Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Al-shabaab oo 9 qof oo shacab ah ku dilay duleedka Muqdisho

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Al-shabaab oo 9 qof oo shacab ah ku dilay duleedka Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wararka naga soo gaarayo Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab weerar ay ku qaadeen inta u dhaxeyso deegaanada Lafoole iyo Carbiska ay ku dileen 9-ruux oo lix ka mid ah yihiin Dumar.

 

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Bare ayaa SONNA u sheegay in dadka la dilay ay ka shaqeynayeen Barnaamij isxilqaan oo geedaha laga jarayay wadada hareeraheeda,halkaasina ay ku soo weerareen maleeshiyo gaari wadatay oo xasuuqa u geystay dadkaasi masaakiinta ah.

“ Dad masaakiin ah oo loogu talagalay arrin isxilqaan ah oo annaga aan abaabulnay oo ka shaqeynay iney geedaha ka jaraan wadada ayaa nimanka nabad diidka ah u yimaadeen kuna xasuuqeen, iyagoo halkaasi ku dilay 9-ruux oo lix ka mid ah ay yihiin Dumar,sidoo kale maleeshiyada ayaa horay u watay gabar dhexda ayay ku dileen,” ayuu yiri Guddoomiye Barre.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in kan maamul ahaan ay u gurmadeen dadkii waxyeelada soo gaartay,islamarkaana ay ku daba jiraan kooxaha arxan laawayaasha ah ee weerarka soo qaaday.

Mudane Maxamed Ibraahim Barre ayaa ku tilmaamay maleeshiyada Al-Shabaab iney yihiin kuwo ka soo horjeeda horumarka iyo nabada,islamarkaana si joogta ah u beegsadaan shacabka si iskood ah u dhisanaya dalka.

Previous Post

Qaar ka mid ah Haweenka ku jira Baarlamaanka Soomaaliya oo tababar ugu ambabaxay Turkiga+Sawirro

Next Post

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay 35-ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab

Next Post
Howlgal qorsheysan oo lagu dilay 35-ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay 35-ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In