Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso: War-murtiyeedka ka soo baxay shirki madasha hoggaanka Qaran

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Akhriso: War-murtiyeedka ka soo baxay shirki madasha hoggaanka Qaran
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madasha Wada-tashiga Hoggaanka Qaran (MHQ) oo kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 07-08 Deseember 2016-ka, ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka.

Kulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cumar Carte; Madaxweynaha Koonfur-Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan; Madaxweynaha Galmudug Cabdikarin Xuseen Guuleed; Madaxweynaha Hirshabele, Cali Cabdulahi Cosoble; iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Eng. Cabdihakin Cabdullahi Camey.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Ujeeddada shirkani waxay ahayd in la qiimeeyo arrimaha qabsoomay iyo in la dhammeystiro arrimaha qabyada ka ah hirgelinta hannaanka doorashooyinka qaran ee 2016-ka.

Kulanka Furitaanka:

1. Madaxweynaha: Ayaa soo dhoweeyey dhammaan ka qaybgalayaasha si gaar ahna uga mahadceliyey Beesha caalamka. Madaxweynaha wuxuu hoosta ka xariiqay in muddada la haysyto ay aad u kooban tahay loona baahan yahay in si wadajir ah loogu guntado dhamaystirka howlaha doorashooyinka waqtiga oo aad u kooban awgeed.

2. Ergayga Gaarka ah ee Qaruumaha Midoobay; Mr. Michael Keating:oo hadal gaaban ka jeediyey furitaanka madasha ayaa bogaadiyay hogaamiyeyaasha madasha. Waxaa uu sidoo kale u mahadceliyay gudiyadda doorashooyinkka heer gobol iyo heer Federal sida habsamidda leh ay u fuliyeen howlaha Doorashooyinka dadban. Ergayga Gaarka ah waxuu mar kale Madasha u xaqiijiyay in beesha caalamku ay diyaar ula tahay taageero buuxda kuna dadaali doonaan in waxa walba waqtigeeda lagu bixiyo.

3. Dhameysirka geeddi-socodka doorashada

3.1. Madashu waxaay isla waafaqday in la dardargeliyo dhameystirka howlaha ka harsan doorashooyinka. Iyadoo taa laga ambaqaadayo ayaa waxaa ay isla meel-dhigeen qodobban:

a. In dhammaan kuraasta doorashadooda harsan tahay si degdeg ah loo soo dhameystiro.

b. Xildhibaanada loo soo doortay labada Aqal ee BFS ay ugu dambeyn 14.12.2016 u soo galaan Muqdisho si loo dhameystiro diiwaangelintooda.

c. Munaasabadda lagu furayo Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 10-aad ee JFS, kulankiisa wadajirka ah oo lagu dhaarinayo Xildhibaanada labada Aqal waa in la qabtaa 15.12.2016.

3.2. Haddii Baarlamaanka Federaalka si kale u guddoonsan:

a. In Guddoomiyeyaasha labada Aqal iyo Ku-xigeennadooda la doorto 22ka Diseembar 2016; iyo

b. In Doorashada Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la qabto 28ka Diseembar 2016.

1. Ansixin habraac ku-meel-gaarka muddada kala guurka.

4.1. Madasha waxay ansixisay habraaca ku-meel-gaar ah iyo Xeer-Hoosaadka u gaarka muddada kala guurka Baarlamaanka 9-aad iyo Baarlamaanka 10-aad ee cusub uu soo diyeeriyey Guddiga Farsamada iyo khubarada BFS.

4.2. Habraacan oo ansixin loo horgeyn doono Baarlamaanka Federaalka waxaa lagu maareyn doonaa:

a. Qabashada Kulanka 1-aad ee wadajirka lagu dhaarin doono xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee la soo doortay;

b. Doorashada Guddoonka iyo Ku-xigeennada labada Aqal ee BFS; iyo

c. Doorashada Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

5. Xallinta saamiga Aqalka Sare Gobollada Sool iyo Sanaag.

5.1. Madashu waxay si qottodheer u falanqaysay arrinta ku saabsan saamiga ay Gobollada Sool iyo Sanaag ee Soomaaliland ku yeelanayaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

5.2. Madashu waxay guddoonsatay in shir ay u wada dhan yihiin Madaxda Madasha lagu qabto Muqdisho 13ka Diseembar 2016 si arrinka saamiga ay labadan gobol ku yeelanayaa Aqalka Sare laysula meeldhigo.

1. Baaq iyo Bogaadin

6.1. Madaxda Madasha ayagoo aad u qaddariyey howlaha ay fuliyeen Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad-Goboleed iyo Gudiiga Xallinta Khilaafaadka waxay ku bogaadiyeen xowliga ay ku fuliyeen iyo mihnadyananimada ay ilaa heerkan ku soo gaarsiiyeen dardargelinta doorashooyinka dadban 2016 ee loo xilsaaray.

6.2. Madashu waxay mar kale hoosta ka xariiqeysaa xurmeynta madaxbannaanida Guddiyada kala duwan ee loo xilsaaray hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee 2016. Waxaase looga boorinayaa gudiyadau in ay raacaan habraacyada ay Madashu horay u ansixisay ee qeexaya fulinta xilalka iyo waajibaadka loogu xilsaaray xeerarka Guddi walba lagu dhisay.

6.3. Madashu waxay sidoo kale bogaadin iyo mahad ballaaran u jeedineysaa dhammaan Taliyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil-xigeenka iyo dableyda Ciidammada Qalabka Sida, sida wacan oo daljirnimada ku dheehan ay u sugeen amniga umadda iyo nidaamka doorashooyinka. Madashu waxay dhammaan Hay’adaha Amniga iyo dadweynaha ugu baaqeysaa in ay joogteyaan iskaashiga iyo dadaalka sugidda amniga iyo difaaca Dowladnimadeena.

1. Madashu waxay si gaar ah ugu mahadcelineysaa Beesha Caalamka

tixgelinta gaarka ah u siineyso arrimaha horumarinta Soomaaliya iyo taageerada ay had iyo jeer la garab taagan yihiin Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Previous Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyey geeridii Marxuum Jeneral Maxamud Maxamed Guled

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In