Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ajaaniibta ku ganacsada Koofur Afrika oo la heshiiyay kuwa dalkaas u dhashay+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ajaaniibta ku ganacsada Koofur Afrika oo la heshiiyay kuwa dalkaas u dhashay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan ay isugu yimaadeen Magaalada Johhanseburg  Ururada ganacsiyada yar yar ee K/ Afrikaanka ah iyo qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida Johannseburg, Jaaliyadaha Soomaalida, Ethiopian-ka, Bangaladhesh, Pakistan oo ku midoobay Ururka horumarinta ganacsiyada Tuulooyinka ee Koonfur Afrika ayaa lagu kala saxiixday sidii ay wadashaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen labada dhinac ee Koonfur Afrika iyo Ganacsatada Ajaaniibta ee ku dhaqan K/Afrika.

Kulankan oo ay goobjoog wasiirada horumarinta Ganacsiyada yar yar ee Koonfur Afrika marwo Lindiwe Zulu oo furtay heshiiskaan taariikhiga ah ee ay gaareen ganacsatada yar yar ee dalkeeda iyo kuwa ajaanibta ah ee ka dhex ganacsada tuulooyinka iyo magaalooyinka yar yar ayaa sheegtay in loo baahan yahay midnimo iyo wadashaqeyn xoog leh oo ay yeesheen qeybaha heshiiskaan kala saxiixday,waxeyna ballanqaaday inay Dowladda K/Afrika kala shaqeyn doonto Ganacsatada wax walba oo ay awooddo.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Dowladeenu waxey diyaar u tahay inay caawiso Ganacsatada yar yar oo ay geyso Tuulooyinka qalabka casriga ah ee Kumbiyuutarada isticmaalaan,waxa ay sidoo kale dhiiragalinaysaa in ay muujiyaan Ganacsatada midnimo” ayay tiri Wasiiradda.

Sidoo kale mas’uuliyiitii matalayay ururada iyo jaaliyadaha kala saxiixday heshiiskaan ganacsi ayaa dhammaantood sheegay wax kasta oo horay u qaldamay inay ahaayeen iska warqabid la’aan iyo kala shaki aan meelna ku saleesneen, balse hadda loo baahan yahay in lafuro bog cusub oo nadiif ah laguna xisaabtamo, laguna saxo wixii qaldan, iyadoo lala kaashanayo dowlada Koonfur Afrika.

Suldaan Ibraahim Qaxwo oo ka mid ah ganacsatada yar yar ee maaalada Johnnesburg oo shirka ka qeyb galayay oo aan wax ka weydiinay aragtidiisa heshiiskaan ayaa sheegay ka Soomaali ahaan inuu wax badan utari doono haddii siduu yahay loo fuliyo.

“Soomaalidu yihiin dadka ugu magaca dheer ajaanibta ka ganacsada tuulooyinka fog fog ee dalkaani K/Afrika,heshiiskan hadii uu dhaqan galo wax badan ayuu ka bedeli doonaa dhibaatooyinka heysta Ganacsatada Soomaaliyeed”ayuu kusoo gabgabeeyay Ganacsade Qaxwo.

Ugu dambeyntii Cabdirisaaq Cali Cusmaan (Macaan Jecel) oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka hadlay kulanka kuna hadlayay magaca Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo warbaahinta si gaar ah ayaa yiri.

“Hadii hehiiskaan ganacsi ay dhaqan galiyaan labada qeybood ee kala saxiixday uu ka hortagi doono dhaca, boobka iyo ajaanib naceebka muwaadiniinta Koonfur Afrikaanka ah”

Ganacsatada Soomaalida oo inta badan dhibaatooyin la kulma ayaa iyaganu dhankooda lagu eedeeyaa inay qiimaha hoos ugu dhigaan Ganacsatada u dhashay K/Afrika taas oo mararka qaar sabab u noqoto in si sahlan boob loogu geysto waxaana boobkaasi inay ka dambeeyaan lagu sheegaa Ganacsatada K/Afrikanka iyo dadka Deegaanka.

WD/ C/qaadir Axad,Johhanseburg

DSC_5732 DSC_5738 DSC_5752 DSC_5765 DSC_5786 DSC_5787 DSC_5793 DSC_5805 DSC_5820 DSC_5825 DSC_5833 DSC_5840 DSC_5844

Previous Post

Madaxweynaha: Doorka ugu weyn ee dib u dhiska dalka waxaa iska leh Soomaalida+Sawirro

Next Post

Isbitaalka Jowhar oo la dhigay Bukaano uu soo ritay Cudurka shuban biyoodka+Sawirro

Next Post
Isbitaalka Jowhar oo la dhigay Bukaano uu soo ritay Cudurka shuban biyoodka+Sawirro

Isbitaalka Jowhar oo la dhigay Bukaano uu soo ritay Cudurka shuban biyoodka+Sawirro

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In