Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso Khudbadda Madaxweynaha Dalka Ee Shirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Ee Soomaaliya iyo Uganda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan dalka Isu-tagga Imaaraadka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa khubadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee uu ka jeediyay shirka Maalgashiga Ganacsiga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Uganda.

Mudane Madaxweyne Wasiirada iyo saraakiisha sar sare ee ka tirsan dowladda, Madaxda ganacsatada sharafta leh, Mudanayaal iyo mardoowin,

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Waxaan si weyn ugu mahadcelinayaa madaxda iyo shacabka dowladda Uganda marti qaadka iyo soo dhaweynta diiraan ee loo sameeyay aniga iyo wafdigeyga iyo qaban qaabada shirka maalgashiga iyo ganacsiga ee Soomaaliya iyo Uganda.

Soomaaliya iyo Uganda waxa ay leeyihiin xirir labo geesood ah oo koraya oo aad u wanaagsan, kaasi oo ku saleysan tariikh wadaag qiimo iyo danaha wadaagga ah ee labada dowladood.

Waan qadarineynaa cilaaqaadka, waxaana ka shaqeyn doonaa sidii loosii xoojin lahaa oo kor loogu qaadi lahaa shucuurta Afrikaanimada  iyo walaaltinimada bariga Afrika.

Uganda waxa ay noqotay dalkii ugu horeeyay ee ka jawaabo baaqii Soomaaliya ee ahaa in la geeyo ciidamo nabad ilaalin ah sanadkii 2007-da ilaa maanta ciidanka Uganda waxa ay sii wadaan taageerada ay nagu siinayaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo ilaalinta nabadda, abaal ayaana uga heynaa taageeradaas.

Shacabka Soomaaliyeed waa dad hal-abuur ganacsi leh, qaar badane waxa ay maalgeliyeen qeybaha dhaqaalaha Uganda oo ay ka mid yihiin wax soo saarka hantida ma guurtada ah, ganacsiga iyo qeybaha kale ee kobcaya.

Waxaan rajeyneynaa inaan soo dhaweyno dadka Ugaandheyska ah ee doonaya inay maalgashadaan qeybaheena ganacsiga ee lagu tartamayo oo ay ku jiraan Beeraha, Xoolaha, Kalluumeysiga iyo qeybaha kale.

Hishiiska ay labada dal kala saxiixdeen sanadkii 2016-kii iyo hishiiska adeegga hawada ee labada dalka iyo is afgaradka dhex-maray Jaamacadaha, Rugaha ganacsiga, Wasaaraddaha, Cilmibaarista, Waxbarashada, Diblomaasiyadda, Difaaca iyo iskaashiga ganacsiga, waa marqaati cad oo muujineysa xiriirka sii koraya ee ka dhaxeeya labada dal.

Soomaaliya waxa ay si cad u fahamsantahay faa’iidooyinka wadaagga ah ee ka dhalanaya wadashaqeynta, waxaana diyaar u nahay inaan la nimaadno hogaan adag iyo balan qaadka looga baahanyahay inaan ka qeyb-qaadano kobcinta ganacsiga iyo maalgashiga gobollada.

Kulankeygii Madaxweyne Museveni iyo Madaxda kale ee EAC waxaana hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ka mid tahay dalalka bariga Afrika, isla markaana aan wadaleenahay hadaf iyo mustaqbal mideysan.

Kulanka shirka maalgashiga ganacsiga ee Soomaaliya iyo Uganda waa mid muhiim ah oo ku soo beegmay xiligiisa, wuxuuna imaanaya dhowr isbuuc kadib markii aan madaxda EAC ee uu ku jiro Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni aan ka codsaday inay u ololeeyaan inay Soomaaliya ay noqotay xubintii sideedaad ee ku biirta Ururka.

Afrika waxaa Alle ku maneystay kheyraad, waxaana ay leedahay dhaqaale  weyn, si kastaba suuqyada Afrika oo kala qeybsan iyo xeyn daabka canshuuraha ayaa ganacsigeena midka gobolka iyo Qaaradaba uu hooseeyaa 20%,  marka lala bar bardhigo Qaaraadda Asia oo ah 60% .

Waxaan Kalsooni ku qabnaa in shirkaan uu ka qeyb qaadan doono dar dargelinta ganacsiga gobolka iyo maalgelinta ka dhaxeysa labada dal uuna sare u qaadayo fursadaha koriinka dhaqaalaha.

Soomaaliya waxa ay leedahay fursado dhaqaale oo bislaanaya oo aan xadidneen, kuwaasi oo ay siineyso daneeyaasha doonaya inay la ganacsadaan ama maalgashtaan dalkeena.

Iyadoo leh xeebta ugu dheer ee Afrika hadane Soomaaliya waxa ay leedahay kheyraad dabiici ah oo la taaban, Dhulbeereed baaxad leh, Cimilo wanaagsan, dhaqan ganacsi, ganacsi gaar loo leeyahay oo kobcaya iyo xoogag dhallinyaro ah.

Waxaan horu-maro la taaban karo ka sameynay dowlad dhisidda, kabashada dhaqaalaha iyo ilaalinta xasiloonimada dhaqaalaha guud, iyada oo ay jiraan caqabado aad u adag.

Waxaan si kalsooni leh idinku sheegayaa in Soomaaliya ay hadda utaaganatahay ganacsi ayna rajeyneyso inay sare u qaaddo ganacsiga laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya labadeena dal iyo in la garto fursadaha maalgashi, ganacsi iyo dalxiis.

Waxaan soo dhaweyneynaa aas aaska madasha maalgashiga joogtada ah iyo ganacsiga wadajirka ah, si loo dedejiyo meel-marinta soo jeedintooda iyo go’aamadeeda iyo in la fahmo fursadaha labada dal ka jira.

Previous Post

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Macdanta Oo Si Rasmi Ah Xilka Ula Wareegay

Next Post

Federal Government of Somalia, AFRICOM conduct airstrike against al-Shabaab terrorist

Next Post
Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Federal Government of Somalia, AFRICOM conduct airstrike against al-Shabaab terrorist

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In