Saturday, September 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso: Tariikhda kooban,Allaha u naxariistee Dr. Xaawo Cabdi

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Akhriso: Tariikhda kooban,Allaha u naxariistee Dr. Xaawo Cabdi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Allaha u naxariistee,Dr. Xaawo Cabdi Dhiblaawe waxey ku dhalatay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka gaar ahaan degmada Cabdicasiis sannadkii 1947-dii.

Dr. Xaawo waxbarashadeedii dugsiga dhexe iyo sare waxay ku qaadatay magaalda Muqdisho, August 28, 1964-kii ay u amba-baxday dalka dibaddiisa oo ay culuumta caafimaadka kasoo diyaarisay waddamada Yaman,Masar iyo Ruushka.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo soo dhaweyn hoygiisa ugu sameeyay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi oo dalka dib ugu soo laabtay

Wasiirka Warfaafinta oo soo dhaweyn hoygiisa ugu sameeyay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi oo dalka dib ugu soo laabtay

September 5, 2026
Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026

Sannadkii 1971-dii ayay dib ugu soo laabatay dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho, iyadoo shaqo ka billowday isbitaalladii dalka ka jiray waqtigaas oo ay ka mid ahayeen Digfeer, Madiina.

Dr.Xaawo Cabdi Dhiblaawe ayaa sidoo kale muddo 14-sano ah barre ka aheed kulliyada culuumta caafimaadk ee jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Burburkii kaddib Dr. Xaawo waxay dareentay in xaalad adag ay ka jirto qeybo ka mid ah dalka gaar ahaan deegaannada ku hareereysayn Caasimadda, waxayna xilligaas bilowday in ay sameeyso Isbitaal ugaar ah Haweenka, waxayna qolyar oo ay dumarku ku umulaan ka furtay inta u dhaxeyso Muqdisho iyo Afgooye oo hadda loo yaqaano degaanka Xaawo Cabdi.

Allaha u naxariistee, Dr. Xaawo Cabdi kuma ekaan kaliya isbitaal in ay halkaas ka hirgeliso ee waxay dib u dejin u sameysay qoysas kusoo barakacay deegaanka ay isbitaalka ka furtay oo ugu dambeyn iyada loogu magac daray.

Isbitaalka Xaawo Cabdi oo noqday mid ballaaran, kaas oo loogu adeegayay shacabka Soomaaliyeed xilliyadii adkaa illaa hadda iyo dhaqaatiir badan oo dalka iyo dibadda ku leh isbitaallo ayaa ka mid ah raadadka muuqda ee Allaha u naxariistee Dr. Xaawo Cabdi oo xalay ku geeriyootay magaalada Muqdisho.

Qore: Sayid Cumar Sheekh Ismaaciil

Isha:wareysi goor hore ay siisay SNTV

Previous Post

Shir looga tashanayay qorshaha horumarinta biyaha Galmudug oo lagu qabtay Dhuusamareeb+SAWIRRO

Next Post

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo daah-furay tababbar lagu baranayo jiheynta awood dhiska aqooneed+SAWIRRO

Next Post
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo daah-furay tababbar lagu baranayo jiheynta awood dhiska aqooneed+SAWIRRO

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo daah-furay tababbar lagu baranayo jiheynta awood dhiska aqooneed+SAWIRRO

Wasiirka Warfaafinta oo soo dhaweyn hoygiisa ugu sameeyay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi oo dalka dib ugu soo laabtay

Wasiirka Warfaafinta oo soo dhaweyn hoygiisa ugu sameeyay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi oo dalka dib ugu soo laabtay

September 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa hoygiisa qado sharaf iyo soo...

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In