Friday, March 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS iyo Xubno ka socday Jaamacadda Umadda oo kormeeray xarumaha Warbaahinta Qaranka+sawirro

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS iyo Xubno ka socday Jaamacadda Umadda oo kormeeray xarumaha Warbaahinta Qaranka+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/raxmaan Sheekh yuusuf (Cadaala) oo ay wehliyaan qaar kamid ah agaasimeyaasha waaxyaha ee wasaaradda ayaa kulan la qaatay xubno ka socday Jaamacadda Umadda,kuwaasi oo maanta soo booqday xarunta wasaaradda.

Waxyaabaha ay ka wada hadleen ayaa waxaa kamid ahaa xoojinta iskaashiga iyo wadashaqeynta Jaamacadda Umadda iyo Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada horumarinta Warbaahinta iyo sidii sare loogu qaadi lahaa tayada Wariyeyaasha ka howlgala warbaahinta Qaranka iyo in fursado tababara ah la siiyo dhalinyaro culuumta saxaafadda ka soo baratay jaamacadda Umadda,iyadoo ay ka qeybqaadanayaan quburo ku xeel dheer arrimaha warbaahinta,sida Yuusuf Garaad Cumar wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya,Prof C/qaadir Maxamed Dhicisow,hormuudka kuliyadda Saxaafadda ee Jaamacadad Umadda,iyo Khaalid Mocow C/qaadir guddoomiyaha guddiga Saxaafadda ee Golaha Shacab ,kuwaasi oo barayaal ka ah jaamacadda Umadda.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

March 27, 2026
Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/raxmaan Sheekh yuusuf (Cadaala) ayaa balan qaaday in ka wasaarada ahaan ay kala shaqeyn doonaan Jaamacadda Ummadda arrimihii la isla meel dhigay ee dhinaca iskaashiga ah.

Kulanka kadib waxaa ay si wada jir ah ay u kormeereen xarumaha warbaahinta sida Wargeyska Dalka iyo Wakaaladda SONNA,halkaasi oo warbixin kookabn kaga dhageysteen Cali C/qaadir Cali agaasimaha Wakaaladda SONNA iyo Wargeyska Dalka,sidoo kale waxaa ay kormeereen xarunta TV Qaranka oo uga warbixiyay Faarax Dharaar agaasimaha TV,halka Radio Muqdishona ay warbixin kaga dhageysteen agaasimaha Radio Muqdisho Yaxye Cali Faarax.

Mas’uuliyiintani ayaa isla meel dhigay in la is dhaafsado aragtiyo iyo qibrado la xiriira iskaashiga horumarineed ee warbaahinta iyo in la soo saaro dhalinyaro aqoontoodi ay sareyso,waxaana xubnahii ka socday Jaamacadda umadda  ay balan qaadeen in kaalin ay ka qaadan doonaan sidii sare loogu qaadi lahaa garaadka iyo heerka aqooneed ee wariyeyaasha.

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta XFS iyo Wasiir kuxgieenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga oo wada jir u furay Shirka Afrika& Italy Business Week+sawirro

Next Post

Mas’uuliyiinta Isboortiga Gobolka Banaadir oo kormeeray xarunta dhallinyarada Gobolka+Sawirro

Next Post
Mas’uuliyiinta Isboortiga Gobolka Banaadir oo kormeeray xarunta dhallinyarada Gobolka+Sawirro

Mas’uuliyiinta Isboortiga Gobolka Banaadir oo kormeeray xarunta dhallinyarada Gobolka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

March 27, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire...

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026
0

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jira kulan muhiim ah oo ay galabta...

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

March 27, 2026
0

Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada  XFS,Ururka Dhaqaatirta iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu talagalay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In