Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Akhriso: Khudbadda Madaxweynaha ee Ciidul Adxaa 2016

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Keyd Hore, Keydka Sawirrada, Wararka
0
Akhriso: Khudbadda Madaxweynaha ee Ciidul Adxaa 2016
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 12 September 2016

Bismillahi Raxmaani Raxiim

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026

Al Salaamu Caleykum Wa Raxmatullahi wa Barakaatu

Allahu Akbar, Allahu Akbar, Allahu Akbar, Laa Ilaaha Illa laahu , Allahu Akbar wa Lillaahil Xamdu

Ciid Wanaagsan, Ummadda Soomaaliyeed maal kasta oo ay joogaan. Ilaahay ayaa mahad leh inaan maalintan weyn ee barakeysan aan nabad ku wada ciidno.

Waxaan munaasabadda ciidda awgeed hambalyo u dirayaa shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan caalamka Islaamka, waxaana leeyahay Ciid Mubaarak meel kasta oo aad joogtaan.

Ciidul Adxa waa mid ka mid ah ciidaha waaweyn ee caalamka islaamka oo loo baahan yahay in Ummaddu ay farxadda wadaagaan. Sidaa darteed waxaan shacabka Soomaaliyeed farayaa inay sidii caadiga ahayd munaasabaddan isku naxariistaan oo kooda liita ay fadliga Ciidul Adxaa awgeed ugu kaalmeeyaan.

Nabadgelyada iyo farxadda aan maanta ku ciideyno waxay qeyb ka tahay guulaha aan ka gaarney dib u dhiska dowladnimadeena iyo soo celinta nabadda iyo kala dambeynta, inagoo qireyna in wax badanna ay inoo dhiman yihiin.

Waxaa inagu soo fool leh shir madaxeed muhiim ah oo qabsoomidiisa ay ka tarjumeyso dib u soo noqoshada sumcaddii iyo sharaftii aan ku lahayn gobolka iyo caalamka intiisa kale. Waa markii ugu horaysey ee madaxda IGAD ku kulmaan Soomaaliya tan iyo markii la aasaasay 1986-kii.

Tallaabooyinka la qaaday ee lagu xaqiijinayo qabsoomidda shirkan waxaa ka mid ah adkeynta amniga magaalada Muqdisho.

Cadowga waxaa uu doonayaa inuu dalka ka lumiyo fursaddaasi dahabiga ah ee magaceena kor loogu qaadayo, sidaa darted waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa inay dulqaad u yeeshaan tallaabooyinka amniga lagu sugayo ee Muqdisho ka socda.

 

Waan dareemi karaa in tallaabadaasi ay culeys ku keeneyso shacabka, hase yeeshee waxaa lagama maarmaan ah in hawl kasta oo adag lagu bixiyo qiimi u dhigma waxa aan hiigsaneyno.

Guud ahaan dalka waxaa ka socda, dhowaana la xoojin doonaa hawlgalada cadowga looga sifeynayo goobaha yar ee ay weli ku dhuumaaleysanayaan. Argagixisadu waxay dhiigga maatada ka dhigteen wax ay ku faanaan, waxaana hubaa in Ilaahay idankii aan warkooda mar dhow soo gabagabeyno.

Shacabka Soomaaliyeed waxaan uga mahad celinayaa sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyaan laamaha aamniga, waayo inta badan guulaha la gaarey suurtagal ma ahayn in la gaaro haddii aan shacabka laga helin gacan.

Dhanka kale doorashooyin taariikhi ah ayaa ka dhacaya dalkeena sannadkan, kuwaas oo aan dhammaanteen diyaargarow buuxa ugu jirno. Waqtigu waa ciriiri, laakiin waxaan idin xaqiijinayaa in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada ay ka goโ€™an tahay xaqiijintaย  inay doorashooyinkaasi qabsoomaan.

Doorashooyinkan waa tijaabo ama halbeeg uu caalamku ku tijaabinayo biseylkeena siyaasadeed iyo horumarka aan ka gaarney dib u soo kabashada, colaaddii dheereyd kadib. Haddii aan ku guuleysano doorashooyinkaasi waxay ka dhigan tahay Soomaaliya oo dhan oo guuleysatey, gobolka Geeska Afrika oo guuleystey iyo caalamka oo iyaguna guuleystey.

Doorashadu sideedaba waa loolan loogu tartamayo in Soomaaliya meesha ay taagan tahay horay loogu sii dhaqaajiyo. Musharax kasta oo xil u tartamayaa waa inuu maskaxda ku hayaa in hawsha sugaysaa ay tahay u adeegidda shacabka Soomaaliyeed iyo inuu wax ka qabto baahiyaha kala duwan ee ay qabaan.

Dhegaha shacabka waxay u baahan yihiin in la maqashiiyo waxqabad, dib u heshiisiin iyo midnimo, waxaana musharixiinta kula dardaarmayaa inay iska ilaaliyaan hadalada xanafta leh ee dadka kicin kara.

Sax ma ahan in qof doonaya inuu qabto xilka ugu sareeya dalka inuu jagadaasi ku raadiyo cay ama aflagaado uu u geysto dowladnimada. Dowladnimada aan maanta haysano waxan u soo marney halgan dheer iyo dadaal badan, mana qurxoona in hadaladii ay cadowga ku hadli lahaayeen inay ka soo yeeraan dad Soomaaliyeed.

 

Mar kale waxaan leeyahay walaalaha Soomaaliyeed ee doorashada galaya inay waddankooda aaminaan, ku kalsoonaadaan, una soo bandhigana shacabka barnaamij siyaasadeed ay ku kasban karaan kalsoonida Soomaalida.

Dib u heshiisiinta iyo midnimada dalka waa muhimadda koowaad ee aan ku soo shaqeyneynay afartii sanno ee la soo dhaafay, taas ayaana ugu weyneyd sababihii aan u abuurnay madasha hoggaamiyeyaasha qaranka.

Shirkeenii ugu dambeeyay eeย  Muqdisho ka dhacayna waxaan uga hadleynay maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed, waxaana marka la soo gabagabeeyo ka soo saari doonaa goโ€™aamo muhiim u ah dowlad dhisidda Soomaaliya.

Previous Post

Soomaalida ku nool Woqooyiga Norwey oo u debaaldegtay Munaasabadda Ciidul Adxa “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐๐š๐ฅ๐ค๐š

๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐๐š๐ฅ๐ค๐š

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In