Monday, April 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda macdanta iyo Batroolka oo daah furtay  dhisme cusub oo wasaaradu ku shaqeyn doonto “SAWIRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda macdanta iyo Batroolka oo daah furtay  dhisme cusub oo wasaaradu ku shaqeyn doonto “SAWIRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

SAXAAFADEED :- Muqdisho, December 9, 2015. Waxaa maanta la qabtay xaflad lagu daah furey xarunta cusub ee Wasaaradda Batroolka & Macdanta taas oo ku taala bartamaha magaalada Muqdisho, isla markaana Wasaaraddu kula soo wareegtay xog farsamo oo la xiriirta baarista shidaal oo ay aruurisay Soma Oil & Gas.

Xarunta cusub ee Wasaaradda waxay u dhowdahay Barlamaankii hore ee Soomaaliya ee sanadihii 60-dameeyadii. Labadii sano ee la soo dhaafeey, Wasaaradda waxa ay ku shaqeyn jirtey dhismaha Wasaaradda Waxbarashada. Markii ugu horeysay muddo 25 sano, Wasaaradda waxa ay awoodii doontaa in ay hesho xarun ayada u gooni ah. Dhismahaan wuxuu ka koobnaan doona: qeebta sheebaradda, qeebta keydinta macluumadka iyo xafiisyada shaqaalaha oo dhan iyo howl wadayaasha.

Related posts

Sawirro: Kulan lagu heshiisiiyey beelo walaalo ah oo ku dagaalay Mudug ayaa lagu qabtay Muqdisho

Sawirro: Kulan lagu heshiisiiyey beelo walaalo ah oo ku dagaalay Mudug ayaa lagu qabtay Muqdisho

April 26, 2026
Wejiga labaad ee wadatashiyada Qorshaha Qaran ee Dhallinyarada oo la soo gabagabeeyay

Wejiga labaad ee wadatashiyada Qorshaha Qaran ee Dhallinyarada oo la soo gabagabeeyay

April 26, 2026

Isla munaasabaddaas, shirkadda Soma Oil & Gas waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed (DFS) ku soo wareejisay xog macluumaad shidaal oo eey ka soo aruurisay qeeb ka mid ah badda fog ee Soomaaliya. Xogta la soo wareejiyay waxa ay ka dhalatay xog uruurintii la sameeyay 2014 taas oo ku saleysan heshiiska u dhaxeeya DFS iyo Soma Oil & Gas.

Mudane Mohamed Mukhtar Ibrahim, Wasiirka Batroolka & Macdanta ayaa yiri: “Daah furitaanka dhismaha cusub ee Wasaaradda waa aqbaar fiican gaar ahaan xilii dowladda culus ka haysto dib u dhiska hay’adaha qaranka”. Dhismahani waxa uu yeelanayaa Qolka Keeydka Xogta (Data Room) taas oo muhiim u ah horumarinta baarista shidaalka Soomaliyeed. Haddii la rabo in ay Soomaaliya soo saarto shidaal, horumar dhaqaalana gaarto, waxaa muhiim ah in marka hore la aruuriyo xog, lanana diyaariyo aqoonyahanno Soomaliyeed of fahmikara xogtaa. “Qolka Keeydka Xogta” waxa lagu xafidayaa macluumadka ahmiyadda gaarka u leh Wasaradda Batroolka & Macdanta ee DFS iyo ciddi iskashi ganacsi-wadaag la leh, waxaana xogtaan laga iibinayaa dadka danaynaya in ay Soomaaliya maalgashadaan.

Kaalmada dhaqaale oo ay Soma Oil & Gas ka geysatay sameynta Qolka Keeyda Xogta iyo wada shaqeynta sokeye eeka dhaxeeysa Spectrum, oo suuq geyneeysa xogta, iyo Wasaaradda waxa ay muujinaysaa faa’idda wada shaqeynta leedahay. Waxaan ku qanacsanahay in xogtani muujin doonto fursadaha fiican ee ka jira “badda fog” (Offshore) ee Soomaaliya.”

Qolka Keeydka Xogta waxaa la dhigi doonaa:

  1. Xogta oo wali sideeda ah oo aan la fasirin (Raw data);
  2. Xogta oo laga baraandagey (Processed data);
  3. Xogta la turjumay (Interpreted data);
  4. Xogta laga keenay midda laga baraandageey iyo midda la turjumay (Derivative data from processed and interpreted data);
  5. Xogaha hore ee ay Soma Oil & Gas ka soo heshay meelo kale sii eey uu fahamto jiyoolojiyadda Soomaaliya.

Helida xog dhameestiran waa qeeb ka mid ah qorshaha guud ee lagu horumarinaayo baarista shidaalka Soomaaliya. Waxybaaha kale ee ay Wasaaraddu wado waxaa ka mid ah sidii Soomaalida u yeelan lahayeen aragti mideysan oo ku aadan ka faa’idaysiga arimaha shidaalka, diyaarinta sharuucda iyo heshiiska wadaaga waxsoosaarka, sameynta Shirkada Shidaalka Soomaaliyeed iyo Hay’adda Nidaaminta Shidaalka.

Dhamaad.

3V3A66693V3A6592 3V3A6606

Previous Post

Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Next Post

Agaasimaha Radio Muqdisho oo kulamo la yeeshay Madaxda Ururada Idaacadaha Carabta iyo Yurub

Next Post
Agaasimaha Radio Muqdisho oo kulamo la yeeshay Madaxda  Ururada Idaacadaha Carabta iyo Yurub

Agaasimaha Radio Muqdisho oo kulamo la yeeshay Madaxda Ururada Idaacadaha Carabta iyo Yurub

Sawirro: Kulan lagu heshiisiiyey beelo walaalo ah oo ku dagaalay Mudug ayaa lagu qabtay Muqdisho

Sawirro: Kulan lagu heshiisiiyey beelo walaalo ah oo ku dagaalay Mudug ayaa lagu qabtay Muqdisho

April 26, 2026
0

26 April, Muqdisho – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay shir ballaaran oo ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta, isimada dhaqanka, cuqaasha,...

Wejiga labaad ee wadatashiyada Qorshaha Qaran ee Dhallinyarada oo la soo gabagabeeyay

Wejiga labaad ee wadatashiyada Qorshaha Qaran ee Dhallinyarada oo la soo gabagabeeyay

April 26, 2026
0

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay wejigii labaad ee wadatashiyada Qorshaha Qaran ee Dhallinyarada, Nabadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Maalgashiga Cumaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Maalgashiga Cumaan

April 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan heer sare ah kula yeeshay magaalada...

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay wafdi ka socday Hay’adda CIVIC

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay wafdi ka socday Hay’adda CIVIC

April 26, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuql Insaanka Qaranka, Dr Maryan Qasim ayaa kulan heer sare ah la yeelatay wafdi ka socda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In