Monday, September 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso Khudbadda Madaxweynaha Dalka Ee Shirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Ee Soomaaliya iyo Uganda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan dalka Isu-tagga Imaaraadka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa khubadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee uu ka jeediyay shirka Maalgashiga Ganacsiga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Uganda.

Mudane Madaxweyne Wasiirada iyo saraakiisha sar sare ee ka tirsan dowladda, Madaxda ganacsatada sharafta leh, Mudanayaal iyo mardoowin,

Related posts

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

September 13, 2026
Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

September 13, 2026

Waxaan si weyn ugu mahadcelinayaa madaxda iyo shacabka dowladda Uganda marti qaadka iyo soo dhaweynta diiraan ee loo sameeyay aniga iyo wafdigeyga iyo qaban qaabada shirka maalgashiga iyo ganacsiga ee Soomaaliya iyo Uganda.

Soomaaliya iyo Uganda waxa ay leeyihiin xirir labo geesood ah oo koraya oo aad u wanaagsan, kaasi oo ku saleysan tariikh wadaag qiimo iyo danaha wadaagga ah ee labada dowladood.

Waan qadarineynaa cilaaqaadka, waxaana ka shaqeyn doonaa sidii loosii xoojin lahaa oo kor loogu qaadi lahaa shucuurta Afrikaanimada  iyo walaaltinimada bariga Afrika.

Uganda waxa ay noqotay dalkii ugu horeeyay ee ka jawaabo baaqii Soomaaliya ee ahaa in la geeyo ciidamo nabad ilaalin ah sanadkii 2007-da ilaa maanta ciidanka Uganda waxa ay sii wadaan taageerada ay nagu siinayaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo ilaalinta nabadda, abaal ayaana uga heynaa taageeradaas.

Shacabka Soomaaliyeed waa dad hal-abuur ganacsi leh, qaar badane waxa ay maalgeliyeen qeybaha dhaqaalaha Uganda oo ay ka mid yihiin wax soo saarka hantida ma guurtada ah, ganacsiga iyo qeybaha kale ee kobcaya.

Waxaan rajeyneynaa inaan soo dhaweyno dadka Ugaandheyska ah ee doonaya inay maalgashadaan qeybaheena ganacsiga ee lagu tartamayo oo ay ku jiraan Beeraha, Xoolaha, Kalluumeysiga iyo qeybaha kale.

Hishiiska ay labada dal kala saxiixdeen sanadkii 2016-kii iyo hishiiska adeegga hawada ee labada dalka iyo is afgaradka dhex-maray Jaamacadaha, Rugaha ganacsiga, Wasaaraddaha, Cilmibaarista, Waxbarashada, Diblomaasiyadda, Difaaca iyo iskaashiga ganacsiga, waa marqaati cad oo muujineysa xiriirka sii koraya ee ka dhaxeeya labada dal.

Soomaaliya waxa ay si cad u fahamsantahay faa’iidooyinka wadaagga ah ee ka dhalanaya wadashaqeynta, waxaana diyaar u nahay inaan la nimaadno hogaan adag iyo balan qaadka looga baahanyahay inaan ka qeyb-qaadano kobcinta ganacsiga iyo maalgashiga gobollada.

Kulankeygii Madaxweyne Museveni iyo Madaxda kale ee EAC waxaana hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ka mid tahay dalalka bariga Afrika, isla markaana aan wadaleenahay hadaf iyo mustaqbal mideysan.

Kulanka shirka maalgashiga ganacsiga ee Soomaaliya iyo Uganda waa mid muhiim ah oo ku soo beegmay xiligiisa, wuxuuna imaanaya dhowr isbuuc kadib markii aan madaxda EAC ee uu ku jiro Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni aan ka codsaday inay u ololeeyaan inay Soomaaliya ay noqotay xubintii sideedaad ee ku biirta Ururka.

Afrika waxaa Alle ku maneystay kheyraad, waxaana ay leedahay dhaqaale  weyn, si kastaba suuqyada Afrika oo kala qeybsan iyo xeyn daabka canshuuraha ayaa ganacsigeena midka gobolka iyo Qaaradaba uu hooseeyaa 20%,  marka lala bar bardhigo Qaaraadda Asia oo ah 60% .

Waxaan Kalsooni ku qabnaa in shirkaan uu ka qeyb qaadan doono dar dargelinta ganacsiga gobolka iyo maalgelinta ka dhaxeysa labada dal uuna sare u qaadayo fursadaha koriinka dhaqaalaha.

Soomaaliya waxa ay leedahay fursado dhaqaale oo bislaanaya oo aan xadidneen, kuwaasi oo ay siineyso daneeyaasha doonaya inay la ganacsadaan ama maalgashtaan dalkeena.

Iyadoo leh xeebta ugu dheer ee Afrika hadane Soomaaliya waxa ay leedahay kheyraad dabiici ah oo la taaban, Dhulbeereed baaxad leh, Cimilo wanaagsan, dhaqan ganacsi, ganacsi gaar loo leeyahay oo kobcaya iyo xoogag dhallinyaro ah.

Waxaan horu-maro la taaban karo ka sameynay dowlad dhisidda, kabashada dhaqaalaha iyo ilaalinta xasiloonimada dhaqaalaha guud, iyada oo ay jiraan caqabado aad u adag.

Waxaan si kalsooni leh idinku sheegayaa in Soomaaliya ay hadda utaaganatahay ganacsi ayna rajeyneyso inay sare u qaaddo ganacsiga laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya labadeena dal iyo in la garto fursadaha maalgashi, ganacsi iyo dalxiis.

Waxaan soo dhaweyneynaa aas aaska madasha maalgashiga joogtada ah iyo ganacsiga wadajirka ah, si loo dedejiyo meel-marinta soo jeedintooda iyo go’aamadeeda iyo in la fahmo fursadaha labada dal ka jira.

Previous Post

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Macdanta Oo Si Rasmi Ah Xilka Ula Wareegay

Next Post

Federal Government of Somalia, AFRICOM conduct airstrike against al-Shabaab terrorist

Next Post
Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Federal Government of Somalia, AFRICOM conduct airstrike against al-Shabaab terrorist

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

September 13, 2026
0

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu xusayo Maalinta Dalxiiska Soomaaliya. Munaasabadda waxaa lagu...

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug, Cabdullaahi Maxamed Daahir Leedo, oo ay weheliyaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, Daahir Faarax...

Wasiirka  Xannaanada Xoolaha, XFS oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya

Wasiirka Xannaanada Xoolaha, XFS oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa maanta kulan xoojinta iskaashiga iyo...

Madaxda Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka qeybgalay madasha isla-xisaabtanka waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran

Madaxda Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka qeybgalay madasha isla-xisaabtanka waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax Nuux, oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In