Friday, May 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DAAWO_Akhriso: Khudbadaha Madaxweyne Xasan uu ka jeediyay booqashada Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 26, 2015
in Wararka
0
DAAWO_Akhriso: Khudbadaha Madaxweyne Xasan uu ka jeediyay booqashada Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

XAFIISKA MADAXWEYNAHA
Khudbadaha munaasabadda booqashada Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ee Soomaaliya 25 Janaayo 2015
KHUDBADDA 1AAD
Furitaanka Terminaalka Cusub ee Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde
Madaxweyne Erdogan
Marwada Madaxweyne Erdogan
Xubnaha Goleyaasha kala duwan ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya
Marti Sharafta
Mudaneyaal iyo Marwooyin:

Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan Madaxweyne Erdogan ku soo dhoweeyo terminaalka cusub ee garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Related posts

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

May 9, 2025
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

May 9, 2025

Laba sanno ka hor imaanshaha diyaaraddii ugu horeysey ee rakaab ee Turkiga ee hawada magaalada Muqdisho soo gasha, waxay calaamad u ahayd waa cusub oo u baryey Soomaaliya.

Tan iyo xiligaas Soomaaliya waxay ka baxdey xaaladdii la oran jirey ”lama tegi karo, waa waddan khatar ah oo qofna aan ku dhiiran karin inuu tego”, waxaasi oo dhan hadda way dhammaadeen, waxaana liiska ku darsantey Shirkadda Diyaaradaha Turkiga oo duulimaadyo joogta ah sameyneysa.

Mar kale imaanshaha diyaaraddaada gaarka waa xusuusin maalinle ah oo muujineysa sida ay uga soo reyneyso xaaladda Soomaaliya, kalsoonida lagu qabo, iyo deeqsinimada xad dhaafka ah ee Turkiga u u muujinayo shacabka iyo dalka Soomaaliya.

Dadku waxay yiraahdaan dareenka ugu horeeya mar walba waa muhiim! Waxaan filayaa in maanta furitaanka terminaalka cusub uu sameynayo dareen weyn oo aad u qiimo badan . Tani waa wax ka badan dhismo cusub iyo diyaarado badan oo halkan ka soo degi doona: tani waa fursad. Fursadda dhanka isku xirka ee dhismahan keenayo, waxay abuureysaa fursado badan oo ganacsi, fursado in la wadahadlo oo arrimo badan laga doodo, fursado dalxiis iyo in arrimaha dhaqanka wax la iska weydaarsado.

Dhismahan weyn ee cusub waxaa uu caddeyn u yahay sida ay u xooggan tahay saaxiibtinimada u dhexeysa Turkiga iyo Soomaaliya. Waxaan si weyn abaal ugu haynaa taageerada deeqsinimada leh ee sii socota ee aanu ka heleyno Madaxweyne Erdogan, dowladda iyo shacabka Turkiga.

Sida dalka Turkiga uu u noqday xarun soo kobceysa dhanka dalxiiska, ganacsiga iyo diblomaasiyadda, ayaa waxaan anaguna qabnaa riyo taa la mid ah oo ah in Soomaaliyana maalin maalmaha ka mid ah ay sidaas oo kale gaari doonto.

Waxaan albaabadeena u fureynaa dunida inteeda kale, waxaana rajeyneynaa in sidoo kale dunidana ay albaabadooda inoo furaan.
Mahadsanidiin.

KHUDBADDA LABAAD:
Furitaanka xarunta cusub ee Isbitaalka Culuunta Caafimaadka iyo Cilmibaarista ee Soomaaliya iyo Turkiga
Madaxweyne Erdogan
Marwada Madaxweyne Erdogan
Xubnaha Goleyaasha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Marti Sharafta
Mudaneyaal iyo Marwooyin:

Waxaa farxad weyn ii ah inaan Madaxweyne Erdogan ku soo dhoweeyo xaruntan cusub ee Isbitaalka Culuunta Caafimaadka iyo Cilmibaarista ee Soomaaliya iyo Turkiga wada leeyihiin.
Dalka Turkiga waxaa uu si weyn ugu lug lahaa adeegyada caafimaadka iyo tababarada ee Soomaaliya.

Tan iyo sannadkii 2012, inagoo gacan ka heleyna dowladda Turkiga, Ururka Bisha Cas iyo ururka Dhakhaatiirta Caalamiga ayaa waxaa inoo suuragashey in dib loo dhiso ama dib loo hawlgeliyo Isbitalka Digfeer, Isbitaalka Deva iyo Isbitaalka Shifa si ay u daboolaan baahida caafimaad ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Maanta oo la furayo Isbitaalka Culuunta Caafimaadka iyo Cilmibaarista ee Soomaaliya iyo Turkiga, ma ahan oo keliya in dowladda Turkiga ay Soomaaliya ka caawineyso sidii adeeg caafimaad oo tayo leh loogu fidin lahaa shacabka Sooomaaliyeed, balse waxaa iyana daba socota sidii loo tababari lahaa jiilka soo socda ee hawlwadeennada caafimaadka Soomaaliya.

Taageeradan waxay inoo saamaxaysaa in adeegyada iyo xirfadaha sida aadka ah loogu baahan yahay la gaarsiiyo dhammaan isbitaalada ku yaalla Soomaaliya,iyo inaan bilownoo nidaam qaran oo tayo leh, kaas oo an shacabka ugu fidineyno adeegga caafimaad ee ay u baahan yihiin.

Sida magaca uu muujinayo,xaruntan cusub ee Isbitaalka Culuunta Caafimaadka iyo Cilmibaarista ee Soomaaliya iyo Turkiga, waxay xaruntani gacan ka geysan doontaa hawlaha la xiriira cilmibaarista, xoojinta in si hufan oo aqoonsado nooca cudurka bukaanka, iyo in kor loo qaado waxqabadka adeegyada shaybaarka ee gudaha dalka.

Caafimaadka waxaa uu ka mid yahay xuquuqaha asaasiga ah ee aadmiga, waana mid ka mid ah waxyaabaha muhimadda kowaad laga siiyo Soomaaliya.

Waxaan si kal iyo lab ah ugu mahadcelinayaa Madaxweyne Erdogan, dowladda iyo shacabka Turkiga sida ay u garowsadeen, baahideena, isla markaana ay u muujiyeen inay ka go’an tahay inay naga taageeraan sidii nabad iyo horumar looga dhalin lahaa dalkeena.

çok teşekkür ederim! (Aad baad u mahadsan tihiin)

KHUDBADDA 3AAD:
Shirka jaraa’iid ee uu madaxweynaha la qabtey Madaxweyne Erdogan
Madaxweyne Erdogan
Marwada Madaxweyne Erdogan
Xubnaha Goleyaasha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Marti Sharafta
Mudaneyaal iyo Marwooyin:

Dhowr mar ayaan maanta ku celceliyey ama u sheegay, haddana dhib iguma ahan inaan mar kale iraahdo: waxay ii ahayd farxad weyn inaan Muqdisho ku martigeliyo Madaxweyne Erdogan, Marwada Madaxweyne Erdogan iyo xubnaha kale ee wafdigiisa ka tirsan.

Wan ogahay in socdaalkan uu ahaa mid gaaban, kuna kooban Muqdisho. Waxan filayaa in safarka xiga inaan waqti badan isku heli doono, weliba laga yaabaa inaan ku wada raaxeysano mid ka mid ah xeebaha dalkeena ku yaalla, oo aan ku wada cunno kalluunka uu waddankeena hodanka ku yahay. … Waxan maqley inay jiraan waxyaabo badan oo aan wadaagno xeebaha caanka ah ee Turkiga!

Saaxiibtinimada Turkiga iyo Soomaaliya waa mid waqti badan soo jirey, laga soo bilaabo qarnigii 16aad, markaas oo uu jirey xiriir ka dhexeeya Boqortooyadii Cusmaaniyiinta iyo Saldannadii Adal ee Soomaaliya.
Waqtigan la joogo, dowladda Turkiga waxa ay sii cabsi la’aan ah u muujineysey sida ay uga go’an tahay taageerada horumar Soomaaliya laga hirgeliyo oo gacanta ugu jira amaba ay maamulayaan isla shacabka Soomaalida.

Turkiga ma sugin in xaaladda ay isbedesho ama soo hagaagto si ay maalgashi u sameeyaan, balse maalgashigooda waxaa uu gacan ka geystey in la abuuro xaalado wanaagsan oo keenaya xasilooni iyo kobac dhaqaale. Saaxiibtinimada iyo taageerada Turkiga u muujisey Soomaaliya waa arin abid si weyn loo xusi doono.

Dowladda Turkiga, oo kaashaneysa Dowladdda Federaalka Soomaaliya, waxay Soomaaliya ka bilaabeen mashaariic horumarineed oo kala duwan iyo kuwo la xiriira kaabeyaasha dhaqaalaha. Mashaariicdaas waxay isugu jiraan kuwa caafimaadka, daryeelka nadaafadda, dhismaha isbitaallada, dhismaha wadddooyinka iyo dayactirka garoonka diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Caddde. Waxaa iyana dib loo dhisey masaajiddo horey ugu burburey dagaalkii sokeeye, waqtigan la joogana waxaa jira Soomaali badan oo wax ku barata Turkiga.

Maanta waxay ahayd maalin aad loo mashquulsan yahay ; waxaa inoo suuragashey oo keliya inaan booqano laba mashruuc horumarineed oo ku jira liiska mashaariicda badan ee Turkiga naga taageeray. Waxaan anagoo aad u faraxsan furney isbitaal cusub iyo weliba terminaalka cusub ee cajiibka ah ee garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Wadahadalka labada dhinac yeesheen waxaa diiradda lagu saarey xoojinta iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo nabadgelyada. Waxaa labada dhinac ay kala saxiixdeen heshiisyo taabanaya dhinacyada iskaashiga milateriga iyo amniga, dhanka dhalinyarada iyo cayaaraha, gaadiidka badda, taageerada booliska iyo iskaashi cusub oo dhexmara Raadiyaha iyo Televishanka Qaranka ee Turkiga iyo Televishanka Qaranka Soomaaliya SNTV.

Anigoo ku hadlaya magaca Soomaaliya, Waxan Turkiga uga mahadcelinayaa gacanta ay inaga siineyso dhinacyada dhaqaalaha, militariga, arrrimaha bulshada, iskaashiga kaabeyaasha dhaqaalaha iyo gargaarka aadamiga. Shacabka Soomaaliyeed abaal weyn ayay u hayaan saaxiibtinimada kala dhexeeya Turkiga, waxaana rajeynayaa inuu sii xoogeysto xiriirka labadeena dal.
DHAMMAAD

DAAWO SAFARKII MADAXWEYNE ORDOGAAN IYO KHUDADIHII LABADA MADAXWEYNE

Previous Post

Boob loo geysanayo goobaha ganacsata Ajaanibta ah ee dalka Koonfur Afrika

Next Post

Shahaadooyin la guddoonsiiyay arday ka baxday Jaamacadda Salaam fareecada Guriceel

Next Post
Shahaadooyin la guddoonsiiyay arday ka baxday Jaamacadda Salaam fareecada Guriceel

Shahaadooyin la guddoonsiiyay arday ka baxday Jaamacadda Salaam fareecada Guriceel

ogeysiis dadweyne

ogeysiis dadweyne

May 9, 2025
0

Lifaaqa 3 - Ogeysiis Dadweyne   Lifaaqa 4 - Application Form_SOM

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordhaya

May 9, 2025
0

Ugu yaraan 48 qof ayaa la soo wariyay in ilaa hadda la dilay ,iyadoo 32 ka mid ah lagu dilay...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo farriin u diray Waalidiinta, Dhalinyarada iyo Shabakadaha Tahriibka

May 9, 2025
0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo la hadlay wabaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay dhibaatooyinka gaarka ah...

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay inay shaqaaleysiiso ku dhawaad 10-kun oo dhalinyaro ah

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay inay shaqaaleysiiso ku dhawaad 10-kun oo dhalinyaro ah

May 9, 2025
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS ayaa horumar ka sameysay heshiiska shaqaaleysiinta dhallinyarada Soomaaliyeed, si kor loogu qaado fursadaha shaqo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In