Friday, December 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasinka Deegaanka ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo daahfuray qeybinta gaaska cuntada lagu karsado “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Agaasinka Deegaanka ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo daahfuray qeybinta gaaska cuntada lagu karsado “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Agaasinka Deegaanka iyo isbeddelka Cimilada ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Axmed Yuusuf Axmed, ayaa daahfuray qeybinta gaaska cuntada lagu karsado (LPG) oo uu Barnaamijka wadajirka ah ee UN ka iyo Agaasinka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimiladu wada wadaan ee yareynta isticmaalka Dhuxusha ee PROSCAL ogu tala galay inuu ku yareeyo isticmaalka dhuxusha ee magaaladan Muqdisho. Sidoo kale waxa Agaasimaha Guud ee Agaasinka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada , Mudane Axmed Yuusuf kala qeyb galay daahfurka qeybinta Gaaska qiimaha jaban Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xaashi Carabeey. Barnaamijka yareynta isticmaalka dhuxusha ee PROSCAL ayaa ogu tala galay in uu maalmaha soo socda ka qeybiyo 1000 xabbo (13 KG cylinder, Stove, Hose and Regulator), kaas oo 59% ($59) uu barnaamijku bixinayo, halka qofkii doonaya inuu iibsado gaaska kaliya uu bixinayo 41% ($41).

Daahfurkaan maanta uu Agaasinku daahfuray gaaskan qiimaha jaban ayaa daba socda dadaallo uu Agaassinku ka waday dhammaan gobolada dalka iyo Caasimadda labadii sano ee la soo dhaafay. Agaasinku waxa uu hore uga qeybiyey magaalada Muqdisho iyo dhammaan dowlad Goboleedeyada dalka illaa iyo 5000 oo xabbo (13 KG cylinder, Stove, Hose and Regulator) si loo yareeyo isticmaalka Dhuxusha. Waxa uu uga duwan yahay daahfurkaan maanta qeybintii hore ee gaaska in macaamiishu ay la baxayaan qeyb ka mid ah qiimaha gaaska halka uu Barnaamijku bilaash ku bixinayey gaaskii hore loo qeybiyey, taas oo looga dan leeyahay in shacabku dareemaan lahaansho qalabka gaaska.

Related posts

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025

Macaamiisha doonaysa in ay iibsadaan gaaskan jaban , waxa ay la xiriiri karaan xarumaha shirkadda SOMGAS oo ku guulaysatay tartanka qeybinta gaaska. Shirkadda SOMGAS ayaa diyaar u ah in ay ka iibiso gaaska kor lagu xusay macaamiil kasta oo diyaar u ah inuu la baxo $41, illaa iyo gaarayaan tirada xaddidan ee 1000 xabbo.

 

Previous Post

Xubno ka mid ah Guddiga HDHF oo booqday goobaha loogu talagalay inay ka dhacdo doorashada Golaha Shacabka “SAWIRRO”

Next Post

Madax ka socotay Wasaaradda Gaadiidka oo kormeeray Cayaartooyda Kooxda Gaadiidka “SAWIRRO”

Next Post
Madax ka socotay Wasaaradda Gaadiidka oo kormeeray Cayaartooyda Kooxda Gaadiidka “SAWIRRO”

Madax ka socotay Wasaaradda Gaadiidka oo kormeeray Cayaartooyda Kooxda Gaadiidka "SAWIRRO"

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

December 19, 2025
0

Muqdisho(SONNA):-Booliska Soomaaliya oo diyaargarow ugu jira Xuska Sanad Guurada 82-aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Taliyaha Ciidanka...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

December 18, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta tababar usoo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In