Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maalinta Nabadda iyo isboortiga oo si weyn looga xusay Soomaaliya-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxa magaalada  muqdisho lagu qabtay  xuska maalinta caalamiga ah ee u adeegsiga  isboortig horumarka,nabadda iyo maalinta ciyaartoyda Soomaaliyeed.

Munaasabadan oo   ka dhacday  garoonka Banaadir  ee magaalada Muqdisho waxaa ka soo qeyb galay  mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga,   guddiga Olombikada, madaxda xiriirada, ururada,masuuliyiin ka socotay hey’adaha qaramada midoobay ee dalka ku sugan ciyaartoyda qeybaha kale gedisan ee  xiriirada dalka, ciyaartoyda 17 degmo ee gobolka Banaadi, iskuulada, kooxaha hidaha dhaqanka iyo Banda Muusika.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

July 14, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Tacsi ugu Tagay Safaaradda Dowladda Qatar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Tacsi ugu Tagay Safaaradda Dowladda Qatar

July 14, 2026

Ciyaartoyda  oo garoonka soo buux dhaafiyay ayaa garoonka ku soo maray socod  ayagoo xiran labiska  ay astaanta u leedahay koox waliba waxaana    muusik  soo jiitay dadweynihii garoonka ku sugnaa    garaacay  kooxda ciidanka booliska Soomaaliyeed Banda Musika.

Ugu  horeyn waxaa khudbahada daah furay guddoomiyaha Ururka Ciyaartoyda Soomaliyeed,  Xasan Axmed Barre, waxuuna yiri  “farxad ballaaran ayay u  tahay in bahda isboortiga ay ku kulmaan munaasabda   6-da April  oo  laba munaasabad oo qaali ah  kulmisa  islamarkana ay wax weyn iska bedeleen sanadkii hore, si  qaranka Soomaaliya qeybahiisa kal gedisan loo horumariyo,”.

Xogahayaha Guud ee guddiga Olombika Soomaaliyeed, Duran Axmed Faarax,   oo munaasabadda ka hadlay   ayaa waxaa uu faahfaahin dheer ka bixiyay   qaabka ay munaasadan iyo kuwii ka horeeyay ku bilowdeen waxaa uuna tilmaamay in la ansaxiyay sanadkii 2013 guddiga olombikada uu sanadkii seddexad oo xiriir ah qabanayo.

Guddoomiye ku xigeenka  Arimaha Bulshada gobolka Banaadir, Iimaan Nuur Iikar, oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay ay muhiimad gaar ah leedahay in ciyaartoyda Soomaaliyeed isu soo bax balaaran oo sanadle  ah yeeshaan.

Ugu dambeyn waxaa xaflada soo xeray  Wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga, Cusmaan Aadan Dhuuboow,  waxaa uuna sheegay in xafladan  si wanaagsan loo soo agaasimay  wasaaraduna ay qaadan doonto doorka ay ku leedahay horumarinta isboortiga  gaar ahaan  helida garoomo lagu ciyaaro oo muhiim u ah kooxaha dalka oo ay dhibaato ka hayso dhanka garoomada.

IMG_8149

IMG_8180 IMG_8191 IMG_8197 IMG_8208 DSC03756

DSC03733 DSC03737 DSC03740 DSC03742 DSC03746 DSC03691 DSC03713 DSC03718 DSC03648 DSC03655DSC03713 DSC03655 DSC03648 DSC03691 DSC03733 DSC03737 DSC03740

Previous Post

Al-shabaab oo nin dhakhtar ah ku gowracay gobolka Bakool

Next Post

Heshiis dayn cafin ah oo  Soomaaliya la gashay IMF-Sawirro

Next Post
Heshiis dayn cafin ah oo  Soomaaliya la gashay IMF-Sawirro

Heshiis dayn cafin ah oo  Soomaaliya la gashay IMF-Sawirro

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

July 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa uga mahadceliyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe), oo ka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Tacsi ugu Tagay Safaaradda Dowladda Qatar

Minister of Foreign Affairs Pays Condolence Visit to the Embassy of Qatar

July 14, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, paid a condolence visit to the Embassy of the State...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Tacsi ugu Tagay Safaaradda Dowladda Qatar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Tacsi ugu Tagay Safaaradda Dowladda Qatar

July 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa booqasho tacsi ah ku...

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Afmadow

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Afmadow

July 14, 2026
0

Hey’adda SoDMA ayaa maanta degmada Afmadow ee gobolka Jubadda Hoose, ka daahfurtay wajiga koowaad deeq gargaar raashin ah oo lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In