Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha wasaarada boostada oo Jabuuti shir uga qayb galay {SAWIRRO}

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha wasaarada boostada oo Jabuuti shir uga qayb galay {SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Axmed Xaaji Cabdi ayaa ka qaybgalaya shir ay hay’adda Isgaarsiinta Caalamka ( ITU) ku qabaneyso dalka Jabuut ayna kasoo qaybgaleen waddamada Soomaaliya, Suudaan iyo Jabuuti. Shirkan oo soconaya 14-18ka bishan ayaa waxuu ka dhacayaa guriga Umadda ee dalka Jabuuti.

Shirkan oo cinwaankiisu yahay maamulka, nadaaminta iyo Qoondeynta Hirarka (Spectrum Management) ayaa masuuliyiin ka socota hay’adda ITU  qaybta Jaamacadda Carabtu ay kusoo bandhigeen habka ugu wanaagsan ee looga baahan yahay in waddamada soo koraya ay u dajiyaan qorshaha Isticmaalka kheyraadka kooban ee Hirarka dalkasta leeyahay.

Related posts

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026

Shirkan oo soo xirmi doona maalinta Khamiista ah waxaa waddamada kasoo qaybgalay ay soo gudbiyeen warbixino la xariira halka dalkoodu ka marayo Isgaarsiinta iyo kheyraadka Hirarka iyo qaabka loo isticmaalo.

Agaasimaha Guud ee Wasaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo dalka Soomaaliya uga qaybgalay shirkan ayaa ka warbixiyay xaaladda dalka Soomaaliya iyo dadaalka dawladdu ugu jirto hormarinta sharciga Isgaarsiinta dalka iyo nadaaminta hirarka dalka.

Agaasimaha ayaa shir gooni ah la yeeshay madaxda ITU u qaabilsan jaamacadda Carabta waxayna ka wada hadleen sidii hay’adda ITU ay uga caawin lahayd dib u furitaanka Machadkii Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliyeed kaasoo qaybweyn ka qaadan kara kobcinta iyo kor uqaadista aqoonta shaqaalaha wasaaradda iyo kuwa dawladda.

Wasiirka wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa dadaal adag ugu jira sidii loo meelmarin lahaa sharciga Isgaarsiinta ee horyaalla baarlamaanka kaasoo maray akhrintii 1aad. Wasaaradda ayaa guddiga Isgaarsiinta  ee Xildhibaanada u qaaday shir ka dhacay Nairobi 1-4tii Bishan June kaasoo looga hadlayay muhiimadda Xeerka Isgaarsiintu u leeyahay dalka.

Axmed DJ (1) Sawir 2 Swir3

Previous Post

Isku aadka tartan cilmiyeeka bisha Ramadaan oo la soo saaray

Next Post

Puntland: Wasiiro loo dhaariyay xilalkii loo magacaabay shalay

Next Post
Puntland: Wasiiro loo dhaariyay xilalkii loo magacaabay shalay

Puntland: Wasiiro loo dhaariyay xilalkii loo magacaabay shalay

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In