Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo abaalmarino guddoonsiiyay fanaaniin guuleystay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 15, 2018
in Wararka
0
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo abaalmarino guddoonsiiyay fanaaniin guuleystay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan ay yeesheen Golaha Abwaannada Soomaaliyeed oo lagu qiimeeynayay heesaha Fanaaniinta Da’da yar ee Soomaaliga ayaa xalay lagu qabtay Xarunta Akadeemiyada Cilmiga,  Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

 

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, xubno ka tirsan Golaha Abwaanada Soomaaliyeed, Qaar kamid ah Fanaaniinta Soomaaliyeed, Miyuusikyahanno, Khuburro ka tirsan Fanka Soomaaliyeed iyo martisharaf kala gedisan oo lagu casuumay kulanka.

Intii uu kulanka socday Golaha Abwaanada Soomaaliyeed waxa ay qiimeeyn ku sameeyeen gaar ahaan Fanaaniinta da’da yar kuwaasi oo ay kamid yihiin Khadar Keyow iyo Sacdiya Siman kadib markii ay halkaasi iyaga iyo fanaaniin kale ay kusoo bandhigeen heeso kala duwan oo ay dhageysteen dadkii kasoo qayb galay kulankaasi.

Khadar Keyow iyo Sacdiyo Siman ayaa ku guuleeystay in loo aqoonsado fanaaniinta sanadka 2018-ka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradad Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala oo halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa isagoo ku hadlayay afka Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo safar shaqo ku maqan ku aammaanay Golaha Abwaanada Soomaaliyeed iyo dadkii kasoo shaqeeyay in ay maskaxdooda geliyaan taabagelinta howshan.

Khadar Keyow iyo Sacdiyo Siman ayaa lagu guddoonsiiyay abaal marino ka turjumaysa guusha qiimeynta kadib, Khadar Keyow oo hadal ka jeediyay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qiimeeynta la sameeyay, isagoo u mahadceliyay Guddiga shaqada hagar la’aaneed ay qabteen iyo si lamid ah dadkii gacan ku siiyay inuu noqdo fanan ku heesa afka Hooyo.

Xarunta Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo suugaanta ayaa ah hay’ad mas’uul ka ah dhowrista iyo kormeerista dhaqanka iyo waxyaabaha muhiim-ka u ah Qaranka Soomaaliya.

 

 

Previous Post

Elman oo ku guuleysatay Horyaalka Xidigaha

Next Post

AMISOM Force Commander concludes tour of Forward Operating Bases in south central Somalia

Next Post
AMISOM Force Commander concludes tour of Forward Operating Bases in south central Somalia

AMISOM Force Commander concludes tour of Forward Operating Bases in south central Somalia

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In