Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso:- War-murtiyeedka ka soo baxay shirki madasha wadatashiga ee Baydhabo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
June 25, 2016
in Wararka
0
Daawo Sawirrada: Madaxweynaha oo si rasmi ah Baydhabo uga furay shirka madasha wadatashiga Qaran
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madasha Hoggaanka Qaran ayaa kulan ku yeelatay magaalada Baydhabo 22-25 Juun 2016. Kulanka oo uu shir-guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayna ka soo qayb galeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte,Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas, Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo Madaxweynaha Galmudug, Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed.

1. Madasha Hoggaanka Qaran waxay mahad celin iyo ammaan u jeedinayaan shacabka iyo Dowladda Koonfur Galbeed soo dhoweynta iyo marti-gelinta shirka Madasha Qaran.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

2. Madashu waxay dib-u-eegis ku sameysay xubnaha iyo qaab-dhismeedka Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee 2016.

3. Waxay mar labaad ku celisay in la sameeyo khariidad-siyaasadeed qeexan oo 2016 ilaa 2020, si loo xaqiijiyo gaaritaanka doorashooyin leh halbeeg caalami ah (qof iyo cod) oo dhaca marka la gaaro 2020.

4. Madashu waxay mar kale ku celisay in ay ka go’an tahay xaqiijinta ka-qaybgalka siyaasadeed ee dumarka iyo metelaaddooda. Sidoo kale, Madashu waxay isku raacday in la qaado tallaabooyin dheeraad ah oo kor loogu qaadayo ka-qaybgalka dumarka iyo metelaaddooda. Madashu waxay soo dhawaynaysaa howlaha guddiga heerka qaran ee u ololeynaya taabba-gelinta iyo xaqiijinta in la gaaro qoondada loo xaddiday dumarka Soomaaliyeed (30%).

5. Waxay dhammaystireen, saxiixeenna liiska rasmiga ah ee Odayaasha Dhaqanka 135-ka ah ee doorashada 2016.

6. Madashu waxay magacawday guddi ka soo talo bixiya metelaadda iyo maqaamka caasimadda Muqdisho/Gobolka Banaadir. Guddigu wuxuu ka kooban yahay 19 xubnood oo shan ka mid ah ay soo magacawday Dowladda Federaalka, halka dowlad goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir ay soo magacaabeen min laba xubnood. Guddigu wuxuu talo bixintiisa soo gudbinayaa 17ka Luulyo 2016.

7. Madashu waxay isku raacday miisaaniyad faahfaahsan iyo jadwal howleed waqtiyeysan oo suurta gelinaya in doorashadu ku qabsoonto waqtigii loogu tala galay.

8. Madashu waxay kaloo isku raacday in doorashada 2016 ee xubnaha Baarlamaanka Federaalka ee beelaha deggan Somaliland ay yeelato hannaan gaar ah. Si taas loo hirgeliyo, Madashu waxay isku raacday in loo saaro guddiyo ka soo shaqeeya hannaanka loo marayo hirgelinta doorashada xubnaha Baarlamaanka Federaalka ee beelaha deggan Somaliland.

9. Madashu waxay isku raacday in laba xubnood oo dheeri ah loogu daro Aqalka Sare beesha Reer Banaadiriga.

10. Madashu waxay ansixisay qaab-dhismeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed si waafaqsan nidaamka federaalka.

11. Madashu waxay dib-u-eegis ku sameysay shaxda Golaha Shacabka, waxayna saddex kursi oo beesha Harti/Daarood iyo hal kursi oo beesha Madaluug/Dir u wareejisay Jubbaland.

12. Waxay ku heshiisay in shirkeeda soo socda lagu qabto caasimadda Muqdisho 17-20ka bisha Luulyo 2016.

13. Waxay uga mahad celineysaa saaxiibada beesha caalamka sida ay ugu heellan yihiin in ay taageeraan diyaarinta iyo hirgelinta hannaanka doorashada 2016, waxayna ku boorrinaysaa ka mira-dhalinta iyo oofinta balanqaadkoodii taageero ee dhaqaale.

Previous Post

Madaxweynaha Turkiga oo la afura bulshada iyo ciidamada dalkiisa+Sawirro

Next Post

Madaxweynha Galmudug oo lagu soo dhaweeyay Cadaado

Next Post
Madaxweynha Galmudug oo lagu soo dhaweeyay Cadaado

Madaxweynha Galmudug oo lagu soo dhaweeyay Cadaado

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In