Sunday, April 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: Doorka ugu weyn ee dib u dhiska dalka waxaa iska leh Soomaalida+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa, Xulashada
0
Madaxweynaha: Doorka ugu weyn ee dib u dhiska dalka waxaa iska leh Soomaalida+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 1st April 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa ku dhiirigeliyay shacabka Soomaaliyeed inay iskood wax u qabsadaan, waddankoodana dhistaan.

Madaxweynaha ayaa hadalkan xalay ka jeediyay xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu si rasmi ah daaha uga rogay mashruuc la magac baxay “Dalkaaga ku dhiso hal dollar’’.

Related posts

𝑹𝒂’𝒊𝒔𝒖𝒍 𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒆 𝑿𝒂𝒎𝒔𝒂 𝒐𝒐 𝒒𝒂𝒅𝒌𝒂 𝒕𝒂𝒍𝒆𝒆𝒇𝒐𝒐𝒏𝒌𝒂 𝒖𝒈𝒖 𝒉𝒂𝒎𝒃𝒂𝒍𝒚𝒆𝒆𝒚𝒂𝒚 𝑴𝒂𝒅𝒂𝒙𝒘𝒆𝒚𝒏𝒂𝒉𝒂 𝑱𝒂𝒃𝒖𝒖𝒕𝒊 𝑰𝒔𝒎𝒂𝒂𝒄𝒊𝒊𝒍 𝑪𝒖𝒎𝒂𝒓 𝑮𝒆𝒆𝒍𝒍e

𝑹𝒂’𝒊𝒔𝒖𝒍 𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒆 𝑿𝒂𝒎𝒔𝒂 𝒐𝒐 𝒒𝒂𝒅𝒌𝒂 𝒕𝒂𝒍𝒆𝒆𝒇𝒐𝒐𝒏𝒌𝒂 𝒖𝒈𝒖 𝒉𝒂𝒎𝒃𝒂𝒍𝒚𝒆𝒆𝒚𝒂𝒚 𝑴𝒂𝒅𝒂𝒙𝒘𝒆𝒚𝒏𝒂𝒉𝒂 𝑱𝒂𝒃𝒖𝒖𝒕𝒊 𝑰𝒔𝒎𝒂𝒂𝒄𝒊𝒊𝒍 𝑪𝒖𝒎𝒂𝒓 𝑮𝒆𝒆𝒍𝒍e

April 11, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Tripoli uga qeybgalay dib u howlgelinta xarunta (CEN-SAD),

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Tripoli uga qeybgalay dib u howlgelinta xarunta (CEN-SAD),

April 11, 2026

“Waxaan ku bogaadinayaa maamulka gobolka Banaadir mashruucan cusub ee uu bilaabay ee salka ku haya dib u dhiska waddanka. Doorka ugu weyn ee dib u dhiska dalka waxaa iska leh Soomaalida. Marka la ina arko inaan wax qabsan karno ayaa caalamkuna uu gacan na siin karaa’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha ka codsadey maamullada kale ee dalka ka jira inay ku daydaan mashruucan oo degaannadooda ay ka hirgeliyaan, si loogu guuleysto hadafka dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale fariin u diray Soomaalida ku nool dalalka dibedda inay xoogga saaraan dib u dhiska waddankooda.

Mar uu ka hadlayey arrimaha amniga Madaxweynaha waxaa uu sheegay in nabad-diidka Al Shabaab ay isku dayayaan inay dib u celiyaan Soomaaliya, balse aanay taasi marnaba dhici doonin, maadaama shacabka Soomaaliyeed uu doonayo nabad iyo horumar.

“Soomaaliya way socotey, dibna u soo laaban mayso. Falalka argagixisada marnaba nagama leexin karaan waddada aan dooraney ee dhinaca nabadda iyo horumarka. Argagixisada waxay weli faraha kula jiraan falal gurracan oo shacabka iyo martida inoo soo gurmatey ku waxyeeleynayaan. Caawa masjid ku yaalla Beled Weyne qarax ayay ka geysteen, subaxnimadii maanta qarax ayay ka geysteen Gaalkacyo, shaleyna dad isugu jira Soomaali iyo ajaanib waddankan wax u qabanaya ayay Muqdisho ku laayeen’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray dhammaan qoysaska , ehelada iyo dalalka ay ka soo jeedaan dhammaan dadkii ku dhintey, amaba ku dhaawacmey weeraradaasi bahalnimada ah.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha xusay in sannadkan 2016-ka ay Soomaaliya doorashooyin ka dhici doonaan, dowladda cusub ee la soo dhisayana waxqabadka laga sugayo ay ugu muhiimsan tahay inay waddanka u diyaariso doorashooyin qof iyo cod ah oo dalka ka dhaca sannadka 2020-ka.

1 2 3 4 5 6 7 8

Previous Post

Kumaan-dooska Soomaaliya oo dilay Horjooge Al-shabaab ah oo in mudd ah la doon doonayay

Next Post

Ajaaniibta ku ganacsada Koofur Afrika oo la heshiiyay kuwa dalkaas u dhashay+Sawirro

Next Post
Ajaaniibta ku ganacsada Koofur Afrika oo la heshiiyay kuwa dalkaas u dhashay+Sawirro

Ajaaniibta ku ganacsada Koofur Afrika oo la heshiiyay kuwa dalkaas u dhashay+Sawirro

𝑹𝒂’𝒊𝒔𝒖𝒍 𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒆 𝑿𝒂𝒎𝒔𝒂 𝒐𝒐 𝒒𝒂𝒅𝒌𝒂 𝒕𝒂𝒍𝒆𝒆𝒇𝒐𝒐𝒏𝒌𝒂 𝒖𝒈𝒖 𝒉𝒂𝒎𝒃𝒂𝒍𝒚𝒆𝒆𝒚𝒂𝒚 𝑴𝒂𝒅𝒂𝒙𝒘𝒆𝒚𝒏𝒂𝒉𝒂 𝑱𝒂𝒃𝒖𝒖𝒕𝒊 𝑰𝒔𝒎𝒂𝒂𝒄𝒊𝒊𝒍 𝑪𝒖𝒎𝒂𝒓 𝑮𝒆𝒆𝒍𝒍e

𝑹𝒂’𝒊𝒔𝒖𝒍 𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒆 𝑿𝒂𝒎𝒔𝒂 𝒐𝒐 𝒒𝒂𝒅𝒌𝒂 𝒕𝒂𝒍𝒆𝒆𝒇𝒐𝒐𝒏𝒌𝒂 𝒖𝒈𝒖 𝒉𝒂𝒎𝒃𝒂𝒍𝒚𝒆𝒆𝒚𝒂𝒚 𝑴𝒂𝒅𝒂𝒙𝒘𝒆𝒚𝒏𝒂𝒉𝒂 𝑱𝒂𝒃𝒖𝒖𝒕𝒊 𝑰𝒔𝒎𝒂𝒂𝒄𝒊𝒊𝒍 𝑪𝒖𝒎𝒂𝒓 𝑮𝒆𝒆𝒍𝒍e

April 11, 2026
0

𝑹𝒂’𝒊𝒔𝒖𝒍 𝑾𝒂𝒔𝒂𝒂𝒓𝒆 𝑿𝒂𝒎𝒔𝒂 ayaa  𝒒𝒂𝒅𝒌𝒂 𝒕𝒂𝒍𝒆𝒆𝒇𝒐𝒐𝒏𝒌𝒂 𝒖𝒈𝒖 𝒉𝒂𝒎𝒃𝒂𝒍𝒚𝒆𝒆𝒚𝒂𝒚 𝑴𝒂𝒅𝒂𝒙𝒘𝒆𝒚𝒏𝒂𝒉𝒂 𝑱𝒂𝒃𝒖𝒖𝒕𝒊 𝑰𝒔𝒎𝒂𝒂𝒄𝒊𝒊𝒍 𝑪𝒖𝒎𝒂𝒓 𝑮𝒆𝒆𝒍𝒍𝒆

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Tripoli uga qeybgalay dib u howlgelinta xarunta (CEN-SAD),

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Tripoli uga qeybgalay dib u howlgelinta xarunta (CEN-SAD),

April 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Tripoli kaga qayb-galay...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo magacawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta KGS

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo magacawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta KGS

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa magacowday Guddiga Farsamada ee wada-hadalka iyo dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed. Guddigan farsamo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland, oo ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In