Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Gal Mudug oo soo dhoweeyey heshiiska lagu sameynayo Dowlad Goboleedka gobollada Sh/Dhexe iyo Hiiraan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 9, 2015
in Wararka
0
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo ka hadlay qorshaha horyaalla
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

09 August 2015  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliya, Mudane Cabdikarin Xuseen Guled, ayaa soo dhoweeyey saxiixi ishalay ay mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ay kuheshiiyeen in ay sameystaan DowladGoboleed. Madaxweyne Guled ayaa yiri “Heshiiskii shalay waa bilowgii dhismaha Dowlad Goboleedka gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan, waana tallaabo wanaagsan oo nooga wada baahan inaan taageerno,  soodhoweyno, iyo inaan la wadaagno khibradaheena si maamulkaas u noqdo mid u adeega danaha shacabka deegaanadaas.”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka GalMudug ee Soomaaliya Mudane Cabdikarin Xuseen Guled, ayaa sheegay in Gal Mudug ay diyaar u tahay in ay taageerto sidii maamulkaas u dhismi lahaa.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Madaxweyne Guled ayaa yiri “GalMudug waxey diyaar u tahay wax walba si maamulka gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan uu u noqon lahaa mid si qurux badan kudhamaada.

WaxaanaDiyaar Ula Nahay inaan la wadaagno waayo aragnimadii aan kasoo dhaxalnay sameyntii GalMudug.

Sidoo kale waxaan rabnaa in dadka deegaanka gobollada Sh/Dhexe iyo Hiiraan ay muujiyaan tanaasul, dulqaad, Samir iyo in ay danta guud marwalba kahorumariyaan danahagaar-gaarka ah.”

Madaxweynaha Gal Mudug ayaa sheegay in ujeedada dhaqan gelinta nidaamka Federaalka ay tahay in shacabka deegaanka laga qeyb galiyo talada oo awoodaha siyaasada iyo dhaqaalaha la baahiyo lana gaarsiiyo dhammaan deegaanada dalka.

Madaxweyne Guled ayaa yiri “dhammaan Dowlad Goboleedyada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waa in ay si hagar la’aan ah u soo dhoweeyaan islamarkaana ay kaalintooda uga qaataan dhaqan gelinta nidaamka federaalka oo ujeedadiisu tahay in xukunka lagu baahiyo dhammaan deegaanada dalka oo dhan, si loo helo maamulo u adeega shacab.”

Madaxweyne Guled ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey “Gobollada Sh/Dhexe iyo Hiiraan waa gobollo ku yaalla goobo istraatejiyad ah, islamarkaasna leh kheyraad fara badan oo keeni kara in ay isku fillnaadaan oo ay gobollada kale ee dalka miisaaniyadooda kabana

Sidaas daraadeed, Gal Mudug waxey dooneysaa in nidaamka lagu dhisayo DowladGoboleedka uu noqdo mid dadka deegaanka laga wada qeybgeliyo,

Ugu danbeyn madaxweyne guuleed ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Somaliya in ay ilalaiso xuquuqda shacabka ku nool gobolka Bananadir ay u leeyihiin qeybtooda Federaalka, sidoo kalene u sameyso caasimadda dalka Maqaam gooni ah si ay ugu noqoto shacabka Soomalaiyeed caasimad.

 

DHAMAAD

 

Previous Post

AKHRISO-Qodobada hishiiska Maalmul u sameynta Hiiraan Iyo Sh/Dhexe.

Next Post

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo sheegay in dib u habeyn lagu Sameeyay Taliska

Next Post
Taliyaha Ciidanka Asluubta  oo sheegay in dib u habeyn lagu Sameeyay Taliska

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo sheegay in dib u habeyn lagu Sameeyay Taliska

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In