Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

AKHRISO-Qodobada hishiiska Maalmul u sameynta Hiiraan Iyo Sh/Dhexe.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
AKHRISO-Qodobada hishiiska Maalmul u sameynta Hiiraan Iyo Sh/Dhexe.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, Agoosto 8, 2015- Munaasabad ay soo qaban-qaabisay wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya oo lagu saxiixay heshiiska maamul dhisidda gobolladda Hiiraan iyo Shabelleha Dhexe ayaa maanta ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee magaaladda Muqdisho.

Munaasabadda waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynahe Dowladda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid , xubno ka socday labadda gole iyo Wakiiladda Beesha caalamka.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Heshiiska waxaa saxiixay Guddoomiyayaasha labadda gobol ee Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda ee ka so jeeda labadda gobol, Wasiirka Arrimaha Gudaha oo u matalaya Xukuumadda iyo Wakiiladda UN, Midowga Afrika, IGAD iyo Midowga Yurub oo heshiiska u saxiixay goob-jooge ahaan.

Xogahayaha Joogtada ah ee wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka MudaneΒ  Ismaaciil ayaa goobta ka aqriyey qodabadda heshiiska la saxiixay oo kala ahaa.

1- in la dhiso maamul ay yeeshaan Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
2:Β  In dhismaha maamulka ay ka qayb qaataan dhammaan beelaha Soomaaliyeed ee wada dega gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
3: In laqabto shirweyne ay u dhanyihiin dhammaan beelaha deggan gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe si loo dhiso maamul goboleed ka kooban labadaas gobol
4: In la dhiso guddi farsamo oo ka kooban 31 Xunood oo ka socda dhammaan beelaha dega Goboladaas. Gudigaas farsamo waxaa lagusoo magacaabaya muddo 14 casho gudohood ah oo ka bilaabaneysa marka lasaxiixo heshiiskan.
5: Maamulka la dhisayo isagoo metelaaya dhammaan beelaha dega labadaas Gobol wuxuu u howl gelayaa si wada jir ah in loola dagaalamo nabad-diika, goboladaasna lagusoo dabaalo nabad iyo xasilooni.
6: Geedi socodka dhismaha maamulka waxaa lagu dhamestirayaa muddo ku siman 60 maalmood gudahood, waxaana fududeynaya xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
7: xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa mas’uul ka ah xaqiijinta, meel marinta, taaba gelinta hishiiska iyo bixinta wixi tasiilaad ah.
8: Shaqada iyo waajibaadka guddiga farsamada waxaa soo diyaarinaya xukuumadda Federaaka Soomaaliya, kuna soo celineysa saxiiixayaasha.
9: Cid alla iyo ciddii carqaladeysa hannaanka geedi socodkan waxaa loo aqoonsanayaa qas wade, waxaana laga qaadi doona tallaabada ku haboon.

 

10: Hishiiskan waxaa si wada jir ah u saxiixaya Guddoomiye yaasha labda Gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe iyo 11-ka Wasiir ee ka soo jeeda labadaas gobol.
11: Saxiixayaasha heshiiskan xirriir lama laha, habka awood qeybsigu noqon doono.

  1. Hishiiskan wuxuu dhaqan gelayaa laga bilaabo maalinta la saxiixo.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen OdowaaΒ  ayaa sheegay in Wasaaraddiisu ka go’an tahayΒ  in muddo cayiman gudahooda ay ku soo gaba-gabeeyso dhisidda maamulka Hiiraan iyo Shabellaha dhexe iyadoo loo marayo wadatshi iyo ka qeyb gelinta dhammaan qeybaha bulshada labada Gobol si loo dhiso maamul Goboleed loo wada dhanyahay.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomalaiya Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu mudda lixda bilood ah ee ay jirtoΒ  horumar ka sameysay dhismaha maamullada dalka. Waxaana Ra’isul Wasaaruhu si gaara farta ugu fiiqay guulhii laga gaaray dhamestirka maamulki Galmudug iyo kan maanta hortiisa lagu saxiixay hishiiski lagu bilaabilahaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gaba-gabadii munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa ku ammaanay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka dhisamahii maamilka Galamudud isagoo sheegay in kalsooni buuxda uu ku qabo in Wasaaraddu ay guulo ka soo hoy doonto maamul dhisidda Gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe muddada 60-ka casho ah ee ay Wasaaraddu cayimtay.

Dhammmaad.

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha Gal Mudug oo soo dhoweeyey heshiiska lagu sameynayo Dowlad Goboleedka gobollada Sh/Dhexe iyo Hiiraan

Next Post
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo ka hadlay qorshaha horyaalla

Madaxweynaha Gal Mudug oo soo dhoweeyey heshiiska lagu sameynayo Dowlad Goboleedka gobollada Sh/Dhexe iyo Hiiraan

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In