Thursday, May 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 15, 2024
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

. 1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho ku qaabilay Kaaliya Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika Molly Phee oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

2- Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ee Arrimaha Afrika Molly Phee oo ka qeybgaley munaasabad ay labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka ku kala saxiixdeen heshiis is afgarad oo lagu tayeynayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

May 15, 2025
Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

May 15, 2025

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay inuu ka qeybgelayo Shir Madaxeedka Midowga Afrika ee ka dhacaya Addis Ababa, isagoo sheegay in shirkaas uu muhiim u yahay inay Soomaaliya mar kale ku soo bandhigto dhowrista qaranimada iyo madaxbanaanida dalka, kadib markii Ethiopia ay heshiis sharci darro ah la gashey maamulka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Kismaayo kulan ku saabsan hawlgalada ka dhanka ah Al Shabab iyo xaaladda guud ee dalka kula yeeshay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madobe).

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuurgalaya xaaladda amni ee caasimadda ayaa booqday qaar ka mid ah suuqyada ganacsiga magaalada Muqdisho.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dowladda iyo shacabka Isutagga Imaaraatka Carabta uga tacsiyeeyay geerida saraakiil dalkaasi u dhashay oo lagu dilay weerar argagixiso oo Muqdisho ka dhacay.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo amar ku bixiyay in baaritaan lagu sameeyo weerarkii argagixiso ee lagu dilay saraakiil u dhashey Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya oo ka dhacay xerada General Gordan.

8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday Safaaradda Imaaraatka Carabta ee Muqdisho , isagoo u tacsiyeeyay Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi.

9- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan wadatshi ah kula qaatay culimada Soomaaliyeed, isagoo uga warbixiyey mudnaanta uu siinayo in dalka laga xoreeyo argagixisada Al Shabaab, xoojinta midnimada iyo xasilinta dalka.

10- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Xildhibaanada Haweenka ah ee ku jira labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

11- Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo billaabay ka doodista dib u eegista iyo wax ka beddelka afar cutub oo ka mid ah Dastuurka Ku Meel Gaarka ah Ee Soomaaliya.

12- Xildhibaanada Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey in Soomaaliya ku biirto Urur Goboleedka iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee (EAC).

13- Ku-Simaha Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo guddoomiyey shir ku saabsan xoojinta xiriirka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bulshada Soomaaliyeed, kaas oo ay ka qayb galeen hay’adaha kala duwan ee dowladda qaarkood.

14- Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay 10 safiir oo cusub oo ka howlgeli doona qaar ka mid ah dalalka caalamka ee aan wadaagno xiriirka diblumaasiyadeed.

15- Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa uga tacsiyeeyay geerida saraakiisha Imaaraadka ahaa ee ku dhintey weerarkii argagixiso ee ka dhacay xerada General Gordan ee Muqdisho.

16- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo Wasiirka Difaaca Turkiga Yaşar Güler ayaa magaalada Ankara ku kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo iskaashiga dhinaca amniga iyo difaaca labada dal.

17- Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa magaalada Entebbe ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin Caddow.

18- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Muqdisho ku qaabilay Xildhibaanno ka socda labada aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Awdal.

19- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo dalka Isutagga Imaaraadka Carabta uga qeybgalay shir sannadeedka Hey’adaha Maaliyadda Carabta

20- Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Kenya u fadhin doono Soomaaliya Mudane Cyprian Kupay Iringo

21- Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo gaadiid caafimaad ku wareejisay Ciidanka Asluubta iyo Gobolka Banaadir.

22- Wasiirka Dhallinyarada Soomaaliya Mudane Maxamed Barre oo magaalada Dubai uga qeyb galay shirka Wasiirrada Dhallinyarada Wadamada Carabta.

23- Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa gawaarida gargaarka degdegga ah ku wareejiyay Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Jubbaland.

24- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa kulan la qaatay hawlwadeenada Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka.

25- Wasaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa soo saartay qiimaha ay ku xajin doonaan xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkan 2024 oo noqonaya $4,430 dollarka Mareykanka ah.

26- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa hawlgal milateri ka fuliyay galbeedka magaalada Kismaayo, halkaas oo ay ku dileen 27 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabaab.

27- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dilay shan xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabaab oo isku aruursanayey deegaannada kala ah Garas, Ceel Mareer iyo Kurto oo ka tirsan gobolka Bay.

28- Ciidamada Xoogga Dalka iyo shacabka degaanka ayaa howlgal ka dhacay Degmada Ceel Dheer ee Gobolka Galgaduud ku soo qabtay Mowlid Cali Dhuxulow oo ka tirsanaa Khawaariijta Al Shabaab.

29- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ayaa deeq Bini’aadamnimo kala wareegay Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.



Previous Post

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Next Post

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “WAA IN AAN GALNAA KACDOON WAXBARASHO OO SARE LOOGU QAADAYO AQOONTA DADKEENNA EE CULUUMTA BADAHA”.

Next Post
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “WAA IN AAN GALNAA KACDOON WAXBARASHO OO SARE LOOGU QAADAYO AQOONTA DADKEENNA EE CULUUMTA BADAHA”.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “WAA IN AAN GALNAA KACDOON WAXBARASHO OO SARE LOOGU QAADAYO AQOONTA DADKEENNA EE CULUUMTA BADAHA”.

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

May 15, 2025
0

Kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa....

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

May 15, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, xilli...

Danjiraha Soomaaliya ee Jarmalka oo ku soo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga

Danjiraha Soomaaliya ee Jarmalka oo ku soo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga

May 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Jarmalka,Mudane Cabdicasiis Maxamed Maxamuud Farabadan, ayaa xarunta safaaradda ku soo dhaweeyay Wasiiru Dowlaha...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan milatariga

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan milatariga

May 15, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In