Thursday, March 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasinka Deegaanka ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo daahfuray qeybinta gaaska cuntada lagu karsado “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Agaasinka Deegaanka ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo daahfuray qeybinta gaaska cuntada lagu karsado “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Agaasinka Deegaanka iyo isbeddelka Cimilada ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Axmed Yuusuf Axmed, ayaa daahfuray qeybinta gaaska cuntada lagu karsado (LPG) oo uu Barnaamijka wadajirka ah ee UN ka iyo Agaasinka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimiladu wada wadaan ee yareynta isticmaalka Dhuxusha ee PROSCAL ogu tala galay inuu ku yareeyo isticmaalka dhuxusha ee magaaladan Muqdisho. Sidoo kale waxa Agaasimaha Guud ee Agaasinka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada , Mudane Axmed Yuusuf kala qeyb galay daahfurka qeybinta Gaaska qiimaha jaban Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xaashi Carabeey. Barnaamijka yareynta isticmaalka dhuxusha ee PROSCAL ayaa ogu tala galay in uu maalmaha soo socda ka qeybiyo 1000 xabbo (13 KG cylinder, Stove, Hose and Regulator), kaas oo 59% ($59) uu barnaamijku bixinayo, halka qofkii doonaya inuu iibsado gaaska kaliya uu bixinayo 41% ($41).

Daahfurkaan maanta uu Agaasinku daahfuray gaaskan qiimaha jaban ayaa daba socda dadaallo uu Agaassinku ka waday dhammaan gobolada dalka iyo Caasimadda labadii sano ee la soo dhaafay. Agaasinku waxa uu hore uga qeybiyey magaalada Muqdisho iyo dhammaan dowlad Goboleedeyada dalka illaa iyo 5000 oo xabbo (13 KG cylinder, Stove, Hose and Regulator) si loo yareeyo isticmaalka Dhuxusha. Waxa uu uga duwan yahay daahfurkaan maanta qeybintii hore ee gaaska in macaamiishu ay la baxayaan qeyb ka mid ah qiimaha gaaska halka uu Barnaamijku bilaash ku bixinayey gaaskii hore loo qeybiyey, taas oo looga dan leeyahay in shacabku dareemaan lahaansho qalabka gaaska.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

March 12, 2026
Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

March 12, 2026

Macaamiisha doonaysa in ay iibsadaan gaaskan jaban , waxa ay la xiriiri karaan xarumaha shirkadda SOMGAS oo ku guulaysatay tartanka qeybinta gaaska. Shirkadda SOMGAS ayaa diyaar u ah in ay ka iibiso gaaska kor lagu xusay macaamiil kasta oo diyaar u ah inuu la baxo $41, illaa iyo gaarayaan tirada xaddidan ee 1000 xabbo.

Previous Post

Xubno ka mid ah Guddiga HDHF oo booqday goobaha loogu talagalay inay ka dhacdo doorashada Golaha Shacabka “SAWIRRO”

Next Post

Madax ka socotay Wasaaradda Gaadiidka oo kormeeray Cayaartooyda Kooxda Gaadiidka “SAWIRRO”

Next Post
Madax ka socotay Wasaaradda Gaadiidka oo kormeeray Cayaartooyda Kooxda Gaadiidka “SAWIRRO”

Madax ka socotay Wasaaradda Gaadiidka oo kormeeray Cayaartooyda Kooxda Gaadiidka "SAWIRRO"

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

March 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Soomaali , ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo xiray Madasha Bandhigga...

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

March 12, 2026
0

Ilaa 1,000 qoys oo ay si daran u saameysay abaarta ka jirta qaybo ka mid ah dalka ayaa ka faa’iideystay...

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

March 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed Mahmoud ayaa kulan sagootin iyo dardaaran ah la qaatay ciidamo gaar...

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In