Friday, April 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawiro+Kulan looga hadlayay Horumarinta Waxbarashada ayna ka qeyb galeen Xubno ka tirsan Galmudug oo lagu qabtay Deegaanka Bandiiradley

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawiro+Kulan looga hadlayay Horumarinta Waxbarashada ayna ka qeyb galeen Xubno ka tirsan Galmudug oo lagu qabtay Deegaanka Bandiiradley
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xilli mudooyinkii u danbeeyay deegaanada dowlad gobaleedka galmudug laga dareemayo dadaal loogu jiro sidii loo soo afjari lahaa fikrado qaldan oo laga fahamsiiyay bulshada waxbarashada maadigaa taasoo sababatay in boqalaal kun oo caruur soomaaliyeed ah ay ku waxbarasho seegaan ayaa  deegaanka Bandiiradleey ee Gobalka Mudug oo ka mida deegaanada kasoo kabanaya waxbarasha la aanta  waxaa lagu qabtay kulan looga hadlayay sidii loo hormarin lahaa tacliinta caruurta soomaaliyeed sidoo kalana waalidiinta looga wacyi galinayay qatarta ay ku yeelan karto ubadkooda waxbarasho la’aanta.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka socatay wasaarada waxbaarshada galmudug Aqoonyahano waalidiin iyo arday ayaa waxaa ugu horeyn ka hadalay macalin salaad cali mire oo ka mid ah culuma udiinka deegaankaasi waxaana uu sharaxaad ka bixiyay sanado ka hor waxa laga aaminsanaa waxbarashada maadigaa iyo dadaalka ay usoo galeen in xiligaan horumar waxbaarsho laga dareemo Bandiiradleey macalin salaad waxa uu sheegay in dhibaato fara badan ay kasoo mareen in bulshada ay ka dhaadhiciyaan faa”iidada ay waxbarashadu u leedahay caruurta maadaama bulshada intooda badan sida uu sheegay ay
aaminsanayeen fikrado qaldan oo laga dhaadhiciyay xilli jaahiligii taasoo ahayd  in waxbarashada maadigaa ay  khatar ku tahay diintooda taasoo uu xusay in haatan ay meesha kasii baxeeyso kadib markii bulshada muddo dheer laga wacyi galinayay.

Related posts

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

April 24, 2026
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tagay gobolka Bakool

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tagay gobolka Bakool

April 24, 2026

Hadafka ay ka leedahay wasaarada waxbarashada galmudug wacyi galinta dhanka waxbarida ubadka  ayaa waxaa ka warbixiyay Agaasimaha waaxda
waxbaarshada dadban ee wasaarada waxbaarshada Galmudug Marwo Xabiibo
Maxamuud Cabdi koofuroow oo iyana kulanka ka hadashay waxaana ay sheegtay in sanadihii udanbeeyay ay ku howlanayeen kormeero joogta ah oo ay ku qiimaynayaan xadiga ay haatan gaarsiisan tahay sara ukaca horumarka dhanka waxbaarshada caruurta oo ay ku mareeyeen masuuliyiinta wasaarada guud ahaan deegaanada dowlad gobaleedka Galmudug wasaaraduna ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato sidii waxbarashadu u gaari lahayd caruurta ku nool deegaanada fog fog ee miyigaa si loo dhiso mustaqbalka caruurta.

kulankaan oo intuu socday ay ka hadleen waalidiin aqoonyahano arday sidoo kaalana shahaadooyin abaal marinaa lagu gudoonsiiyay Dufcadii sadaxaad ee ka baxda dugsiga hoose dhaxe iyo sare ee bandiiradleey ayaa waxaa soo xiray Gudoomiyaha Deegaanka Bandiiradleey C/risaaq Axmed Jaamac oo isagu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay horumarka waxbarasho xiligaan laga dheehan karo deegaanka Bandiiradleey taas oo uu xusay in inteeda badan ay ku timid dadaal iyo iskaashi ay bulshada deegaankaasi oo isugu jira jaaliyadaha dibada iyo kuwa guduhu ay ka wada shaqeeyeen si waalidiinta loo fahamsiin lahaa ahmiyada ay waxbaridu u leedahay horumarka iyo mustaqbalka maskaxdoodana looga tir tiri lahaa afkaar aan wanaagsaneeyn oo ay ka heysteen waxbaarshada maadigaa.

 

Previous Post

Maleeshiyada Al-Shabaab oo 3 Qof ku dishey Kenya

Next Post

Akhriso: Warmurtiyeed laga soo saaray heshiis ay wada saxiixdeen Dowladah Soomaaliya iyo Jabuuti

Next Post
Akhriso: Warmurtiyeed laga soo saaray heshiis ay wada saxiixdeen Dowladah Soomaaliya iyo Jabuuti

Akhriso: Warmurtiyeed laga soo saaray heshiis ay wada saxiixdeen Dowladah Soomaaliya iyo Jabuuti

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

April 24, 2026
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Nigeria, Mudane Mohamed Osman Mohamed, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tagay gobolka Bakool

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tagay gobolka Bakool

April 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa booqasho ku tagay degmada Xudur ee Gobolka Bakool, Wafdiga ayaa waxaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka

April 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Mashruuca xoojinta adkeysiga...

Golaha Wasiirrada XFS oo meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel

Golaha Wasiirrada XFS oo meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel

April 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In