Wednesday, September 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Akhriso: Khudbadda Madaxweynaha ee Ciidul Adxaa 2016

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 12, 2016
in Keyd Hore, Keydka Sawirrada, Wararka
0
Akhriso: Khudbadda Madaxweynaha ee Ciidul Adxaa 2016
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 12 September 2016

Bismillahi Raxmaani Raxiim

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

September 16, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

September 16, 2025

Al Salaamu Caleykum Wa Raxmatullahi wa Barakaatu

Allahu Akbar, Allahu Akbar, Allahu Akbar, Laa Ilaaha Illa laahu , Allahu Akbar wa Lillaahil Xamdu

Ciid Wanaagsan, Ummadda Soomaaliyeed maal kasta oo ay joogaan. Ilaahay ayaa mahad leh inaan maalintan weyn ee barakeysan aan nabad ku wada ciidno.

Waxaan munaasabadda ciidda awgeed hambalyo u dirayaa shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan caalamka Islaamka, waxaana leeyahay Ciid Mubaarak meel kasta oo aad joogtaan.

Ciidul Adxa waa mid ka mid ah ciidaha waaweyn ee caalamka islaamka oo loo baahan yahay in Ummaddu ay farxadda wadaagaan. Sidaa darteed waxaan shacabka Soomaaliyeed farayaa inay sidii caadiga ahayd munaasabaddan isku naxariistaan oo kooda liita ay fadliga Ciidul Adxaa awgeed ugu kaalmeeyaan.

Nabadgelyada iyo farxadda aan maanta ku ciideyno waxay qeyb ka tahay guulaha aan ka gaarney dib u dhiska dowladnimadeena iyo soo celinta nabadda iyo kala dambeynta, inagoo qireyna in wax badanna ay inoo dhiman yihiin.

Waxaa inagu soo fool leh shir madaxeed muhiim ah oo qabsoomidiisa ay ka tarjumeyso dib u soo noqoshada sumcaddii iyo sharaftii aan ku lahayn gobolka iyo caalamka intiisa kale. Waa markii ugu horaysey ee madaxda IGAD ku kulmaan Soomaaliya tan iyo markii la aasaasay 1986-kii.

Tallaabooyinka la qaaday ee lagu xaqiijinayo qabsoomidda shirkan waxaa ka mid ah adkeynta amniga magaalada Muqdisho.

Cadowga waxaa uu doonayaa inuu dalka ka lumiyo fursaddaasi dahabiga ah ee magaceena kor loogu qaadayo, sidaa darted waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa inay dulqaad u yeeshaan tallaabooyinka amniga lagu sugayo ee Muqdisho ka socda.

 

Waan dareemi karaa in tallaabadaasi ay culeys ku keeneyso shacabka, hase yeeshee waxaa lagama maarmaan ah in hawl kasta oo adag lagu bixiyo qiimi u dhigma waxa aan hiigsaneyno.

Guud ahaan dalka waxaa ka socda, dhowaana la xoojin doonaa hawlgalada cadowga looga sifeynayo goobaha yar ee ay weli ku dhuumaaleysanayaan. Argagixisadu waxay dhiigga maatada ka dhigteen wax ay ku faanaan, waxaana hubaa in Ilaahay idankii aan warkooda mar dhow soo gabagabeyno.

Shacabka Soomaaliyeed waxaan uga mahad celinayaa sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyaan laamaha aamniga, waayo inta badan guulaha la gaarey suurtagal ma ahayn in la gaaro haddii aan shacabka laga helin gacan.

Dhanka kale doorashooyin taariikhi ah ayaa ka dhacaya dalkeena sannadkan, kuwaas oo aan dhammaanteen diyaargarow buuxa ugu jirno. Waqtigu waa ciriiri, laakiin waxaan idin xaqiijinayaa in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada ay ka go’an tahay xaqiijinta  inay doorashooyinkaasi qabsoomaan.

Doorashooyinkan waa tijaabo ama halbeeg uu caalamku ku tijaabinayo biseylkeena siyaasadeed iyo horumarka aan ka gaarney dib u soo kabashada, colaaddii dheereyd kadib. Haddii aan ku guuleysano doorashooyinkaasi waxay ka dhigan tahay Soomaaliya oo dhan oo guuleysatey, gobolka Geeska Afrika oo guuleystey iyo caalamka oo iyaguna guuleystey.

Doorashadu sideedaba waa loolan loogu tartamayo in Soomaaliya meesha ay taagan tahay horay loogu sii dhaqaajiyo. Musharax kasta oo xil u tartamayaa waa inuu maskaxda ku hayaa in hawsha sugaysaa ay tahay u adeegidda shacabka Soomaaliyeed iyo inuu wax ka qabto baahiyaha kala duwan ee ay qabaan.

Dhegaha shacabka waxay u baahan yihiin in la maqashiiyo waxqabad, dib u heshiisiin iyo midnimo, waxaana musharixiinta kula dardaarmayaa inay iska ilaaliyaan hadalada xanafta leh ee dadka kicin kara.

Sax ma ahan in qof doonaya inuu qabto xilka ugu sareeya dalka inuu jagadaasi ku raadiyo cay ama aflagaado uu u geysto dowladnimada. Dowladnimada aan maanta haysano waxan u soo marney halgan dheer iyo dadaal badan, mana qurxoona in hadaladii ay cadowga ku hadli lahaayeen inay ka soo yeeraan dad Soomaaliyeed.

 

Mar kale waxaan leeyahay walaalaha Soomaaliyeed ee doorashada galaya inay waddankooda aaminaan, ku kalsoonaadaan, una soo bandhigana shacabka barnaamij siyaasadeed ay ku kasban karaan kalsoonida Soomaalida.

Dib u heshiisiinta iyo midnimada dalka waa muhimadda koowaad ee aan ku soo shaqeyneynay afartii sanno ee la soo dhaafay, taas ayaana ugu weyneyd sababihii aan u abuurnay madasha hoggaamiyeyaasha qaranka.

Shirkeenii ugu dambeeyay ee  Muqdisho ka dhacayna waxaan uga hadleynay maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed, waxaana marka la soo gabagabeeyo ka soo saari doonaa go’aamo muhiim u ah dowlad dhisidda Soomaaliya.

Previous Post

Soomaalida ku nool Woqooyiga Norwey oo u debaaldegtay Munaasabadda Ciidul Adxa “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

September 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, oo ka jawaabaya dareenka shacabka Soomaaliyeed, oo ka cabanayay in la...

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

September 16, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka,...

𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗾𝗲𝘆𝗯 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆 𝗸𝗵𝗮𝘁𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗰𝗶𝗺𝗶𝗹l𝗮𝗱𝗮

𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗾𝗲𝘆𝗯 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆 𝗸𝗵𝗮𝘁𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗰𝗶𝗺𝗶𝗹l𝗮𝗱𝗮

September 16, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdille, ayaa ka qeyb galay shir heer sare ah oo lagu...

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay

September 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed uga jawaabayey su’aalo la xiriirra waxyaabaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In