Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shahaadooyin la guddoonsiiyay arday ka baxday Jaamacadda Salaam fareecada Guriceel

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 26, 2015
in Wararka
0
Shahaadooyin la guddoonsiiyay arday ka baxday Jaamacadda Salaam fareecada Guriceel
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad shahaadooyin lagu gudoonsinayay ku dhawaad 25 arday dhameeysatay heerka koowaad ee Jamacada Salaam faraceda Guriceel ayaa lagu qabtay isla magaalada Guriceel.

Munaasabadaan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa ka soo qeyb galay Maamulka degmada, kan gobolka Galgaduud, Xildhibaan Jawaahir Axmed Cilmi, golaha fulinta Ahlusunna Waljamaaca, Maamulka Jaamacadda, arday iyo dadweyne aad ufarabadan.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Ugu horeyn waxaa ka hadlay madasha maamulka Jamacadda Salaam oo ka hadlay heerarkii kala duwanaa ee ay ardaydu soo martay, iyagoo ardayda shahaadooyinka la guddoonsiinayo ku bogaadiyay in waxyaabaha ay barteen ugu adeegaan bulshadooda.
Sidoo kale waxaa halkaasi kahadlay guddoomiyaha degmada Guriceel Cismaan Ciise Nuur {Taardhuleed} oo ardayda dhameysatay heerka koowaad ee Jaamacadda ugu hambalyeeyay guusha ay gaareen, kuna booriyay inay sii kordhiyaan barashada culuumta kala duwan ee Jaamacadda laga barto.

Gudoomiyaha golaha fulinta ASWJ Maxamed Axmed “Macalin Alif” oo halkaasi ka hadlay ayaa ku amaanay Jamacadda Salaam dadaalka ay bulshada u hayso, waxaana uu Madaxda Jaamacadda ka codsaday in ay sare u qaadaan tacliinta sare ee dalka.

Gudoomiyaha gobolka Galgaduud Mudane Xuseen Cali Wehliye Cirfo oo isna munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa sheegay in maamulka Gobolka iyo kan Jaamacadda Salaam ay sharaf u tahay in dufcaddii kowaad ay Jaamacaddu ka aflaxaan, isagoo intaa ku daray in maamulkiisu uu dhiiri gelinayo sare u qaadida waxbarashada.

Xildhibaan Jawaahir Axmed Cilmi oo soo xirtay xafladda ayaa kula dar daartay ardayda nasiibka u helay inay gabo gabeeyaan heerka koowaad ee Jaamacadda in ay ugu adeegaan bulshada.
1

2

3

Previous Post

DAAWO_Akhriso: Khudbadaha Madaxweyne Xasan uu ka jeediyay booqashada Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan

Next Post

Madaxweynaha Koonfur galbeed oo shir dib u heshiisiin ah ka furey Afgooye

Next Post
Madaxweynaha Koonfur galbeed oo shir dib u heshiisiin ah ka furey Afgooye

Madaxweynaha Koonfur galbeed oo shir dib u heshiisiin ah ka furey Afgooye

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In