Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso Warbixin uu soo saaray guddi madax banaan oo loo saaray hubinta eedaha guddiga la socodka Soomaaliya iyo Ereteriya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Akhriso Warbixin uu soo saaray guddi madax banaan oo loo saaray hubinta eedaha guddiga la socodka Soomaaliya iyo Ereteriya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Diyaaradaha Yuhuudda oo duqeeyay Falastiin

Deegaanka Jabad Godone oo lagu duqeeyey Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta.

January 13, 2026
Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026

Raisul-wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke wuxuu 4ta Sebtember 2015 u magacaabay Guddi Madax Banaan oo ka kooban 5 qof inay baaritaan iyo hubin ku sameeyaan eedaymaha ay Kooxda la Socodka Soomaaliya & Eriteriya ee Qaramada Midoobay u soo jeediyeen Wasaaradda Batroolka & Macdanta.

Kooxda La Socodka Soomaaliya & Eriteriya waxa ay ku sheegeen warbixintooda in Wasaaradda si qaldan u maamushay heshiiska tayeynta shaqaalaha (Capacity Building Agreement) ee ay la gashay shirkadda SOMA Oil & Gas, bishii Abriil 2014.
Hadaba Guddiga Madaxa bannaan ee Raisulwasaaruhu magacaabay waxaa loo xilsaaray inay sameeyaan baaritaan la xiriira eedaynta isla markaasna ay soo saaraan warbixin ku saleysan wixii ay kala kulmaan baarista iyo soona sameeyaan talo bixin.

Hadaba Guddigu waxa uu sameeyay baaris qoto dheer oo ay qeyb ka aheyd inay wareystaan dadkii laga shaqaaleysiiyay heshiiska mashruuca tayeynta wasaaradda, waxayna soo saareen warbixin faahfaahsan oo ka hadlaysa dhammaan wixii ay la kulmeen.

Guddiga waxa ay warbixintooda ku sheegeen in marka laga hadlayo arimaha shidaalka in ay caadi tahay in shirkadaha caalamiga bixiyaan taakuleyn tayeynta shaqaalaha. Guddigu ma helin wax caddeynaya in Wasaaraddu ay wax kaga baddelatay shirkadda SOMA O&G heshiiska tayeynta sida ay sheegeen Kooxda la Socodka Soomaaliya & Eriteriya.

Intaa waxaa sii dheer inay Guddigu ogaadeen in Wasaaradda si wanaagsan oo daacadnimo leh u dalbatay mashruuca tayeynta iyadoo aysan jirin wax naas-nuujin ah oo la siiyey shirkadda SOMA O&G.

Ujeedada Wasaaraddu waxay ahayd inay u hesho lacag si ay u hesho khubaro kuhabboon oo ka shaqeeya howlaha muhiimka ah ama u sii haysato khubaradii horey ugu joogay.

Sidoo kale Guddiga ma helin wax cadaynaya in Wasaaraddu dib u eegis ku sameysay Heshiiska Wadaaga Soosaarka (Production Sharing Agreement) ayada loogu naxaarisanayo SOMA, Wasaaradda hadda ayay wadaa diyaarinta Heshiiska Wadaaga Soosaarka iyo shuruucda kale ee hagaysa shidaalka.

Marka la eego u ogolaanshaha Soma in ay balaadhiso aagga sahanka, Guddiga waxa uu helay in arintaan aanay ku jirin heshiiskii hore sidoo kale Guddiga ma helin wax cadaynaya isku dayga balaadhinta la sheegay.

Gudigu wuxuu dib u eegis ku sameeyey eedaynta ku aaddan qolka keydinta xogta Joolijiyadeed (Data Room) iyagoo ogaaday in uu socdo dhismaha loogu tala galay qolka keydinta xogta isla markaana dhaqaalaha ay SOMA ku bixisay uu ku jiro xisaabta Wasaaradda.

Gudigu waxay ku taliyeen in la dedejiyo qaabeeyaha sharciyeed (legal framework) iyo ku dhaqanka sharciga shidaalka Soomaaliya, iyadoo loo marayo dhisidda Shirkadda Shidaalka Soomaaliya (Somali Petroleum Corporatoion), dhameystirka Heshiiska Soosaar Wadaaga (Production Sharing Agreement), howlgelinta Hay’adda Nidaaminta Shidaalka (Somali Petroleum Authority), dhameystirka heshiiska wadaagga dakhliga kheyraadka dabiiciga ah ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka.

Wasaaradda Batroolka & Macdanta, JFS, waxay si buuxda u aqbashay waxyaabaha u soo baxay Gudiga, waxayna diyaar u tahay inay ka howlgasho fulinta talo-soo-jeedinta ku soo baxday warbixinta Gudiga Baarista ee madaxa bannaan. Wasaaraddu waxay u diyaarsan tahay inay u gudato howlaheeda si xilkasnimo iyo isla xisaabtan ku fadhida.

Previous Post

Ra’iisul wasaaraha oo gaaray Gaalkacyo, kuna baaqay joojinta colaadda

Next Post

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo lagu soo dhaweeyay Garoowe “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo lagu soo dhaweeyay Garoowe “SAWIRRO”

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo lagu soo dhaweeyay Garoowe "SAWIRRO"

Diyaaradaha Yuhuudda oo duqeeyay Falastiin

Deegaanka Jabad Godone oo lagu duqeeyey Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta.

January 13, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fuliyay howlgal cirka ah oo ka dhacay deegaanka Jabad Godone...

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Marwo Nuura Mustafa Mukhtaar, ayaa ka qeybgashay munaasabadda daahfurka Mashruuca Tamarta la Cusboonaysiin...

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay  Turkiga

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay Turkiga

January 12, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee JFS, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda, Mudane...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

January 12, 2026
0

Wafdi ay hoggaaminayaan Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In