Friday, August 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 4, 2024
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hambalyo ku aaddan xuska maalinta xornimada iyo midnimada dalka u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo, isagoo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Related posts

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

August 15, 2025
Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

August 14, 2025

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabadda xuska sannad guurada 64-aad ee xornimada iyo midnimada dalka, waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay xoojiyaan wadajirkooda, xajistaana dhaxalka awooweyaashood.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan madaxda kale ee qaranka ayaa ka qayb galay aas Qaran oo loo sameeyay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo toddobaadkii hore ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan qado sharaf ah la qaatay mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda Federaalka ku matala gobolada Waqooyi ee dalka ayaa la wadaagay dadaalka ay dowladdu ku bixinayso ka hortaga faragelinta shisheeye iyo ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda Jabuuti iyo guud ahaan shacabka dalkaas, maalinta xoriyadda ee 27-ka Juun.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad lagu xusayay Madaxweynihii Koowaad ee Soomaaliya Alle ha u naxariistee Mudane Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde).

8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saarey digreeto lagu dhisayo Sanduuqa Qaran ee Cimilada, waxaana madaxa xafiiskaasi loo magacaabey Liibaan Daahir Obsiiye.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda qiimaha badan ee 1-da Luulyo ee xornimada dalkeenna.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa daahfuray shirka Guddiga Heer Qaran ee Tallaalka, Ciribtirka Cudurka Dabaysha iyo Madasha Badbaadinta Carruurta Soomaaliyeed.

11- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Masar kala qeyb-galay xuska sannad-guuradii 64-aad ee ka soo wareegatay maalintii xornimada dalka.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu ambabaxay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq,kadib casuumad uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq.

13- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska munaasabadda 1-da Luulyo oo ku beegan 64-sano guuradii ka soo wareegatay xorrnimadii gobolada koonfureed ee dalka Iyo midowgii waqooyi iyo koonfur.

14- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamnka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa furay buugga tacsida ee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Alle ha u naxariistee Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

15- Kalfadhiga shannaad ee Baarlamaanka 11-aad oo furmi doona 6-da Bisha Luulyo 2024.

16- Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid allaha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed marxuum Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

17- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa kula kulmay magaalada Qaahira, dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Mudane Sameh Shoukry, iyagoo wadahadley xoojinta xiriirka labada dal.

18- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Baqdaad ee Jamhuuriyadda Ciraaq uga qayb galay munaasabad lagu xusayay maalinta Saxaafadda Ciraaq oo loo asteeyay markii ugu horeysay oo wargeys laga soo saaray magaalada Baqdaad 1869kii.

19- Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Haji Adam ayaa soo xirey munaasabadda daahfurka Shirka Guddiga heer Qaran ee Tallaalka iyo Ciribtirka Cudurka Dabaysha iyo Madasha Badbaadinta Caruurta Soomaaliyeed.

20- Wasiiru-Dowlaha Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya Maxamed Cabdulqaadir Maxamed (Dhucle) ayaa ka qeyb galay shirka wasiirrada Urur Gobaleedka ISCOS ee Bariga, Koonfurta iyo Waqooyiga Qaaradda Afrika.

21- Dawladda Turkiga ayaa magaalada Ankara ku casuuntay wafdiyo ka socday Soomaaliya iyo Ethiopia si looga wada-hadlo muranka ka dhashay is afgarad beenaadkii ay Ethiopia la gashay maamulka gobollada waqooyiga.

22- Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta kadib howlgal ay ka sameeyeen deegaanno hoos taga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada dhexe.

23- Ciidanka Nabadsugidda ee Galmudug ayaa gacanta kusoo dhigay Maxamed Cismaan Cabdiraxmaan oo ku eedeysan in uu degmada Guriceel ku dilay Liibaan Aadan Ibraahim oo ka mid ahaa dhalinyarada magaaladaas.

Previous Post

Somali Foreign Minister congratulates his new Egyptian counterpart.

Next Post

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

August 15, 2025
0

Madasha Somali Leadership Awards ayaa sanadkan 2025 abaalmarinta hoggaamiyaha ugu wanaagsan ee adeegga bulshada guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka...

Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

August 14, 2025
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa guddoomiyey kulanka sanadlaha ee Garsoorayaasha Heer Federaal iyo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha...

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Laamaha amniga Muqdisho oo soo saaray War-saxaafadeed

August 14, 2025
0

Ciidamada Amniga ee Caasimadda Muqdisho ayaa saaka aroortii hore howlgal isugu jira xaqiijinta amniga iyo la-dagaallanka hubka sharci-darrada ah ka...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah

August 14, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah iyo Hindise...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In