Sunday, February 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso: Taariikh nololeedka Raโ€™iisul Wasaarihii hore ee dalka marxuum Nuur Cade

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka labada Aqal ee Baarlamaanka oo ka tacsiyadeeyay geerida Nuur Cadde
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee magaalada Brussels ee dalka Belgiumka ayaa sharaxaad ka bixiyay taariikhda alla ha u naxriistee raiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade oo dhawaan ku geeriyooday Dalka Ingiriiska.

Ali Mohamed ABUKAR (Ali Wolf)ย  ahna La-taliyaha Koowaad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Brussels (Belgium)ย  ayaa si faah faahsan uga hadlay taariikh nololeedka raiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya marxuum Nuur Xasan Xuseen(Nuur Cade).

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay qarax ka dhacay masjid ku yaalla dalka Pakistan

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

February 8, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌe ๐จ๐จ ๐ ๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐ข๐œ๐๐š ๐œ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š

Halkan hoos ka akhriso taariikh nololeedkiisaย  qoraal ka soo baxay safaaradda Soomaaliya ee Dalka Belgiumka.ย 

ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย ย ย  ย  ุจุณู… ุงู„ู„ู‡ ุงู„ุฑุญู…ู† ุงู„ุฑุญูŠู…

ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย TACSI

Anigooย  ah Ali Mohamed ABUKAR (Ali Wolf)ย  ahna La-taliyaha Koowaad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Brussels (Belgium)ย  oo ku hadlaya magaceyga iyo magaca Safaaraddaba waxaan halkaan ugu tacsiyadeynayaa maanta oo Arbaca ah, Taariikhduna tahay 01/04/2020 dhammaan Ummadda Somaaliyeed meelwalboo ay ku sugan yihiin, geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Ilaahey ha u naxariistee Danjire Nuur Xasan Xusseen โ€œNuur Caddeโ€ oo uu maanta Allah ku oofsaday isbitaal ku yaalla magaalada London (UK) isagoo u geeriyooday cudurka adduunyada ku faafay ee loo yaqaano Coronavirus oo uu muddo todobaad ka badan ugu jiray isbitaalkaas.

Marxuum Danjire Nuur Cadde, wuxuu ku dhashay magaalada Moqdisho, dalka Soomaaliya, sannadkii 1938.

Wuxuu ahaa Masโ€™uul jagoojin sare oo kala duwan u soo qabtay dalkiisa iyo dadkiisa.

Sidaas darted, waxaan u daayay dadka kale ee iiga sii xogoggaalsan taariikh nololeedkiisa wixii ka horreeyay intuusan noqon Safiirkii ugu horreeyay ee dib loogu soo magacaabo Safaarada hoos ku qoran.

Run ahaantii, Marxuumku wuxuu ku guuleystay inuu dib u furo Xafiisyadii Safaaradaha Soomaaliya ee Roma iyo Brussels oo muddu 20 sano ku dhaw aad ah lbaabada leyskugu dhiftay. Waxaana soo magacaabay Dowladdii Ku-meelgaarka ahayd ee Madaxweyne ย ย ย  Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Marxuumku wuxuu muddo 4 sano ah (Sebtember 2009ย  ilaa iyoย  Sebtember 2013) isku haayay Safaaradda Talyaaniga iyo Safaaradda Beljamka isagoo isla markaasna ahaa Madaxa Ergeyada Dibloomaasiyiinta Soomaaliyeed ee Midowga Yurub.

Allaha u naxariistee, wuxuu ahaa shakhsi , islaweynin aan ku jirin, aad u karti badan, hal abuur leh, dadaal badan, aragti dheer adkeysigiisuna aad u badan yahay.

Run ahaantii, waxaan kaloo lagamamaarmaan inaan xuso waxyaabihii aan ka dhaxlay oo aan la soo koobi Karin sida dulqaadka faraha badan,ย  waayaargnimadiisa dhaxalgalka ah, foojignaantiisa joogtada ah, neceebka qabyaaladda iyo hoggaaminta tuusan iwm

Marxuumku wuxuu ka baxay Kuliyadda Sharciga oo ka tirsan Jaamacadda Ummadda Soomaaliya iyo Academiyaal sarsare oo dalka dibaddiisa ah, wuxuuna si fiican ugu hadli jiray afafka Soomaaliga, Talyaaniga iyo Ingiriiska.

ุงู†ุง ู„ู„ู‡ ูˆุงู†ุง ุงู„ูŠู‡ ุฑุงุฌุนูˆู†.

Waxaan marxuumka Allah uga baryayaa inuu qabrigiisa waasic uga dhigo, u iftiimiyo una udgooneeyo. Sidoo kale waxaan ugu doceynayaa inuu Allah Suโ€™aasha iyo siraadkana u fududeeyo, dambigiisa cafiyo Jannadiisa Firdowsana ka waraabiyo.

Waxaan kaloo u rajeynayaa Ummadda Soomaaliyeed meelwalbo ay joogaanย  inuu Allah samir iyo iiman suubban ka siiyo, gaar ahaan Xaaskiisa, Caruurtiisa,ย  Qaraabdiisa iyo Assaxaabtiisa.

Ugu dambeyntii, waxaan ka codsanayaa dhammaan cid allaale ciddiiย  ay wadashaqeyn dhex martay Marxuum Nuur Xassan Xussein inuu iska cafiyo una doceeyo, Ajir iyo Xasanaad aan la soo koobi Karin Allahaย  ka siiyee.

Ali Mohamed ABUKAR

La-taliyaha Koowaad ahna Sii-hayaha

Source: SONNA

Previous Post

Ciidamado ka tirsan daraawiishta Puntland oo tababar loo soo xiray โ€œSAWIRROโ€

Next Post

Guddiga-Wadajirka ee diyaarinta xeerarka Dhammaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo hakiyay shaqadooda โ€œSAWIRROโ€

Next Post
Guddiga-Wadajirka ee diyaarinta xeerarka Dhammaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo hakiyay shaqadooda โ€œSAWIRROโ€

Guddiga-Wadajirka ee diyaarinta xeerarka Dhammaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo hakiyay shaqadooda โ€œSAWIRROโ€

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay qarax ka dhacay masjid ku yaalla dalka Pakistan

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

February 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Sabti, 7-da February, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho shaqo...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌe ๐จ๐จ ๐ ๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐ข๐œ๐๐š ๐œ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌe ๐จ๐จ ๐ ๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐ข๐œ๐๐š ๐œ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š

February 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayo soo bandhigidda iyo dardargelinta Biyo-Mareenka...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo qaabilay wafdi ka socday Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo qaabilay wafdi ka socday Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

February 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Muqdisho, Sabti, 07 Febraayo 2026: โ€“ Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta...

Agaasimaha Nabad Sugidda Soomaaliya oo ka qayb galay Shirka 7aad ee Madaxda Hay’adaha Sirdoonka Dalalka Carabta

Agaasimaha Nabad Sugidda Soomaaliya oo ka qayb galay Shirka 7aad ee Madaxda Hay’adaha Sirdoonka Dalalka Carabta

February 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO(CIRAAQ):-Agaasimaha Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA) Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa ka qaybgalay fadhiga 7-aad ee Shirka Madaxda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In