Sunday, January 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Radio Muqdisho oo kulamo la yeeshay Madaxda Ururada Idaacadaha Carabta iyo Yurub

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Radio Muqdisho oo kulamo la yeeshay Madaxda  Ururada Idaacadaha Carabta iyo Yurub
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Waaxda Radio Muqdisho Mudane Cabdiraxiin Ciise Cadow oo isaga iyo wafdi wasaaradda Warfaafinta  ka socda  ay ka qayb galayaan Kalfadhiga 35-aad ee Golaha guud ee Ururka Idaacadaha Dowladaha Carabta ee sanadkan ka dhacaya Dalka Tuunis ayaa sidoo kale kulamo la qaatay Madax kala duwan oo shirka kasoo qayb gashay.

Agaasimaha Cabdiraxiin ayaa kulan la qaatay Xog-hayaha Guud ee Ururka Idaacadaha Dowladaha Carabta Eng: Cabdiraxiin Sulaymaan iyaga oo ka wada hadlay sidii Soomaaliya warfaafinteeda gacan buuxda sanadkan loo siin lahaa waxa uuna Agaasime Cadow u sharaxay baahida jirta oo ay isugu jirta baahi qalab mid tababar iyo mid farsamo.

Related posts

Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyadeeysay geerida Marxuum Danjire Cabdinuur Yuusuf

Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyadeeysay geerida Marxuum Danjire Cabdinuur Yuusuf

January 18, 2026
Ciidamada Qaranka oo soo bandhigay maydadka Khawaarijtii lagu laayay Shabeellada Dhexe

Ciidamada Qaranka oo soo bandhigay maydadka Khawaarijtii lagu laayay Shabeellada Dhexe

January 18, 2026

Xoghayaha Guud ee Ururka Idaacadaha Carabta oo isagana dhankiisa ka hadlay ayaa sheegay in diyaar u yihiin sidii Soomaaliya wax loogu qaban lahaa oo ay ugu horayso in qalabka wararka lagu kala badasho ay dhawaan gayn doonaan Soomaaliya kaas oo sahlaya sidii wararka carabta iyo Caalamka kale ay si dhaqso oo aan qarash ku bixin ay ku helayaan TV-ga Soomaaliya ee SNTV iyo Radio Muqdisho.

Xoghaya ayaa intaa ku daray in dhawaan ay Soomaaliya u dirayaan sidii howshaas loo qaban lahaa ayna diyaariyeen sidoo kale in tababar loo fidiyo Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee hada ka howl gasha Warbaahinta Dowladda.

Dhanka kale Agaasime Cabdiraxiin ayaa la kulmay Xoghaya Guud ee Ururka COPEAM Mudane Pier Luigi MALESANI iyagoo ka wada hadlay sidii Raadiyaha iyo TV-ga wax loogu qaban karo una sheegay Xog-hayaha guud in baahi badan oo dhanka warfaafinta Dowladda ah ay jirto loona baahan yahay in caalamka lala gaashado.

dhankiisa Pier Luigi MALESANI ayaa sheegay in ay diyaar wax walba u yihiin oo ay doonayaan in Soomaaliya dhanka warfaafinta laga gacan siiyo waxa uuna sheegay in Dowladda Talyaaniga oo isaga u dhashay ay diyaar la tahay wax walba oo ay dhanka warfaafinta Dowladda ah.

Wafdiga Wasaaradda Warfaafinta ee Sanadkan ka qayb galaya kulamada Ururka Idaacadaha Dowladaha Carabta ee Tuunis ka socda  oo agaasime Cabdiraxiin horkacayo oo uuna ka mid yahay Fiidow Maxamuud oo Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan u qaabilsan dhanka warfafainta ayaa ka qayb galay shir sadax geesood ah oo ay isugu yimaadeen Ururada Idaacadaha Carabta, Aasiya iyo Yurub.

Shirkaas ayaa lagu sheegay in diyaar loo yahay in la taageero Warfaafinta Dowladda Federaalka ee Soomaaliya si horumar iyo wax isa soo dhaafsi lala wadaago, waxaana halkaas laga sheegay in Tababaro deg deg ah loo fidin doono Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee xiligan shaqeeya.

Previous Post

Wasaaradda macdanta iyo Batroolka oo daah furtay  dhisme cusub oo wasaaradu ku shaqeyn doonto “SAWIRO”

Next Post

Baarlamaanka oo u codeynaya sharciga Iibka qandaraasyada Qaranka

Next Post
Kulanka Baarlamaanka oo su’aalo lagu weydiiyay wasiirka Maalliyadda

Baarlamaanka oo u codeynaya sharciga Iibka qandaraasyada Qaranka

Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyadeeysay geerida Marxuum Danjire Cabdinuur Yuusuf

Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyadeeysay geerida Marxuum Danjire Cabdinuur Yuusuf

January 18, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi rasmi ah u diraysaa geerida Marxuum Danjire...

Ciidamada Qaranka oo soo bandhigay maydadka Khawaarijtii lagu laayay Shabeellada Dhexe

Ciidamada Qaranka oo soo bandhigay maydadka Khawaarijtii lagu laayay Shabeellada Dhexe

January 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay maydadka tiro ka mid ah Khawaarijta iyo hub fara badan oo...

Munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Waqooyi Bare oo lagu qabanayo Laascaanood

Shacabka gobollada dhexe oo rajo ka muujiyay dhismaha Maamulka Waqooyi Bari, hambalyeeyayna hoggaankiisa cusub

January 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Shacabka ku nool gobollada Hiiraan, Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo ayaa ka hadlay sida ay u soo dhaweynayaan dhismaha Maamulka Waqooyi...

Geesiyaasha Qaranka oo ka hortagay dhagar ay damacsanaayeen Khawaarijta

Geesiyaasha Qaranka oo ka hortagay dhagar ay damacsanaayeen Khawaarijta

January 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLADA DHEXE):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada Khawaarijta Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Jabad Godane ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In