Saturday, March 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Akhriso: Warmurtiyeed laga soo saaray heshiis ay wada saxiixdeen Dowladah Soomaaliya iyo Jabuuti

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Akhriso: Warmurtiyeed laga soo saaray heshiis ay wada saxiixdeen Dowladah Soomaaliya iyo Jabuuti
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirrada Boostada iyo Isgaarsiinta ee dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti, Mudane Eng. Cabdi Cashur Xasan iyo Mudane Cabdi Youssouf Sougueh, ayaa si wada-jir ah u soo saaray war-murtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay isku afgarteen labada dhinac.

Ujeeddada booqashada rasmiga ah ee wasiirka iyo wafdigiisa, oo afar cisho qaadatay, ayaa ahayd sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada isgaarsiinta iyo boostada.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee dalka Mareykanka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee dalka Mareykanka

March 14, 2026
Ciidanka NISA oo war kasoo saaray hawlgal lagu dilay xubno iyo horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka NISA oo war kasoo saaray hawlgal lagu dilay xubno iyo horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 14, 2026

      Qodobada ay labada dhinac isla saxiixdeen waxaa ugu waaweyn:

1. Waxa ay labada dal iska kaashan doonaan dhinaca horumarinta xargaha fiber optic ah madaama ay saldhigyo badan ku yaallaan dalka Jabuuti, iyada oo la billaabi doono xiriirrada labada dal iyo shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya iyo Djibouti Telcom oo ku saabsan xarig cusub oo Fibre Optic ah, gaar ahaan xarigga Djibouti African Regional Express (DARE), oo isku xiri doona magaalooyinka Jabuuti iyo Mombasa, isagoo sii maraya dhowr deked oo ku yaalla Soomaaliya.

 

2. Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti, gaar ahaan labada wasaaradood, ayaa waxa ay iska kaashan doonaan horumarinta iyo maamulka Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda labada dal, wadaagista khibradaha iyo aqoonta la xiriirta isgaarsiinta, gaar ahaan dhinacyada isku-xirka gobolka Geeska Afrika, amniga internetka (cyber security), sharciyada isgaarsiinta, maamulka hirarka iyo lambarrada, iwm.

 

3. In la qabto dhowaan shir ay ka soo qeybgalayaan madaxda labada dal, shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya iyo Shirkadda Djibouti Telecom.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Soomaaliya, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay ka dib go’itaankii ugu dambeeyey ee Internetka Soomaaliya in wasaaraddu ay garowsatay in la dardar-geliyo helitaanka khad kale, maadaama aysan suurtogal ahayn in qaran dhan ku tiirsanaado hal xarig.

“Jabuuti waa dal aan wax badan ka faa’iideysan karno. Wuxuu leeyahay illaa 8 xarig oo fiber optic ah. Sidaasi darteed ayaan dooneynaa inaan ka kaashano sidii aan u horumarin lahayn isgaarsiinta iyo internetka Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Cashuur oo ka hadlayay heshiiska.

Previous Post

Daawo Sawiro+Kulan looga hadlayay Horumarinta Waxbarashada ayna ka qeyb galeen Xubno ka tirsan Galmudug oo lagu qabtay Deegaanka Bandiiradley

Next Post

Ma’suuliyiin ka tirsan Maamulka shabeelaha dhexe ayaa ka qeyb galay kulan looga hadlayay Xoojinta Waxbarashada Degmada Mahadaay

Next Post
Ma’suuliyiin ka tirsan Maamulka shabeelaha dhexe ayaa ka qeyb galay kulan looga hadlayay Xoojinta Waxbarashada Degmada Mahadaay

Ma'suuliyiin ka tirsan Maamulka shabeelaha dhexe ayaa ka qeyb galay kulan looga hadlayay Xoojinta Waxbarashada Degmada Mahadaay

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee dalka Mareykanka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee dalka Mareykanka

March 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa faahfaahin ka bixiyay qaraar uu meel mariyay Baarlamaanka gobolka...

Ciidanka NISA oo war kasoo saaray hawlgal lagu dilay xubno iyo horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka NISA oo war kasoo saaray hawlgal lagu dilay xubno iyo horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu beegsaday maleeshiyaad iyo...

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 14, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Qaadaysa Tallaabo Muhiim ah oo ay Kaga Mid Noqonayso Silsiladaha Caalamiga ah ee Macdanta Muhiimka ah

March 13, 2026
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo loo marayo Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta, ayaa saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In