Friday, April 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo xilka si rasmi ah ula wareegay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 months ago
in Wararka
0
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo xilka si rasmi ah ula wareegay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf ayaa xilka u kala wareejiyey Agaasimaha cusub ee Waaxda Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Golfyare) iyo Agaasimihii hore Mudane Maxamed Aadan Maxamed.

Munaasabadda oo ku qabsoontay xarunta Villa Soomaaliya ayaa Agaasime Cabdixakiim waxa uu u rajeeyey Agaasimaha cusub ee Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada in Alle uu u fududeeyo mas’uuliyadda Qaran ee loo igmaday, isaga oo ku adkeeyey howlwadeennada iyo Mas’uuliyiinta Dowladda in ay si dhow ula shaqeeyaan.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026

Agaasime Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa soo bandhigay qorshaha cusub ee Waaxda iyo shaqooyinka horyaalla, isaga oo tilmaamay mudnaanta uu siinayo dib u habaynta Xafiiska iyo xoojinta xiriirka guud ee Warbaahinta Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Agaasimihi hore ee Waaxda Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Mudane Maxamed Aadan Maxamed ayaa la wadaagay Agaasimaha cusub waxqabadkii la xaqiijiyey muddadii uu xilka joogay, isaga oo u mahadceliyey hawl-wadeennadii lasoo shaqeeyay.

Previous Post

Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga oo ka qeyb galay munaasabadda aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga  

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Jabuuti

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Jabuuti

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray Magaalada Tripoli ee...

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026
0

R/ Wasaaraha Xukuumadda faderaalka Sooaaliya Mudane Xamsa cabdi Barre ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Magaalada Muqdisho ka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In