Tuesday, October 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Radio Muqdisho oo kulamo la yeeshay Madaxda Ururada Idaacadaha Carabta iyo Yurub

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Radio Muqdisho oo kulamo la yeeshay Madaxda  Ururada Idaacadaha Carabta iyo Yurub
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Waaxda Radio Muqdisho Mudane Cabdiraxiin Ciise Cadow oo isaga iyo wafdi wasaaradda Warfaafinta  ka socda  ay ka qayb galayaan Kalfadhiga 35-aad ee Golaha guud ee Ururka Idaacadaha Dowladaha Carabta ee sanadkan ka dhacaya Dalka Tuunis ayaa sidoo kale kulamo la qaatay Madax kala duwan oo shirka kasoo qayb gashay.

Agaasimaha Cabdiraxiin ayaa kulan la qaatay Xog-hayaha Guud ee Ururka Idaacadaha Dowladaha Carabta Eng: Cabdiraxiin Sulaymaan iyaga oo ka wada hadlay sidii Soomaaliya warfaafinteeda gacan buuxda sanadkan loo siin lahaa waxa uuna Agaasime Cadow u sharaxay baahida jirta oo ay isugu jirta baahi qalab mid tababar iyo mid farsamo.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026

Xoghayaha Guud ee Ururka Idaacadaha Carabta oo isagana dhankiisa ka hadlay ayaa sheegay in diyaar u yihiin sidii Soomaaliya wax loogu qaban lahaa oo ay ugu horayso in qalabka wararka lagu kala badasho ay dhawaan gayn doonaan Soomaaliya kaas oo sahlaya sidii wararka carabta iyo Caalamka kale ay si dhaqso oo aan qarash ku bixin ay ku helayaan TV-ga Soomaaliya ee SNTV iyo Radio Muqdisho.

Xoghaya ayaa intaa ku daray in dhawaan ay Soomaaliya u dirayaan sidii howshaas loo qaban lahaa ayna diyaariyeen sidoo kale in tababar loo fidiyo Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee hada ka howl gasha Warbaahinta Dowladda.

Dhanka kale Agaasime Cabdiraxiin ayaa la kulmay Xoghaya Guud ee Ururka COPEAM Mudane Pier Luigi MALESANI iyagoo ka wada hadlay sidii Raadiyaha iyo TV-ga wax loogu qaban karo una sheegay Xog-hayaha guud in baahi badan oo dhanka warfaafinta Dowladda ah ay jirto loona baahan yahay in caalamka lala gaashado.

dhankiisa Pier Luigi MALESANI ayaa sheegay in ay diyaar wax walba u yihiin oo ay doonayaan in Soomaaliya dhanka warfaafinta laga gacan siiyo waxa uuna sheegay in Dowladda Talyaaniga oo isaga u dhashay ay diyaar la tahay wax walba oo ay dhanka warfaafinta Dowladda ah.

Wafdiga Wasaaradda Warfaafinta ee Sanadkan ka qayb galaya kulamada Ururka Idaacadaha Dowladaha Carabta ee Tuunis ka socda  oo agaasime Cabdiraxiin horkacayo oo uuna ka mid yahay Fiidow Maxamuud oo Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan u qaabilsan dhanka warfafainta ayaa ka qayb galay shir sadax geesood ah oo ay isugu yimaadeen Ururada Idaacadaha Carabta, Aasiya iyo Yurub.

Shirkaas ayaa lagu sheegay in diyaar loo yahay in la taageero Warfaafinta Dowladda Federaalka ee Soomaaliya si horumar iyo wax isa soo dhaafsi lala wadaago, waxaana halkaas laga sheegay in Tababaro deg deg ah loo fidin doono Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee xiligan shaqeeya.

Previous Post

Wasaaradda macdanta iyo Batroolka oo daah furtay  dhisme cusub oo wasaaradu ku shaqeyn doonto “SAWIRO”

Next Post

Baarlamaanka oo u codeynaya sharciga Iibka qandaraasyada Qaranka

Next Post
Kulanka Baarlamaanka oo su’aalo lagu weydiiyay wasiirka Maalliyadda

Baarlamaanka oo u codeynaya sharciga Iibka qandaraasyada Qaranka

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In