Wednesday, April 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Al-shabaab oo nin dhakhtar ah ku gowracay gobolka Bakool

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Al-shabaab oo nin dhakhtar ah ku gowracay gobolka Bakool
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Buurdhuxunle oo ka tirsan gobolka Bakool isla markaana 30 km u jirta degmada Waajid ee gobolkaas ayaa habeenimadii Arbacada aheyd ee la soo dhaafay waxaa nin lagu magacaabi jirey Mad Xasan Duban, oo da’diisa lagu qiyaasay 70 meeyada, ahaana dhakhtarkii magaaladaasi ay gowraceen maleeshiyaad ka tirsan Al-shabab sida ay sheegeen dad goobjoogiyaal ah.

Mid kamid ah dadka magaaladaasi degan oo magaciisa ka gaabsaday ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay in xilli waqti dambe oo habeen ah ay gurigiisa u soo dhaceen maleeshiyaad hubeysan isla markaana subaxdii meydkiisa laga heley meel banaanka ka ah magaalada.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026

Guddoomiyaha Buurdhuxunle, Aadan Huudow Axmed, ayaa dhankiisa xaqiijiyay dilkan foosha xun oo ninkaas dhakhtarka ahaa loo geystay isla markaana howlgalo amniga deegaanka lagu adkeynaayo ay sameeyeen tiro dad ahna loo hayo falkaas inkastoo dadka la qabtay intooda badan la soo daayay.

Allaha u naxariistee Mad Xasan Duban, ayaa ahaa nin dadka deegaankaas si weyn u yaqaanaan isla markaana muddo aad u dheer xarun caafimaad ku lahaa magaalada Buurdhuxunle oo uu ugu dambeyntii tii alle ugu timid sababsadeyna gacan ka xaqdaran.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta loo diley ninkan odayga ahaa, hase yeeshee falalka noocaan ah ayaa ah kuwo ay ku can baxeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Magaalada Buurdhuxunle, ayaa waxaa ay kamid aheyd meelaha maleeshiyaadka Al-shabaab ay dadka shacabka ah u dhibaateyn jireen hase ahaatee horaantii sanadkii la soo dhaafay ay ka saareen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwo midowga Afrika.

Xilligii Buurdhuxunle, ay gacanta ku hayeen  Al-shabaab ayaa la sheegay in ay ninkan ay afduubeen isla markaana muddo dhowr bilood ah kadib xoriyadiisa dib u soo siiyeen.

 

 

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Maalinta Nabadda iyo isboortiga oo si weyn looga xusay Soomaaliya-Sawirro

Next Post

Maalinta Nabadda iyo isboortiga oo si weyn looga xusay Soomaaliya-Sawirro

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In