Wednesday, December 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

AKHRISO-Qodobada hishiiska Maalmul u sameynta Hiiraan Iyo Sh/Dhexe.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
AKHRISO-Qodobada hishiiska Maalmul u sameynta Hiiraan Iyo Sh/Dhexe.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, Agoosto 8, 2015- Munaasabad ay soo qaban-qaabisay wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya oo lagu saxiixay heshiiska maamul dhisidda gobolladda Hiiraan iyo Shabelleha Dhexe ayaa maanta ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee magaaladda Muqdisho.

Munaasabadda waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynahe Dowladda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid , xubno ka socday labadda gole iyo Wakiiladda Beesha caalamka.

Related posts

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

December 17, 2025
Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025

Heshiiska waxaa saxiixay Guddoomiyayaasha labadda gobol ee Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda ee ka so jeeda labadda gobol, Wasiirka Arrimaha Gudaha oo u matalaya Xukuumadda iyo Wakiiladda UN, Midowga Afrika, IGAD iyo Midowga Yurub oo heshiiska u saxiixay goob-jooge ahaan.

Xogahayaha Joogtada ah ee wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane  Ismaaciil ayaa goobta ka aqriyey qodabadda heshiiska la saxiixay oo kala ahaa.

1- in la dhiso maamul ay yeeshaan Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
2:  In dhismaha maamulka ay ka qayb qaataan dhammaan beelaha Soomaaliyeed ee wada dega gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
3: In laqabto shirweyne ay u dhanyihiin dhammaan beelaha deggan gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe si loo dhiso maamul goboleed ka kooban labadaas gobol
4: In la dhiso guddi farsamo oo ka kooban 31 Xunood oo ka socda dhammaan beelaha dega Goboladaas. Gudigaas farsamo waxaa lagusoo magacaabaya muddo 14 casho gudohood ah oo ka bilaabaneysa marka lasaxiixo heshiiskan.
5: Maamulka la dhisayo isagoo metelaaya dhammaan beelaha dega labadaas Gobol wuxuu u howl gelayaa si wada jir ah in loola dagaalamo nabad-diika, goboladaasna lagusoo dabaalo nabad iyo xasilooni.
6: Geedi socodka dhismaha maamulka waxaa lagu dhamestirayaa muddo ku siman 60 maalmood gudahood, waxaana fududeynaya xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
7: xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa mas’uul ka ah xaqiijinta, meel marinta, taaba gelinta hishiiska iyo bixinta wixi tasiilaad ah.
8: Shaqada iyo waajibaadka guddiga farsamada waxaa soo diyaarinaya xukuumadda Federaaka Soomaaliya, kuna soo celineysa saxiiixayaasha.
9: Cid alla iyo ciddii carqaladeysa hannaanka geedi socodkan waxaa loo aqoonsanayaa qas wade, waxaana laga qaadi doona tallaabada ku haboon.

 

10: Hishiiskan waxaa si wada jir ah u saxiixaya Guddoomiye yaasha labda Gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe iyo 11-ka Wasiir ee ka soo jeeda labadaas gobol.
11: Saxiixayaasha heshiiskan xirriir lama laha, habka awood qeybsigu noqon doono.

  1. Hishiiskan wuxuu dhaqan gelayaa laga bilaabo maalinta la saxiixo.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa  ayaa sheegay in Wasaaraddiisu ka go’an tahay  in muddo cayiman gudahooda ay ku soo gaba-gabeeyso dhisidda maamulka Hiiraan iyo Shabellaha dhexe iyadoo loo marayo wadatshi iyo ka qeyb gelinta dhammaan qeybaha bulshada labada Gobol si loo dhiso maamul Goboleed loo wada dhanyahay.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomalaiya Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu mudda lixda bilood ah ee ay jirto  horumar ka sameysay dhismaha maamullada dalka. Waxaana Ra’isul Wasaaruhu si gaara farta ugu fiiqay guulhii laga gaaray dhamestirka maamulki Galmudug iyo kan maanta hortiisa lagu saxiixay hishiiski lagu bilaabilahaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gaba-gabadii munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa ku ammaanay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka dhisamahii maamilka Galamudud isagoo sheegay in kalsooni buuxda uu ku qabo in Wasaaraddu ay guulo ka soo hoy doonto maamul dhisidda Gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe muddada 60-ka casho ah ee ay Wasaaraddu cayimtay.

Dhammmaad.

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha Gal Mudug oo soo dhoweeyey heshiiska lagu sameynayo Dowlad Goboleedka gobollada Sh/Dhexe iyo Hiiraan

Next Post
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo ka hadlay qorshaha horyaalla

Madaxweynaha Gal Mudug oo soo dhoweeyey heshiiska lagu sameynayo Dowlad Goboleedka gobollada Sh/Dhexe iyo Hiiraan

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

December 17, 2025
0

Muqdisho, Diseembar 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa magaalada Muqdisho maanta tababar uga furay ku dhowaad 90...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝟔𝟓-𝐆𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐥𝐨𝐦𝐚𝐚𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝟔𝟓-𝐆𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐥𝐨𝐦𝐚𝐚𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

December 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda xuska 65-guurada xiriirka diblomaasiyadeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

December 16, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Caalamiga iyo Ganacsiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In