Monday, April 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso: Taariikh Nololeedkii Marxuum Cumar Carte Qaalib

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cumar Carte Qaalib ,  waxa  uu ku dhashay  magaalada Hargeysa  sannadkii 1930 , waxaana uu waxbarashada hoose/dhexe uu ku qaatay Hargeysa , waxa la sheegay in uu ka  baxay dugsi sare oo ku yaalla magaalada Cadan  ee dalka Yemen, markii dambe waxa  uu wax ku bartay Jaamacada Bristol ee dalka  Ingiriiska .

Related posts

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026

Markii uu soo laabtay 1950-yadii  waxa  uu maamule ka noqday dugsi ku yaalla magaalooyinka  Laascaanood , Hargeysa  iyo Berbera , Ingiriiska  ayuu ku noqday sannadkii 1956   isaga oo takhasus ku sameeyay waxbarashada sare ,  waxa  uu soo laabtay sannadkii 1958   oo loo magacaabay maamule ku xigeenka  dugsigii dhexe ee  Sheekh , markaa dib  waxa  uu maamule ka noqday dugsi hoy ahaa oo ku yaalla magaalada Gabileey.

Waxa  uu ka  tirsanaa  xisbi la odhan jiray United Somali Congress, markii ay Somaliland Ingiriiska  madaxbanaanida ka heshay 26 June 1960  , waxa uu ka mid ahaa raggii siyaasada majaraha u hayey .

Inta uusan dhalan kacaanka waxa uu noqday Danjiraha Ethiopia ee Soomaaliya.

Markii kacaanku la wareegay talada Soomaaliya , waxa loo magacaabay Wasiirka  arrimaha dibeda 1969 , waxa  uu noqday Madaxweynaha  golaha  ammaanka  ee Qaramada Midoobay 1972 ,  sannadkii 1974 waxa  uu Soomaaliya  ku daray ururka Jaamacada  Carabta .  Waxa  uu xilka Wasiirka  arrimaha hayey illaa 1977.

Dabayaaqadii 77-kii waxa uu noqday Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare Soomaaliya, isagoo noqday guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka Qaranka.

7 June 1982,  Cumar Carte Qaalib iyo 6  siyaasi oo kale, kuwaasi oo kala ah

  1. Sareeyo Guuto Ismaaciil Cali Abokor
  2. Sareeyo Gaas Cumar Xaaji Masale
  3. Gaashaanle Sare Cismaan Maxamed Jeelle
  4. Warsame Cali Faarax (Warsame Juquf)
  5. Maxamed Yuusuf Weyrax iyo
  6. Maxamed Aadan Shekh, ayaa laga qaaday xilalkii ay ka hayeen dawladda iyo xisbigii hanti-wadaaiga kacaanka Soomaaliyeed , waxaana 7 Febuary ee sannadkaasi maxkmada la soo taagay Cumar Carte iyo Madaxweyne ku xigeenkii saddexaad Ismaaciil Cali Abokor . Cumar lagu xukumay dil 1989 ka dib toddobo sanno oo uu  xirhnaa  , laakiin dilkiisa waxa  baajiyay cadaadis ka yimid beesha caalamka iyo ururada  u dooda xuquuuqda aadamaha , waxaana  loogu badelay xabsi.

Waxa  lagu hayey  xabsi guri uu ku jiray laba sanno , bishii January 1991 , ayaa Allaha u naxariistee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre u macaabay Ra’iisal Wsaare si uu  u soo dhiso dawladd wada hadal la gasha mucaaradkii USC oo gudaha  u soo galay  magaalada Muqdisho. Maxamed Siyaad Barre , waxa  xukunka laga tuuray 26 January 1991.

Markii ay  dawladdu sii burburaysay  , waxa  uu ugu baaqay ciidamadu  in ay hubkoodu ku wareejiyeen  jabhadaha  dagaalka kula jiray , waxaana  uu arkayey taasi xal nabad horseedi kara  oo colaadaha la isku afjaro.

Garabkii siyaasada ee jabhadii USC , ayaa Cali -Mahdi Maxamed u doortay Madaxweyne , waxaana  uu isna  Ra’iisal Wsaare u magaacabay Cumar Carte Qaalib , oo jagadaasi hayey  illaa bishii May 1993.

1993 ,waxa uu ka qayb galay shirkii beelaha Somaliland ee magaalada Boorama, waxaana uu tartamay Madaxweynimo.

Somaliland ayuu ku soo laabtay sannadkii 2002, isaga oo madax ka noqday ururkii Hormood , oo ka qayb galay  doorashadii dawladaha  hoose ee bishii December , ururkaasi ayaan ka mid noqon saddexdii xisbi ee ka soo baxay doorashadaasi .

Carte dadka  yaqaanaa , waxay ku tilmaameen in uu ahaa siyaasi karti  badan oo qunyar socod  ah , waxaana uu ahaa nin isku kalsoon hankiisu sareeyo.

W/D: Xasan Abuukar Cali (Xasan Baydhabo)

 

 

 

 

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey Geerida -Alle ha u naxariistee- Ra’iisul Wasaare Cumar Carte Qaalib

Next Post

Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo qoraal ka soo saartay rabshadaha ka socda Uganda

Next Post
Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo qoraal ka soo saartay rabshadaha ka socda Uganda

Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo qoraal ka soo saartay rabshadaha ka socda Uganda

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

Qaar kamid ah Wasiirrada XFS oo maanta shacabka reer Baydhaba kulan kula qaatay gudaha magaalada

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHAB):-Qaar ka tirsan Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhaba, ayaa maanta kulamo kala duwan kula qaatay...

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

Kumaandooska Danab oo hawlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno dhaca gobolka Baay

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ururka 165-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Degmada Buurhakaba...

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaashay Dhaqanka KGS

April 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay qaybo ka mid ah Odayaasha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In