Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso Warbixin uu soo saaray guddi madax banaan oo loo saaray hubinta eedaha guddiga la socodka Soomaaliya iyo Ereteriya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Akhriso Warbixin uu soo saaray guddi madax banaan oo loo saaray hubinta eedaha guddiga la socodka Soomaaliya iyo Ereteriya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Raisul-wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke wuxuu 4ta Sebtember 2015 u magacaabay Guddi Madax Banaan oo ka kooban 5 qof inay baaritaan iyo hubin ku sameeyaan eedaymaha ay Kooxda la Socodka Soomaaliya & Eriteriya ee Qaramada Midoobay u soo jeediyeen Wasaaradda Batroolka & Macdanta.

Kooxda La Socodka Soomaaliya & Eriteriya waxa ay ku sheegeen warbixintooda in Wasaaradda si qaldan u maamushay heshiiska tayeynta shaqaalaha (Capacity Building Agreement) ee ay la gashay shirkadda SOMA Oil & Gas, bishii Abriil 2014.
Hadaba Guddiga Madaxa bannaan ee Raisulwasaaruhu magacaabay waxaa loo xilsaaray inay sameeyaan baaritaan la xiriira eedaynta isla markaasna ay soo saaraan warbixin ku saleysan wixii ay kala kulmaan baarista iyo soona sameeyaan talo bixin.

Hadaba Guddigu waxa uu sameeyay baaris qoto dheer oo ay qeyb ka aheyd inay wareystaan dadkii laga shaqaaleysiiyay heshiiska mashruuca tayeynta wasaaradda, waxayna soo saareen warbixin faahfaahsan oo ka hadlaysa dhammaan wixii ay la kulmeen.

Guddiga waxa ay warbixintooda ku sheegeen in marka laga hadlayo arimaha shidaalka in ay caadi tahay in shirkadaha caalamiga bixiyaan taakuleyn tayeynta shaqaalaha. Guddigu ma helin wax caddeynaya in Wasaaraddu ay wax kaga baddelatay shirkadda SOMA O&G heshiiska tayeynta sida ay sheegeen Kooxda la Socodka Soomaaliya & Eriteriya.

Intaa waxaa sii dheer inay Guddigu ogaadeen in Wasaaradda si wanaagsan oo daacadnimo leh u dalbatay mashruuca tayeynta iyadoo aysan jirin wax naas-nuujin ah oo la siiyey shirkadda SOMA O&G.

Ujeedada Wasaaraddu waxay ahayd inay u hesho lacag si ay u hesho khubaro kuhabboon oo ka shaqeeya howlaha muhiimka ah ama u sii haysato khubaradii horey ugu joogay.

Sidoo kale Guddiga ma helin wax cadaynaya in Wasaaraddu dib u eegis ku sameysay Heshiiska Wadaaga Soosaarka (Production Sharing Agreement) ayada loogu naxaarisanayo SOMA, Wasaaradda hadda ayay wadaa diyaarinta Heshiiska Wadaaga Soosaarka iyo shuruucda kale ee hagaysa shidaalka.

Marka la eego u ogolaanshaha Soma in ay balaadhiso aagga sahanka, Guddiga waxa uu helay in arintaan aanay ku jirin heshiiskii hore sidoo kale Guddiga ma helin wax cadaynaya isku dayga balaadhinta la sheegay.

Gudigu wuxuu dib u eegis ku sameeyey eedaynta ku aaddan qolka keydinta xogta Joolijiyadeed (Data Room) iyagoo ogaaday in uu socdo dhismaha loogu tala galay qolka keydinta xogta isla markaana dhaqaalaha ay SOMA ku bixisay uu ku jiro xisaabta Wasaaradda.

Gudigu waxay ku taliyeen in la dedejiyo qaabeeyaha sharciyeed (legal framework) iyo ku dhaqanka sharciga shidaalka Soomaaliya, iyadoo loo marayo dhisidda Shirkadda Shidaalka Soomaaliya (Somali Petroleum Corporatoion), dhameystirka Heshiiska Soosaar Wadaaga (Production Sharing Agreement), howlgelinta Hay’adda Nidaaminta Shidaalka (Somali Petroleum Authority), dhameystirka heshiiska wadaagga dakhliga kheyraadka dabiiciga ah ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka.

Wasaaradda Batroolka & Macdanta, JFS, waxay si buuxda u aqbashay waxyaabaha u soo baxay Gudiga, waxayna diyaar u tahay inay ka howlgasho fulinta talo-soo-jeedinta ku soo baxday warbixinta Gudiga Baarista ee madaxa bannaan. Wasaaraddu waxay u diyaarsan tahay inay u gudato howlaheeda si xilkasnimo iyo isla xisaabtan ku fadhida.

Previous Post

Ra’iisul wasaaraha oo gaaray Gaalkacyo, kuna baaqay joojinta colaadda

Next Post

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo lagu soo dhaweeyay Garoowe “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo lagu soo dhaweeyay Garoowe “SAWIRRO”

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo lagu soo dhaweeyay Garoowe "SAWIRRO"

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In