Wednesday, June 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso khudbaddii Madaxweynaha ee xeritaanka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 28, 2021
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray Shirka Dhammeystirka Wadahadallada Hirgelinta Doorashada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaaraha iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo guud ahaan Golaha Xukuumadda, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xildhibaannada  Labada Aqal ee Baarlamaanka, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida Madaxweyneyaashii Hore iyo Ra’iisul Wasaareyaashii Hore, Guddoomiyeyaashii Hore ee Baarlamaanka Federaalka, Madaxweyneyaashii Hore ee Dowlad Goboleedyada,  Hoggaamiyeyaasha Ururrada Siyaasadeed, Ururrada Bulshada Rayidka ah oo ay ugu horreeyaan culimaa’udiinku, Ururrada haweenka iyo dhallinyarada, Wakiillada Beesha Caalamka, Bahda Saxaafadda iyo Baambayda
Dhammaan marti sharafta kale

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ururrada Bulshada Rayidka ah

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ururrada Bulshada Rayidka ah

June 3, 2025
Soomaaliya oo ka qeybgalaysa Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah ee ILO

Soomaaliya oo ka qeybgalaysa Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah ee ILO

June 3, 2025

Waxa aan idinku salaamayaa salaanta Islaamka, Asalaamu Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu

Ilaahay baa mahad iska leh oo mar walba inoo suurtageliya kulamada noocan oo kale ah, khaasatan kulankan aan maanta isugu nimid oo ah gebogebada Wadatashigii Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka oo uu Ra’iisul Wasaaruhu hoggaaminayey, ayna qayb ka ahaayeen Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Sharaf bay ii tahay inaan idinkala soo qayb galo, idinkuna kulligiin aad ka soo qayb gashaan xafladdan aan ku soo xirayno wadatashigii guud oo aan ku gaareyney heshiis siyaasadeed doorasho. Waxa uuna inoogu dhammaaday guul.

Waxa aan leeyahay hambalyo. waxa aan u hambalyaynayaa ugu horrayn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Madaxweyneyaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Waxa aad mudan tihiin bogaadin, waxa aad mudan tihiin sharaf, waxa aad mudan tihiin ammaan. Shaqadii adkayd oo aad qabateen, oo aan ognahay in ay muddo dheer soo jiitamaysey, dooddii adkayd ee aad soo gasheen dhowrkii beri ee aan soo dhaafnay, dulqaadkiinnii faraha badnaa iyo dadaalkiinnii dhaliyey inaad la timaaddaan isu tanaasul si dalku uu u aado doorasho loo dhanyahay oo raalli laga yahay, doorasho wadar oggol ah oo aynu kulligeen wada aqbalnay. Waxa aan leeyahay hambalyo mar kale.

Waxa ay ahayd guul weyn. Maaha guul innaga oo keliya inoo soo hoyatay, waa guul u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan, taas oo hammigoodii iyo rejadoodii kor u qaadday. Waa inaan fahannaa dadka Soomaaliyeed waxa ay doonayaan. Waxa ay doonayaan degenaansho, waxa ay doonayaan doorasho, waa ayna u diyaarsan yihiin. Runtii, Waa aan idiinkaga mahad celinayaa juhdigii aad geliseen in aad maanta ummadda Soomaaliyeed kaga farxisaan.

Waxa aan rabaa inaan mahad gaar ah u celiyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka hoggaamintiisii uu ku jiheeyey heshiiskan, sida uu u casuumay Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, dadaalkiisii faraha badnaa iyo dhabar adaygii uu u dulqaatay dooddii dhinacyada ka imaanaysey. Intaas waxaa dheer nabad doonnimadiisii iyo sida uu ugu dhex jiro. Waa aad ku mahadsan tahay Ra’iisal Wasaare sida wanaagsan ee aad u hoggaamisay golahan wadatashiga ah.

Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyaga waxa aan rabaa in aan la dardaarmo. Jidkan waa aan soo marnay, khibraddeedada waan leennahay. Waxaan idinka codsanayaa, ummadda Soomaalyeedna idinka codsanaysaa, sidoo kale Madaxdii halkan soo istaagtey idinka codsatay, in hawshan la idiin xilsaaray aad hore u dhaqaajisaan.

Doorashadan heshiis waa laga gaarey, balse waxa ay u baahan tahay hirgelin, waxa ay u baahan tahay dhaqan gelin iyo dhammaystir. Runtii mas’uuliyaddan idinka ayaa iska leh, idinka ayaa ay hadda idinku soo wareegtay. Aniga iyo shacabka Soomaaliyeed kaalintayadu waa in aan idin baritaarno oo idiin ducayno, oo aan idiin kugu tufno, waana idiin barakaynay. Waxa aan idiin kugu ducaynay in hawshan Alle idiin fududeeyo oo doorashadani inoogu dhammaato si nabad ah, hufan oo xalaal ah, qofkasta oo muwaadin ah oo doonaya in uu dalkiisa iyo dadkiisa u adeegona aanu xuquuqdiisa idinka waayin oo aad u caddaalad samaysaan.

Waxa aan rabaa in aan hoosta ka xarriiqo qoondada haweenka. Dumarku waa laf-dhabarta bulshadeenna, waa hooyooyinkeen, waa xaasaskeenna, waa gabdheheenna. Waxaa loo baahan yahay in aad xuquuqdooda xaqiijisaan, oo kootada hadda ee boqolkiiba soddonka ah aad muujisaan inaan doorkan afartan gaarsiin karno, Haddii uu Eebbe yiraahdo.

Cafiska uu soo jeediyey walaalkay, Madaxweynahaygii hore ee aan saaxiibka nahay, Sheekh Shariif, waa aan la qaatay oo waan idin cafiyey, cafigiinana waan qaatay. Runtii, waa wax loo baahan yahay inaan ka gudubno. Sida uu sheeegay waa siyaasad waxani, balse ma’aha qof necbaysi, cafiskaasna Alle ha noo qaado, quluubteennana Eebbe ha wada geliyo iyada oo dhab ah.

Waxaa ballan inoo ah inaan u wada diyaar garowney doorashada, Insha Allah, doorashadani waxa ay ku dhammaan doontaa guul.

WASSALAAMU CALAYKUM.

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka oo xaqiijisay in 30 qof oo cusub ay ka bogsoodeen Feyruska Karoona

Next Post

Guddoomiye Cumar Filish oo qaabilay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Sweden+Sawirro

Next Post
Guddoomiye Cumar Filish oo qaabilay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Sweden+Sawirro

Guddoomiye Cumar Filish oo qaabilay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Sweden+Sawirro

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ururrada Bulshada Rayidka ah

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ururrada Bulshada Rayidka ah

June 3, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka...

Soomaaliya oo ka qeybgalaysa Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah ee ILO

Soomaaliya oo ka qeybgalaysa Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah ee ILO

June 3, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Mohamed, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Ingiriiska

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Ingiriiska

June 3, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka Cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u...

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah

June 3, 2025
0

Cabdinaasir Maxamed Xasan, afgaradiisuna tahay Macallim Xaaji ayaa lagu eedeeyay in uu khawaarijta u sameyn jiray gaadiidka ay qaraxyada ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In