Thursday, August 11, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Koonfur galbeed oo shir dib u heshiisiin ah ka furey Afgooye

January 26, 2015
in Wararka
0
Madaxweynaha Koonfur galbeed oo shir dib u heshiisiin ah ka furey Afgooye
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkani lagu heshiisiinaayo Beelo Walaalo ah oo ku dagaalamay deegaanada ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa maanta ka furmay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin katirsan dowlada dhexe ee Soomaaliya, Madaxweynaha Koonfur galbeed iyo Waxgarad ka kala socday dhinacyadii la heshiisiinaayay.

Furitaanka shirkan ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxmed Nuur siidii isagoo sheegay in baahi weyn loo qabo dib u heshisiinta dadka wada degan gobolka Shabeelaha Hoose.
Wasiirka Ganacsiga iyo Dekedaha Maamulka Koonfur-galbeed C/laahi Sheekh Xasan ayaa kulanka ka sheegey in ka wasiir ahaan uu diyaar u yahay isla markaana daboolaan baahi kasto oo shacabku ay u qabaan arimaha horumarinta.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Beladweyne

Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Beladweyne

August 11, 2022
Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Beeraha Oo Xariga Ka Jaray Dhismooyin Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyay Wasaaradda

Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Beeraha Oo Xariga Ka Jaray Dhismooyin Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyay Wasaaradda

August 11, 2022

Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo shirka si rasmi ah u furay shirka ayaa ku baaqay in dadka walalaha ah ay qaataan nabada iyo dib u heshiisiinta si loo gaaro xasilooni waarta taas oo dan u ah dadka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Maxmed Cumar Dalxa oo ku hadlayaay magaca xubnaha Baarlamanka Federaala Soomaaliya ayaa dhankiisa bogaadiyaay howlaha dib u heshiisiinta.

Geba gebada shirka ayaa la filaya in laga soo saaro qodobo ku saabsan waxyaahihii ka soo baxay shirka iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa.

Previous Post

Shahaadooyin la guddoonsiiyay arday ka baxday Jaamacadda Salaam fareecada Guriceel

Next Post

Xubno ka tirsan golaha xuquuqul insaanka ee Midowga Africa oo Muqdisho soo gaaray ”Sawirro”

Next Post
Xubno ka tirsan golaha xuquuqul insaanka ee Midowga Africa oo Muqdisho soo gaaray ”Sawirro”

Xubno ka tirsan golaha xuquuqul insaanka ee Midowga Africa oo Muqdisho soo gaaray ”Sawirro”

Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Beladweyne

Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Beladweyne

August 11, 2022
0

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa kormeer shaqo ku tagay Magaalada Beladweyne ee Gobolka Hiiraan. Jeneraal...

Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Beeraha Oo Xariga Ka Jaray Dhismooyin Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyay Wasaaradda

Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Beeraha Oo Xariga Ka Jaray Dhismooyin Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyay Wasaaradda

August 11, 2022
0

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane Axmed Madoobe Nuunow iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Saciid Xuseen Ciid...

Agaasimaha guud ee W/warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida maamo Xaliimo Shire Cabdi

Agaasimaha guud ee W/warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida maamo Xaliimo Shire Cabdi

August 11, 2022
0

إنا لله وإنا إليه راجعون   Allaha u naxariistee waxaa maanta geeriyootay Xaliimo Shire Cabdi oo ka tirsaneyd howlwadeennada wasaaradda...

Guddoomiyaha cusub ee degmada Cadaado oo xilka la wareegay

Guddoomiyaha cusub ee degmada Cadaado oo xilka la wareegay

August 11, 2022
0

Munaasabad ey goobjoog ka ahayeen Wasiiro ka tirsan Galmudug, taliska booliska Cadaado, Guddoomiyaha degmada Baxdo, Golaha degaanka Degmada Cadaado, qaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In