Saturday, July 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha wasaarada boostada oo Jabuuti shir uga qayb galay {SAWIRRO}

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
June 17, 2015
in Wararka
0
Agaasimaha wasaarada boostada oo Jabuuti shir uga qayb galay {SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Axmed Xaaji Cabdi ayaa ka qaybgalaya shir ay hay’adda Isgaarsiinta Caalamka ( ITU) ku qabaneyso dalka Jabuut ayna kasoo qaybgaleen waddamada Soomaaliya, Suudaan iyo Jabuuti. Shirkan oo soconaya 14-18ka bishan ayaa waxuu ka dhacayaa guriga Umadda ee dalka Jabuuti.

Shirkan oo cinwaankiisu yahay maamulka, nadaaminta iyo Qoondeynta Hirarka (Spectrum Management) ayaa masuuliyiin ka socota hay’adda ITU  qaybta Jaamacadda Carabtu ay kusoo bandhigeen habka ugu wanaagsan ee looga baahan yahay in waddamada soo koraya ay u dajiyaan qorshaha Isticmaalka kheyraadka kooban ee Hirarka dalkasta leeyahay.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025

Shirkan oo soo xirmi doona maalinta Khamiista ah waxaa waddamada kasoo qaybgalay ay soo gudbiyeen warbixino la xariira halka dalkoodu ka marayo Isgaarsiinta iyo kheyraadka Hirarka iyo qaabka loo isticmaalo.

Agaasimaha Guud ee Wasaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo dalka Soomaaliya uga qaybgalay shirkan ayaa ka warbixiyay xaaladda dalka Soomaaliya iyo dadaalka dawladdu ugu jirto hormarinta sharciga Isgaarsiinta dalka iyo nadaaminta hirarka dalka.

Agaasimaha ayaa shir gooni ah la yeeshay madaxda ITU u qaabilsan jaamacadda Carabta waxayna ka wada hadleen sidii hay’adda ITU ay uga caawin lahayd dib u furitaanka Machadkii Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliyeed kaasoo qaybweyn ka qaadan kara kobcinta iyo kor uqaadista aqoonta shaqaalaha wasaaradda iyo kuwa dawladda.

Wasiirka wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa dadaal adag ugu jira sidii loo meelmarin lahaa sharciga Isgaarsiinta ee horyaalla baarlamaanka kaasoo maray akhrintii 1aad. Wasaaradda ayaa guddiga Isgaarsiinta  ee Xildhibaanada u qaaday shir ka dhacay Nairobi 1-4tii Bishan June kaasoo looga hadlayay muhiimadda Xeerka Isgaarsiintu u leeyahay dalka.

 

Axmed DJ (1) Sawir 2 Swir3

 

 

Previous Post

Isku aadka tartan cilmiyeeka bisha Ramadaan oo la soo saaray

Next Post

Puntland: Wasiiro loo dhaariyay xilalkii loo magacaabay shalay

Next Post
Puntland: Wasiiro loo dhaariyay xilalkii loo magacaabay shalay

Puntland: Wasiiro loo dhaariyay xilalkii loo magacaabay shalay

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In