa afka Hooyo.

Xarunta Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo suugaanta ayaa ah hay’ad mas’uul ka ah dhowrista iyo kormeerista dhaqanka iyo waxyaabaha muhiim-ka u ah Qaranka Soomaaliya.

Previous Post

Elman oo ku guuleysatay Horyaalka Xidigaha

Next Post

AMISOM Force Commander concludes tour of Forward Operating Bases in south central Somalia

Next Post
AMISOM Force Commander concludes tour of Forward Operating Bases in south central Somalia

AMISOM Force Commander concludes tour of Forward Operating Bases in south central Somalia

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In