Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Xiriirka Dadweynaha Ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Oo Maanta Isbitaal Madiina Ku Booqday Wiil Ka Xanuunsanaya Xubinta Taranka “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Xiriirka Dadweynaha Ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Oo Maanta Isbitaal Madiina Ku Booqday Wiil Ka Xanuunsanaya Xubinta Taranka “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cabdi Axmed Yuusuf waa wiil 25 jir ah kuna dhashay dhulka miyiga ah ee gobolka Hiiraan, waa bukaan dhib ka heysto qeybta taranka ah, waxaa la jiifiyey isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Maanta ayaa isbitaalkaasi waxaa ku booqday Agaasimaha Arrimaha bulshada iyo xiriirka dadweynaha xafiiska Ra’isul Wasaaraha Dr C/casiis Cabdulaahi Yuusuf iyo xubno kale.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

wiilkani la xanuunsanaya xanuunka dhanka taranka ah ayaa koox warbaahinta Qaranka ka tirsan ay ugu tageen  qolka laga  jiifiyey isbitaalka, waxaana ay ku soo arkeen dhibaatada heysata wiilkaasi Soomaaliyeed, waxaana  markii aad aragto caafimaad ahaan waa qof fayow hase ahaatee waxa uu  dareemayaa niyad jab ka heysta xubinta taranka.

Maxamed Cabdi Cawaale waxa uu ka mid yahay ehelada Cabdi Axmed Yuusuf waxa uu sheegay in xanuunkani lagu dayacay goordhowna uu  yimid Muqdisho markii uu u adkeysan waayay dhibka heysta.

Agaasimaha isbitaalka madiina Dr Maxamed Yuusuf oo aan weydiinay  in wax looga qaban karo dalka dhibane  Cabdi Axmed Yuusuf xaaladiisa caafimad waxa uu sheegay inuu u baahan yahay qaliin dhanka dibadda ah.

Agaasimaha Arrimaha bulshada iyo xiriirka dad weynaha xafiiska Ra’isul wasaaraha Dr C/casiis Cabdulaahi Yuusuf ayaa sheegay in xukuumada ay ku dadaaleyso sidii gar gaar caafimaad oo dhanka dibadda ah loogu heli lahaa dhibane Cabdi Axmed Yuusuf.

Agaasimaha arimaha bulshada iyo xariirka dad weynaha xafiiska Ra’isul wasaraha Dr C/casiis Cabdulaahi Yuusuf ayaa sido kale waxa uu kormeeray dhaawacyada ku jira isbitaalka madiina ee magaalada Muqdisho.

IMG_0781 IMG_0788 IMG_0799 IMG_0802 IMG_0812 IMG_0818 IMG_0830 IMG_0841 IMG_0852 IMG_0863 IMG_0865 IMG_0731 IMG_0735 IMG_0739 IMG_0743 IMG_0760 IMG_0772 IMG_0776

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Meydka Ilma yar oo Siriyaan ah oo laga Helay Xeebaha Dalalaka Giriigga Iyo Turiga+Sawirro

Next Post
Meydka Ilma yar oo Siriyaan ah oo laga Helay Xeebaha Dalalaka Giriigga Iyo Turiga+Sawirro

Meydka Ilma yar oo Siriyaan ah oo laga Helay Xeebaha Dalalaka Giriigga Iyo Turiga+Sawirro

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In