Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Al-Shabaab oo Godane ugu baroordiiqday weerarka Masaajidda iyo Malcamadaha Qurโ€™aanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
Al-Shabaab oo Godane ugu baroordiiqday weerarka Masaajidda iyo Malcamadaha Qurโ€™aanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Al-Shabaab ayaa dilkii horjoogohoodii hore Axmed Godane 4 sanno kadidb ku xusay weerar ay ka geysteen Masaajid iyo Malcamad Qurโ€™aan, maxaysa xaaladda ay kooxdaas la nooshahay maanta.

Related posts

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ญ๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ž๐ฒ ๐ƒ๐ฎ๐Ÿ๐œ๐š๐๐๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐Š๐ฎ๐ฆ๐š๐š๐ง๐๐จ๐จ๐ฌ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ง๐š๐›ย 

Afar sanno ayaa laga joogaa geeridii horjoogihii Al-Shabaab Axmed Cabdi Aw-godane, waxaa lagu dilay deegaan lagu magacaabo Haawaay oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hooseย  1-dii September sannadkii 2014-kii kaddib markii diyaaradaha Mareykanka ay Gantaal la dhaceen deegaankaas.

Shan maalin kaddib kooxda Al-Shabaab ayaa qiratay dilka hoggaamiyahoodii,ย  iyagoo shaaca ka qaaday in hoggaanka kooxda loo magacabay Axmed Diiriye (Abuu Cubeyda).

Muddo kooban gudaheed waxaa soo ifbaxay habacsannaan baahsan oo dhinaca hoggaanka ah, taas oo ka dhex abuurtay Al-Shabaab khilaaf adag, markii dambenaย  seddex saf u kala qeybiyey kooxda.

Khilaafka kooxdu waxaa dhinac socday dagaal ka imaanayey ciidammada dowladda, AMISOM iyo saaxiibbada Soomaaliya dhinaca Amniga ka caawisa, Gacanta Al-shabaab waxaa kaย  baxay dhul ama deegaanno ay horey u joogeen, aad buu u kooban yahay hadda meelaha uuย  ka jiro xukunka kooxda, laakiin dhibaatada ay Ummadda ku hayaan ayaa baahsan.

Ma jiro dhaqaale toos ah oo kooxda ay ku socodsiiso gabood-falladeeda, laakiin waxa ay baadaan dadyowga Soomaaliyeed oo nooc walba isugu jira,ย  dhaca Al-Shabaab ay geystaan waxa uu gaaray in ay baad ka qataan dadka ugu liida sida Qoysaska aan waxba heysan laakiin ku nool meelaha ay sidii kalluunkii gabbaadka ka dhigtaan.

Arrimahani waxa ay ka dhasheen hoggaan xumimada Abuu Cubeyda oo la rumeysan yahay in uu aad ul il daran yahay Cudurka Kansarka,ย  mar sii horreysayna looga shakiyey in kooxdu ay khaarajisay Horjoogahoodii.

Burburka hoggaanka iyo habaca taagan waxaa muujiyey kaddib markii ay kooxda isaga baxeen rag badan oo saameyn ku lahaa, halka kuwa kalena ay dowladda Soomaaliya isku soo dhiibeen.

Axmed Diiriyeย  horjoogaha Al-Shabaab waxa ay taariikhda madoow ku xuseysaa xasuuqii mar qura ay 500 oo qof oo birimageyda ah ku dileen Al-Shabaab weerar qarax ah oo 14-kii October sannadkii 2017-kii xili galab ah Isgoyskii Soob ka dhacay, waa asalka nacaybka ay u qabaan shabiga Soomaaliyeed dhacdadaas oo xanuun weli ku heysa qof walba oo Soomaali ah marka iyaga laga reebo.

Xasuuqii 14-kii October waa midkii ugu weynaa ee abid qaaradda Africa 500 oo qof lagu dilo hal daqiiqo.

Laakiin waxaa ka sii daran sunnooyinkii uu Axmed Godane uga tegay kooxda oo ah in ay sii wadaan burburinta goobaha macbadyada ah, sida masaajidda iyo Malacamadaha Qurโ€™aanka.

Al-Shabaab oo Godaneย  dilkiisa xuseysa ayaa weerar ku qaaday Masaajid iyo Dusgi Qurโ€™aankii 1-dii bishaan September oo ah markii la dilay Axmed Cabdi Aw Godane.

Al-Shabaab iyaga ayaa duulaan ku ah Shacbiga Soomaaliyeed, iyaga ayaa ka aargoosanaya dadka Soomaaliyeed iyaga ayaa diiddan Soomaalinimada, iyaga ayaana ย ku dambeyn doona dilka iyo baaba’a ay ku dabar jarayaan hadda Ummadda Muslimka ah ee Soomaaliyeed.

Kuma filna oo keliyah in aan afka sii wadno sheegista dhibaatada Al-shabaab oo waxa ay ku soo maqan yihiin waa baadinnta dhiiggaaga haddii aad Soomaali tahay, laakiin waxa kuu furan in aad adiga dabar goโ€™ooda ka qeyb-qaadato, sida bad badan ay haddaba yeeleen, taas oo ku badbaadisa.

W/D Feysal Muuse

Previous Post

Ciidanka Xoogga dalka oo magaalada Marka ku soo bandhigay horjoogeyaal ka tirsan Al-Shabaab

Next Post

Faah faahin: Madaxweyneyaasha Soomaaliya, Eritrea iyo RW Itoobiya oo ku kulmaya Asmara

Next Post
Madaxda Soomaaliya,Ethiopia iyo Eritrea oo 6-da bishan ku shiraya Asmara

Faah faahin: Madaxweyneyaasha Soomaaliya, Eritrea iyo RW Itoobiya oo ku kulmaya Asmara

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ญ๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ž๐ฒ ๐ƒ๐ฎ๐Ÿ๐œ๐š๐๐๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐Š๐ฎ๐ฆ๐š๐š๐ง๐๐จ๐จ๐ฌ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ง๐š๐›ย 

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ญ๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ž๐ฒ ๐ƒ๐ฎ๐Ÿ๐œ๐š๐๐๐ข๐ข ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐Š๐ฎ๐ฆ๐š๐š๐ง๐๐จ๐จ๐ฌ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ง๐š๐›ย 

September 28, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hayโ€™adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In