Wednesday, February 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akadeemiyada Jen. Kaahiye oo lagu qabtay kulankii Khamiislaha ee ciidanka booliiska+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Akadeemiyada Jen. Kaahiye oo lagu qabtay kulankii Khamiislaha ee ciidanka booliiska+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa Khamiistii shalay Akadeemiyada Jeneraal Kaahiye ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed lagu qabtay kulankii todobaadlaha ahaa.

Cutubyo ka tirsan ciidanka booliiska ayaa halkaasi ku soo bandhigay gaadda ka cayaar waxaana ciidankaasi ka mid ahaa Saraakiishii sanadkaan u dallacay Darajada Xiddigle, iyadoo salaanta uu ka qaatay Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud. Bashiir Maxamed Jaamac oo marti ku ahaa Kulliyadda.

Related posts

Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

February 18, 2026
Wasiirka Tamarta XFS oo qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP

Wasiirka Tamarta XFS oo qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP

February 18, 2026

Taliyaha ciidanka Asluubta ayaa ciidanka Boliiska ku bogaadiyay horumarka iyo dadaallada uu hormuudka u yahay Taliyaha Ciidanka Boliiska S/Gaas. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, wuxuuna Taliyaha Ciidanka Asluubta ugu deeqay kuliyadda Qoryaha lagu tababarto.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Boliiska ayaa ka qayb galay  kulan ballaaran oo ay soo qabanqaabisay G/Sare. Faadumo Xasan Maxamed (Faadumo Neero) oo ay isugu yimaadeen dhammaan  Gabdhaha Ciidanka Boliiska , kuwaasoo isu abaabulay inay ka qayb qaataan hawlaha gurmadka abaaraha, wuxuuna Taliyaha Ciidanka  ku
guubaabiyey inay horseed ka noqdaan hawlahaas oo ay kaalin muuqata ka qaataan u gargaaridda dadka ku soo dhibaatoobay abaaraha.

Taliyaha ciidanka booliiska ayaa wuxuu kaloo ugu baaqay inay ku dadaalaan hawlaha la shaqeynta iyo is dhex galka bulshada.

Ciidanka booliiska waxaa ka mid ah tirada ugu badan ee haweenka ka shaqeeya laamaha dawladda.

Previous Post

Markab xamuul ah oo afduub loogu heystay xeebaha gobolka Bari oo la sii daayay

Next Post

Madaxa xafiiska Ganacsiga Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga oo ka shaqeynaya horumarinta ganacsiga dalka

Next Post
Madaxa xafiiska Ganacsiga Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga oo ka shaqeynaya horumarinta ganacsiga dalka

Madaxa xafiiska Ganacsiga Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga oo ka shaqeynaya horumarinta ganacsiga dalka

Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

February 18, 2026
0

Senator Xasan Iidow Muxumed Kobac ayaa deeq raashiin afur ah u qeybiyay qoysas danyar ah oo ku nool Gobolka Banaadir,...

Wasiirka Tamarta XFS oo qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP

Wasiirka Tamarta XFS oo qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP

February 18, 2026
0

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdillahi Bidhan Warsame, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda...

Wasiirka Amniga XFS oo Safiirka Turkiga kala wareegay qalab ciidan

Wasiirka Amniga XFS oo Safiirka Turkiga kala wareegay qalab ciidan

February 18, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah uga kala wareegay...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray Shirka Warbaahinta iyo Xiriirka Dowladda oo lagu falanqeeyay xaaladda abaaraha

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray Shirka Warbaahinta iyo Xiriirka Dowladda oo lagu falanqeeyay xaaladda abaaraha

February 18, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa soo xiray Shirka Warbaahinta iyo Xiriirka Dowladda oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In