Saturday, March 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Al-shabaab oo laga saaray deegaano ka tirsan gobolka Baay

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Ciidamada Xooga Dalka ayaa la wareegay gacan ku heynta Degmada Aadan Yabaal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka XDS Iyo kuwa  booliiska gaarka ah ee dowladda goboleedka koofur galbeed Soomaaliya ayaa la wareegay deegaano dhowr ah oo ka wada tirsan gobolka Baay kadib markii ciidamada wadajir ka ah sameeyeen howlgal ka dhanka maleeshiyaadka Al-shabaab.

Deegaanada ay ciidamada la wareegeen ayaa waxaa kamid ah Balaw, Keerow  Malaaq iyo kuwo kale oo ahaa meelaha Al-shabaab ay ku dhibaateynayeen dadka shacabka ah.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

March 27, 2026
Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026

Howlgalka lagu qaaday deegaanadan ayaa waxaa ay ka dambeysay markii guddiga nabadgeliyadda gobolada koofur galbeed ay shir ay wada yeesheen isla markaana go’aamiyeen in howlgal lagu qaado goobahaas.

Xubno ka tirsan guddigaas iyo saraakiisha ciidamada ayaa horkacayay howlgal ay ciidanka kula wareegeen deegaanadan.

Dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanada laga saaraya Al-shabaab ayaa wajigooda laga dheehanayay sida ay ugu faraxsan yihiin in ay dhibaatada kooxdaas laga dulqaado.

Wariyaha warbaahinta qaranka ee gobolka Baay Siraaji Sheekh Isxaaq, oo howlgalka la socdaya ayaa soo sheegaya in howlgalka lagu soo gabagebeeyay deegaanka Goof-gaduud Shabeelow oo dhowaan laga la wareegay Al-shabaab.

Dadka deegaankaas ayaa waxaa la hadlay qaar kamid ah xildhibaanada ka tirsan maamulka koofur galbeed oo deegaanada Al-shabab laga saaray soo kormeerey.

Xubnaha guddiga nabadgeliyada koofur galbeed oo xero ciidanka ay leeyihiin oo ku taala duleedka Goof-gaduud ayaa waxaa ay si aad ah u amaaneen howsha adag oo ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada koofur galbeed Soomaaliya.

Previous Post

Maxkamadda Sare Sacuudiga oo ku baaqday in galabta la fiiriyo bilashada bisha Shawaal

Next Post

Wasiirka caafimaadka: isbedel ayaa soo kordhin doonaa

Next Post
Wasiirka caafimaadka: isbedel ayaa soo kordhin doonaa

Wasiirka caafimaadka: isbedel ayaa soo kordhin doonaa

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

March 27, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire...

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026
0

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jira kulan muhiim ah oo ay galabta...

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

March 27, 2026
0

Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada  XFS,Ururka Dhaqaatirta iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu talagalay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In